Wariyaashii Sweden oo la siidaayay iyo cadaynta oo bug ahayd

Labadii wariye ee Swedishka ahaa oo ku xirnaa Ethiopia ayaa isbuucaan la siidaayay ka dib markii ay cafisay dowlada Ethiopia. Wariyaasha oo sanadkii hore laga soo qabtay dhulka ismaamulka Soomaalida iyaga oo wehlinaya ONLF ayaa xabsi ku jiray 14 bilood.

Balse dowlada Ethiopia ayaa waxaa soo wajahday fadeexad ku saabsan Video loo isticmaalay in lagu maxkamadeeyo wariyaasha, vidowgaan oo muujinayay dagaal iyo wariyaasha oo lala qabtay ciidamada ONLF ayaa la sheegay in uu been abuur ahaa. Ciidamada Ethiopia ayaa sameeyay muuqaalka 2 maalmood ka dib markii la qabtay wariyaasha.

Sababta ay u sameeyeen ayaa lagu sheegay in ay ahayd in xabsi dheer lagu xukumo wariyaasha. Mid ka mid ah raggii duubay muuqaalka oo Soomaali ah ayaa fashilay videoga ka dib markii uu isaga cararay dalka Ethiopia.

Halkaan ka daawo muuqaalka bugta ah ee ay sameeyeen ciidamada Ethiopia.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. mandeeq says:

    mar.2 haday xuruyadooda dib uheleen waa soo dhaway nenaa waana ariin lagu farxo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Cidla ka wareera says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 10

  3. Khadija says:

    Weriyayaashaan waxey rabeen iney soo tebiyaan xaqiiqda ka jirta dhulka soomaalida ethiopa iyo dhibaatada shacabka soomaalida halkaas ku haysta ee kufsi, dil iyo dhacaba iskugu jirta. Markii ay wadanka galayeena vise la’aan ayay ku galeen maadaama aysan dowladda ethiopia u ogolaaneyn weriyaasha madaxa banaan iney halkaas booqdaan oo caalamku xaqiiqda meeshaa ka jirta uu ogaado. Dembi kale oo ay galeen ma jirto. Waana ku faraxsanahay iney dib xoriyadooda u heleen oo reerahoodiina ay ula midoobeen.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  4. Abdirazak Hassan says:

    geerida Zenawi ayay ku heleen xuriyadooda.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

    • Xamaada says:

      May, Ilaahey amarkiis ee ku heleen, ee baqtigaas noloshiisa iyo dhimashadiisa kuma xirna.

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0