Wariye caan ah oo Soomaalida ku fadeexoobay

Mid ka mid ah wariyaasha caanka ah ee ka hawl gala telefishinka Sweden (SVT) ayaa qarka u saaran  in shaqada laga cayriyo ka dib markii uu hadal aflagaado loo arkay oo ka dhan ah Soomaalida uu ku qoray bogga Facebook.

Ninka lagu magacaabo Janne Gunnarsson oo ah wariye qaabilsan arimaha ciyaaraha tenniska ayaa ka carooday ka dib markii ay dowlada Sweden sheegtay in aysan u hayn lacag ay ku maalgaliso ciyaaraha Tennishka. Ka dib ayuu Facebook waxa uu ku qoray.

– Lacagtu kuma filma marka aan 27,000 oo Soomaali ah siinayno cayr!!!

Hadalkaas oo u muuqday mid uu ku durayo Soomaalida ayaa waxaa cambaareeyay maamulka telefishinka oo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, maadaama ninkaan uu yahay nin caan ah oo la xushmeeyo. Ururka Midnimada Soomaalida ayaa raali galin ka dalbay Janne Gunnarsson.

Ninkaan ayaa durbadiiba raali galin ka bixiyay hadalkiisa, isaga oo ka qoomameeyay sida uu u hadlay.

– Waxaan aad uga raali galinayaa Soomaalida iyo dadka kale hadalka qaldan ee aan qoray – ayuu yiri  Janne Gunnarsson.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa in shaqada laga cayriyo ninkaan, iyadoo maamulka SVT ay hada u fadhiyaan in ay go’aan ka gaaraan arintaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

27 Responses

  1. mawliid says:

    Asc marka hore jimcaale waan idiin salaamay bacda saaaln Su,aashan qabaa waxay tahay soomaliduu miyay ka caydh qadan badan ahay ajaanimka sweden jooga sidaa Iraqiyin iyo Siriyanska iyo wixii kale soo raaca,mise wixii xuunba xaawa leh weyeen ariintoodu?

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

    • shuceyb says:

      sxb dadka ugu badan oo qaata waa somali, dadka kale way qaataan ,,,,,, wallhi hadalkaan oo kale markaan arkay meel ayaa i xanuuntay, anigoon ceyr qaadan ,,,, wadanka ha loo duceeyo,,, somali hadii ay soo qaadaan, xumaan ayaa la socota

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  2. caanogeel says:

    asc waa wax aad loola yaabo sababta anaga uun mar walba tusaale naloogu soo qaadanayo,ajanibka oo dhan way qaataan cayr iyagaaba nagaga badan hadan somali nahay marka anaga why tusaale naga dhigay?waa su,aal aan wali laga jawabin

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  3. Massaga says:

    Hadalkaan waa cunsuriyadnimo oo carya suusac laheeyn lkn hadii si kale loo dhigo Somalida waaka muuqdaan umadaha kale maxaayeelay suuqa shaqada waaku liidanaa sababa kasto ha jirtee Insh-Allaah waxaan rajeeynaa wadankaanyi inaan u naqano nabad Allaha nooga dhigo aamiin aamiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. cabdiraxmaan says:

    Sweden mar hadii weriyihii tvga qaranka sidaa u hadlay maxaad moodaysaa shacabka caadi ahna , Runtii waxaa cad in soomaalida fikrad khaldan laga haysto oo suuqa sumcad xumo loo geliyay, waayo carabta joogta ee cayrta qaadata ayaa kun jeer ka badan soomaalida marka arintan waxaa lug weyn ku leh carabta laftooda oo ay ceebta iska duwayaa inaga dadka kama cayr qaadashi badnin malaayiin shaqeeya waan leenahay, marka xaga saxaafada aan iska dhisno. Yurub waxaa la isku dilaa saxaafada ee soomaaliyey aan waxiska dhicino dhanka saxaafada afkeena yuusan ina ciiline.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. Nin sare says:

    war ninku wax khaladan kumuusan hadal ee ha ladaayo waa runtiise maxaa yeelay 25 jiro somaliya ayaad arkaysaa ku xisaabtamaya tuule hebla ayaa caydh badan iyo luula kale ayaa kasii badan oo xitaa aan ka fakaray waxkale ooaqoone iska dhaafe afka meelku haboon inay ka bartaan ama shaqo meel ku dhaanta meesha ay joogaan

    markaa dhalinyaro ha dagdagina

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  6. alfanan says:

    waalayaab wax kasta o xun anaga ayaa tusaale u ah ninkaas dhaqta lee ayuu ka maqlay somali ayaa cayrqaadada lkn run ahaanti carabta ayaa boqol jibaar nooga badan lkn somalida wax mabaran waa jaahiliin luuqada wadanka xitaa kan shaqaya mayaqaan sababtaas ayaa naluu sara wax kasta ma arkaysid somali ka hadleesa tvyada dooda lkn markasta waxa arkaysa nin ama 3 carab ah oo isdufaacaya shid fowqul shid qabiil duli ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  7. Fm says:

    Anigu waxaan qabaa haddi hadalkii Soomaalida lagu durayo oo dhanba sidaas looga hor tago in aan lagu degdegeyn oo la xushmeynayo, laakiin haddii loo aamuso oo waliba isla Soomaalidii fidiso waxeena xun taasi waa mida na dishay oo dadka kalena naga soocday, balse yaan la qaadan waxii qalad ah hana la isku duubnaao wabillaahi towfiiq.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. mustafa says:

    anigu waxaan qabaa somalida inay iska ilaaliyaa swedan cunsuriyinta ayaa ku badan maadama weriyayaashii ay sida samaynayaan dawladana qaar ka mid ah ayaa samaynayseeee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. pheno says:

    kkkkk waa hadal run ah. yaan xaqiiqada layska indho tirin. janne gunarson fariin ayu diraya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  10. SOOMALIDOON says:

    SOMALIYEEY ASC SWEDAN CUNSURINAMADA SOMALIDA AGUHAYO WAMID AAN GABSHOLAHAYN OOQAWAN ANIGU HORAAN U ARKAYBA SOMALISU WADADKA UGU DHIBTA YAR EEKUNOOL WADANKAN LAKIN NASIIBDARO TAAS INDHAH DADKAN MAQABANAYSO EE NACAYB FOG AYAY NOOQABAN MANAGARANAYO WAAJILEECEENA UN IYO MASAKIN NIMADENA IYO ISKU XIRNANLA ANTENA IYO GUDILA AANTENA BUR BURKENA WAYE BALSE SOMALIYA MAANTAY DWLAD BA USOO IFTIIMAYSA INSHA ALAH WAXANA DHACAYSA DIBAA LOONOQOONAYA WALANOQONAYA INSHA ALAH SOOMALIYEEY ISJECLADA CIDII IDIN MAJECLEE IS WALAALAYSTA

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. Shafi says:

    Asc aduunka dhan ayaa waxii xun tusaale loogu soo qaataa somalida ma Sweden kaliyaa tvyada caalmaka dhan marka wax xun laga hadlaayo tusaale ayay u soo qaataan.
    Dhowr sano ka hor
    ayaan ka qeyb galay shir ka dhacayay Stockholm waxaa looga hadlaayay waxa ay wadamada ay dhoofiyaan dibada. markaan ka fikiray waxaa ii soo baxday waxa somaliya ay dhoofiso waa dad kaliya .

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. Runsheeg says:

    Assalamu caleykum.
    Soomaalidu waxay tiraahdaa: qofku ma ahan sida uu isagu isu yaqaan balse wuxuu yahay sida dadka kale u yaqaanno isaga.
    haddaba been ma,ahan mana la daffiri karo in soomaalidu tahay dadka ugu aqoonta liita, uguna xirfadda ama sancada yar bulshada sweden, sidaasna waxay ku noqdeen dadka ugu shaqada yar, sidaas darteed ayey haddan kusii noqdeen dadka ugu ceyrqaadashada badan.
    Waxaa kale oo jirta in soomaalidu tahay dadka ugu ilma dhalka badan,uguna furriinka badan, kuwaas oo kharash fara badani ku baxo, qofka swidhishka ahina wuxuu xisaabinayaa immisa carruur ah ayaad barnbidrag ama underhållsstöd ku qaadataa?!! ogowna isagu wuu kari waayey ama ka cabsaday inuu hal carruur ah dhalo, wuuna shaqeeyaa oo skattka laga qaado ayaa ceyr ahaan loo qaataa.
    waxaa kale oo la ogaaday inaysan soomaalida badankeedu shaqadaba raadsan oo aanay rabin inay shaqeeyaan haddii xataa meel laga shaqeeyo la geeyo.
    haddaba Soomaaliyeey haddaan rabno inaan dhalanteed ku noolaanno la inaga aqbali maayo ee waxaa nala gudboon inaan is waanino iinagu oo aan sharaf yeelnno sida ummadaha kale, bulshada aan la noollahayna wax la qabsanno illeyn waddanka waan la yeelanaye (muwaadiniin ayaan noqonnay waana nala soo dhoweeyey markii aan dhibaateysneyn)

    “هَلْ جَزَاء الْإِحْسَانِ إِلَّا الْإِحْسَانُ ” Inaan innagu ka cunsurinnimo badannahay swidhishkana aniga shaki iigama jiro, balse adinka aan idin weydiiyee Soomaaliyeey Swedhish muwaaddinnimada soomaalinimada shan sano ma ku siin laheydeen haddaad waddankiinna joogi laheydeen?
    HADAL YAR IYO HOWL BADAN IYO HANUUNSANAAN BAA DHAQSO LOOGU HORMARAA.

    Aad ayaad u mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  13. sucaad says:

    arinkaas yaan laga doodin waa rune tusaale ahaan barigan wadanka imid ayaan skuul bilabay luqada lagu dhigto dhaman soomalida iigasoo horaysay waxay isu dhihi jireen meeshan wax lagama barto lacagta caydhan ku ilashanaa hadan dhamynana waxaa naloo dirayaa shaqo mudo 6 sanan jogayoo dadkan ugu imid skuulka wali waa joognaa bay igu dhahaan markaa xataa inta dalka kaagasoo horaysay yaa niyada kaa dilaya markaa qofkii mustaqbal rabaa yuu somali l saxiibin markuu wadanka ku cusub yahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. salmo says:

    da,daaaaaaalay da,dalay somaliweyney dadalaay ayan leyahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Daacad_girl says:

    Salaam

    Ninkaan wax qaldan ma dhihin…runta ayuu sheegey….goorma ayeey taas dambi noqotey?

    Hadii taa laga xanaaqayo..hala shaqeesto

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. JAY JAY says:

    somalida waxaay yihiin baa lagi sheegaaa London ama england somalida degen ceebtoodu waa 16 jir ayaa xabsi la dhigay arimo khuseeya gungs nimo lakiin waa dad shaqaysta scandanivianka ceebtoodu waa in aay Caydh ku xisabtamaan iyo aqooon la’aan ninka ku nool ama naagta ku nool boqol sano maalinta aay kasoo tiulayso wadamadaas scandinevianka diyarada aay ka soo racayso ama sweden gudaheeda ama kuwa lamidka ah waxaa lagula hadlayaaa english africa ama asia ama america markaay timaado waa jaahil qurbe ki waynaaday oo hal luuqad yaqaaan ………. Marka caaay idinma ahan in la idinku sheego in aad caydh qaadataan iyo aqoon la,aan ee waa caadadiina rer scandinevianoow waxaa intaas idiin dheer jaajuusnimo dhexdiina ah iyo weliba in masaajidada somalidu aay dhisto aad ku tilmaamtaan rer hebel baa dhisay ku dukan mayno walaahi ceebo badan baad leedihiin ee CAYDH aad qaadataan ceeb ha u arkina
    wabilaahi towfiiq
    bye
    jay jay DUBIA

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  17. abdi ali says:

    Hadalkaasi waa aflagaado, somaliduna dadka kale ayay la midtahay, wax shaqasta iyoi wax caydh qaataba way lee yihiin, wadankan afar sano iyo wax yar baan joogaa sadex sano oo kamida way shaqaynayay dad badan oo somalia ah oo shaqeyaana waa jiraan e yaan xumaanta dusha loo ridan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. DEEQ,DARAJO says:

    Asc/dhaman asxabta waxan idinhaya duqa magalada katrineholm,MR,goran dahlstrom, ninka layirahdo e duqa ka,ah magalada,katrineholm aya saka mar kale kuceliyay in magaladisa e hada ku nolyihin somali gareyso,800,oo qofod hadane ey foda kusohayan,400,oo,kale magaladana eysan xamili karin dhaqalo dari awget warakan o fah fahsan waxat kaheli karta wargeska aftonboladet, ayu saka wareysi siyay, kalasoco wixi kusokordho arimaha familada wana idin sogudbin dona isha alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Abdifatah says:

    Taasi ma noqonayso SVT shaqaalaheeda mid ka mid ah in uu hadal noocas ah ku hadlo ,, mana filanaynin dadweynahay rer sweden, tani waxa ay la yab ku noqotay dhaman idacadaha sweden balse waxa la sugaya sida ay mamulka idacada sweden iyo shacabka reer sweden ka dhihi doonaan balse aysan soomalida iyaga ananba hadalkaan waxbana ku haynin nasib daro jirto aawadeed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Sheikha says:

    Aniga waxaan qabaa, dambiga qof kaliya ayaa galey, oo yaan laga dhigin wax guud.
    Markaa, arintaan hadda waxey ku koobantahey shaqsi kaliya.

    Tan kale, somaalida hala baraarujiyo, wax ha bartaaan, dhinackaso bulshada wax ha qabsadaan, oo fadhiga badan aan iska daayno, waayo, waddankaan waa waddan adag noloshiisa, anagana waxaan ka nimid, waddan noloshiisa ay sahlantahey, nasiib daro, Nabadii ayaa alla ku imtixaamey.

    Mahahasdanid, JIMCAALE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Nuurka says:

    Somaliya waad araktaan xalada halka ay mareyso ee hadaba waxaan idin leyahay tashta oo ruuxa tashto ma tiranyooda sidaa iyo nabad gelyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. suheeb says:

    waa cusirinima wadanka shaqa laanta aya ku qasabtay dadka in ay qaata cayr lakin somali waa dad shaqada u fir fir coon oo africa dhaxdeeda ka xamaasha .ajaanibta carta ku noool oo drugs ka kushaqeesta aya naga xun .maaha in uu nalagu so qaato waxi xun waan arinka in laga mudaa haraadaa aniga taan qabo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. najmo says:

    walaahe waa yaab wayo soomaali kaliya maaha dadka ajnabigaa ee jooga sweden why uu ninkan somaalida kaliya afka ugu soo dhuftay walee dalaadalkaaga aheeyn dareen ku joog waaye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. ilwaad says:

    nin kani haduu yiri somali cayr ayey qaadataa horta waa run laakiin muu ku daro shaqo uma ogolin ileen dadka badiiisu cayr wax kumay fasheen e shaqo la aan ayaa ku kaliftay in ay waxay ku noolaadaan lasiiyo e

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. abdi mohamed says:

    Akhyaaray dhamaan waan idin salaamay.Suaasha meesha taalo ayaa waxa ay tahay masax baa in shaqsi ku xad gudbo bulsha dhan oon la kala reebin midka shaqayo kaan shaqaynin,cunuga yar waayeelka.waa arin laga xumaado,ninkaas na khalad ayuu naga galay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. abdi mohamed says:

    Intaa waxaan ku darayaa Dadka swedishka ah dad xun ma ahaan inta aan ka bartay somalidana waa dad karti leh waxa naga maqan oo dadka soo galootida ah ee haystaan ma garanayo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0