Wasiir Hadliye: “Laanta socdaalka ee Soomaaliya xog beey u leedahay soomaalida Noorweey laga soo celinayo”

3
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye.

Iyadoo dowladda Noorweey ay kal hore sheegtay ineey sharciga daganaanshaha kala laabaneeyso soomaali gaareysa 1.600 oo, qof ayaa haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ee haatan xilkeeda dhamaatay xog ogaal u tahay soomaalida laga soo musaafurinayo Noorweey.

Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda xilkeeda dhamaaday ee C/salaan Cumar Hadliye ayaa daboolka ka qaaday in hey’adda amaanka qaranka ee NISA ay xog u heeyso wararka sheegaya soo celinta soomaalida Noorweey. Wasiirka oo la hadlayey mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ah ee magaaladda Muqdisho ayuu sheegay in dowladda ogolaatay qaabilaada soomaalidaasi dib loo soo celinayo.

Hase ahaatee wuxuu iska fogaayey in isagu iyo wasaaradiisaba qeyb ka yahiin wararka sheegayey in heshiis wasaaraddu la gashahay Noorweey si soomaalida loogu soo celiyo dalkooda. Wuxuu sidoo kale asheegay in hey’adda amniga qaranka oo ah hey’ad ka kooban laamo badan sida waaxda socdaalka iyo amniga ay aqbashay soo celinta dadkaasi. Wuxuuse ku dooday in Noorweey aaneey cidi ku qasbi karin in dalkeeda dadka ku heeyso.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Noorweey, Børge Brende ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in dowladiisu qorsheeyneyso siddii ay heeshiis ula gaari laheyd, kuna saabsan celinta soomaalida Noorweey ee sharciga loo diiday. Si kastaaba ahaatee waxaa soo baxaya tuhun ah in dowladda Soomaaliya ay kaalin muuqato ku leedahay heshiish-ka la isla dhex marayo Noorweey gudaheeda ee dib loo celinayo muwaadiinta soomaaliyeed ee sharciga lagala noqday. Hadalka wasiir Hadliye-na wuxuu sida qoroxda oo kale banaanka soo dhigaya tuhunkii laga qabay dowladiisa ee ku lug lahaanshaha dib u celinta soomaalida Noorweey.

Dowladda Noorweey ayaa dhawaan  sheegtay in sharciggii kala noqotay soomaali tiradooda gaareyso 1600, 120 oo dadkaas ka mid ah ayaa loo diray wasraaqihii digniinta ah ee sharciga lagala laabanayey.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here