Wasiirada deeqaha Sweden oo booqatay Muqdisho

4

Wasiirada Sweden u qaabilsan deeqaha ( biståndsminister) Gunilla Carlsson ayaa booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, iyadoo la kulantahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ay Gunilla la yeelatay madaxweynaha cusub ayaa looga hadlay arimaha siyaasada iyo dib u dhiska dalka. Wasiirada ayaa sanadkii 2011 sidoo kale booqasho ku tagtay Muqdisho. Gunilla yaa sidoo kale kulan la yeelanaysa madaxweynihii hore Shariif Sh. Axmed.

Muhiimada kulanka ayaa lagu sheegay in kor loogu qaadayo taageerada Sweden iyo Midowga Yurub ay siinayaan dowlada cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay wafdiga ka socda dowladda Sweden ee soo baaqday Soomaaliya waxa uuna tilmaamay in 22-kii sano ee uu dalka burburka ka jiray ay Sweden garab taagneyd dalka Soomaaliya si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here