Wasiiradda gar gaarka Iswiidhan oo Soomaaliya booqasho ku tagtay

Haweeneyda dalkaan Iswiidhan uga ah gar gaarka dibadda Isabella Lövin, ayaa shalay booqasho ku tagtay magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiiradda oo ka warameeeysay ujeedada socdaalkeeda ay ku tagtay Soomaaliya ayeyy sheegtay ineey dooneeysay sidii ay ula socon laheyd  gar gaarka ay dowladeeda siiso Soomaaliya iyo ineey najiito dhaliyeen isbadalada siyaasadeed ee dalka ka jira.

” Ujeedeeyda booqashadeeydu waa inaan eeggo halka ay marayaan howla gar gaarka iyo isbaladda siyaasadeed ineey ku talowsadeen horumar” ayey tiri Isabella Lövin, oo dhinaca kalena ka faalooneeysay raadka ay reebeen dagaaladda sokeeye ee saameynta weyn ku reebay magaaladda caasimadda ah.
“Marka aad ku dhex socoto magaaladda Muqdisho waxaad arkeeysa dhaawaca xoogan ee soo gaaray dhismayaalkii hore iyo raadadkii dhismiyaalka Talyaanigu dhisay ku dhacay, waana arrin laga xumaado” ayey tiri wasiiradda oo hadana hadalkeeda sii daba dhigtay in Soomaaliya tahay dal mudan in markale dib u dhis lugu sameeyo.

Soomaaliya ayaa weli waxaa uu yahay dal ay kala qeyb sanaan siyaasadeed ka jirto iyadoo xilligana uu yahay xilli kala guur ah oo dalku galayo doorasho ay caqabado badan ku heereysan yihiin, ayaa hadana waxaa sida cadceeda oo kale u muuqda dowrka ay hogaamiye dhaqameedyada soo xulanaya xildhibaanada baarlamaanka la filayo inuu yeesho.

Wasiiradda ayaa joogitaankeeda saacadaha ahaa aad u ammaantay Soomaaliya, waxaana ay tilmaantay da daalka ay soomaalidu ku dooneeyso in la soo celiyo kala dambeyntii iyo dowladnimadii luntay. Socdaalka wasiiradda ayaa sidoo kale imanaya maalin ka dib markii maanta uu qarax ay dad badan ku dhinteen ka dhacay agagaarka dekada magaaladda Muqdisho.

 

 

 

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

1 Response

  1. Liban says:

    Wasiirka iyo Dolada Sweden Waxan leyahay Qaxootiga Sweden dhaxdeda joogay 7sano iyo kabadan hadaneh Aan ku laban karin wadankodi ood Udiiden Inad Qabishan Ood ka goosaten Nolol maalmedki Ood idiiden Cafimaad xata iney helaan guri iyo jiif warkiisa daa oo usii dheertahay in maalin walbo Loogu caga jugley wadankina idin celineena oo waliba Waxa kujira dadkaas dad aad ulita kuwaas Wax U qabta Hada Run shegesan oo Sharciyada Siiya Inta Iska Deesan Lacagahan Aad Siinesan Tuukada Iyo Qaaimiinta isku Shegaya Iney wax ugu qabtan lacagtaas deeqda ah Somalia is Not peace Sweden Hadey Run katahay Wax qabadka Umada Somalida wax ha uqabato kuwa Barafkaa Dhacaya Ee Banaanka dhigtay Hadi kale Ha iska Heesato Deeqdeeda ileen Awalba waxa cunaayay masax isku sheega Somalida Oo ku fashilmay maamul wanag iyo iney umada ugu adeegan Aaamin nimo Sweden Hoos ha u eekto Dadka ku dhax nool wadankeda ee Qaxotiga ah Ninki Tisa daryela Tu kale kudare mise shekadu Waa nin Qurac hesta Qadada logu daraa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 2