Wasiiradda socdaalka ee Noorweey oo walaac ka muujisay dusiyada quraanka ee dibadaha loo aado

Wasiiradda socdaalka ee dalka Noorweey haweeneyda lugu magacaabo Sylvi Listhaug, ayaa walaac ka muujisay carruuraha dalka dibadiisa loogu dirro barashada quraanka.

Wasiiradda oo wareysi siisay muuq-baahiyaha dalkaasi ee NRK, ayaa sheegtay in carruuraha muslimiinta ee meel ka baxsan Noorweey loogu diro dugsiyada quraanka ay u keeneyso dhaawac xagga suuqa shada ah  iyo fursado waxbarasho oo ka luma.

Wasiiradan ayaa sidoo kale sheegtay in carruuraha ay ku wanagasan tahay in Noorweey ay dugsiyada sare ka baxaan si beey tiri ay diyaar ugu noqdaan suuqa shada, balse quraan loo aado dalka dibadiisa eeysan ku soo kordhineyn astaamo wanaagsan. Waxeey sheegtay ineeysan ka warqabin dowrka ay iskuuladda quraanka dibadda loo aado ku yeelaan karaan xag-jirnimada. Dowladduna ay u diyaarisay barnaamij ku saabsan xagjirnimada.

Mar wax laga weeydiiyey farqiga u dhaxeeya iskuuladda diinta masiixiga laga barto iyo kuwa muslimiinta ayey ku jawaabtay “In muhiimdu tahay in carruuruhu leeyihiin astaamo wanaagsan oo u fudeeynaya suuqa shaqada iyadoon aan la eegeyn diimaha ay heestaan”

Hadalka wasiiradda ayaa yimid ka dib markii uu kal hore muuq-baahiyaha dalkaas ee NRK ka diyaariyey baraamij ku saabsan masaajid ay leeyihiin koox turki, oo la sheegay in gabdho yar yar oo waalidood u direen dalka dibadiisa gaar ahaan Turkiga iyo Biljim si ay quraanka iyo diinta Islaamka u soo barteen. Mas’uuliyiinta masaajidka ayaa ku dooday in carruurahaasi waalidkii dhalay raali ugu yaqiin, iyaguna gacan ka geeysteen arrintaasi.

Noorweey ayaa in muddo ah waxaa ay il gaar ah ku heesay dhaq dhaqaaqyada masaajidada ay leeyihiin muslimiinta,oo laga aaminsan  yahay ineey tahay goob maskaxda looga dhaqo dhalinyarada ee ku lug yeesha falalka argagaxiso ee aanu aheyn goobo lugu cibaadeeysto.

 

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Cibaadadu xagee joogtaa, dhaqanka carabta iyo naceybka Reer galbeedka ayaa lagu bartaa meesha. War somaliyey danihiina raacda oo Iska daaya dhaqamadaan carabta iyo diintoodaba.
    Soo ayagu malahan, Waxa oodhan. Waa tan xataa af-ka somaliga la idin kadhumiyey.
    Walee mardhow afka somaliga ayaa idin goyn, meel xun oo Baadi baad ku denbeyneysaan. Oo caruurrihiina aad kusoo tiir iyo tacab beesheenba aad kuwaayeysan meesha. Saudi arabia iyo Carab oodhani idin madooneyso. Waa kuwa ilmihiina beerka & kalyaha kalabaxeysa, dumarkiinana qabsaneysa. Reer galbeed oo xaquuq idinsiiyey ayaa ifka unecebtihiin, waxaana idin kushubey waalidaas, carabta sunadaa.
    Carab oodhan mawada xuma laakiin waxaan heystaa kuwa sunadaa, oo sida siyaasadaa uneceb umada kale Ee aan lawadaagin feker kooda waalida CAD ah.
    Kabihiina ayaa kudhamaanaya meesha. Hadii aydan isku duubnaan, qofwalbana aan loo deyn caqiidadiisa waxaa dhaceysa in gor gorku cidla idin kucuno. Dowlad la aana aad kujirtaan ilaa qarni to qarni.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  2. Yahya says:

    To:
    Jaale Bilow Ali

    Sxb adiga is caddee diintee heesataa, Islam or Christian?
    Saudi Arebia waa dhul barakeysan haddii aad maqasho Carab waa aas aaska Islamka meeshii uu ka bilowday marka Allah haku soo Han uun iyo.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 3

  3. Muxsin Yare says:

    Jaale Bilow Carabteena Noo Daa Saxiib Lkn Adiga Xage u Diin Doonta ? Xage Wax Ka Barata Ileen Waa Tan Aad Nagu Haysato Qurankena Iyo Sunadii Nabiga Salallaahu Caleyhi Wasalam. Is Cadeey

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  4. Basket Billie Ali nacas gaal ah oo is qarinaayo ayaa tahay diinta islaamka nuucaada oo kale uma gafi karo noomana gamba kartid oo waan kaa aqoon badanahay hadalada aad ku hadashay waa gaalnimo cad

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. adon illahay says:

    jaale ali dulibaad tahay waxdna umuuqataa kuwa ridoobey in ad tahay waxksto ad tahay waaba jaahil baad tahaay mana taqaanid diinta islaamka ee diintayada faraha nooga qaaad duliyahow axmaqaaa islaamku waligi waa jirayaa intay aduunkan jiro wuxu unoolanayaa cadwgiisa sida adiga kristanka budisimka yahuuda hinduga shiicada iyo calmaniyihinta munaafiqiiinta ibliiska aabihiina iyo duli oodhan nacaladi dushiina ha ahaaato cadowgii allle

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0