Wasiirka dhaqanka Sweden oo cunsuriyadii ugu weyneyd lugaha la gashay [Video]

32

Wasiirka dhaqanka Sweden  Lena Adelsohn Liljeroth ayaa loogu baaqay in ay xilka isaga degto ka dib markii ay ka qeyb qaadatay jarida toorto lagu tilmaamay cunsuriyad.

Wasiirka oo ka qeyb qaadanaysay xaflad lagu dhigay Stockholm oo lagu soo bandhiyay farshaxanada ayaa lagu casuumay in ay jarto toorto loo egeysiiyay haweenay madoow ah oo aan dhar xirneyn isla markaana qaylinaysa iyadoo dhinaca dambe cad cad loo goosanayo toortada. Arintaan ayaa la sheegay in loogu tala galay in lagu muujiyo xanuunka gudniinka fircooniga.

Dadka ka soo qeyb galay xaflada oo ay ku jirto wasiirka ayaa u muuqday kuwo qoslaaya iyadoo xitaa la soo sawiray wasiirka oo quudineysa haweeneyda madoow. Ka dib markii ay sawirada iyo muuqaalada dhacdadaan internetka soo gaareen ayaa qaylo dhaan meelkasta ka soo yeertay iyadoo arintaan lagu tilmaamay in ay tahay cunsuriyad aan geedo loogu soo gamban. Arinta yaabka leh ayaa ah in toortadaan uu sameeyay nin afrikaan ah.

Si kastabaha ha ahaatee wasiirka ayaa raali galin ka bixisay dhacdada iyadoo sheegtay in aysan ula jeedin wax cunsuriyad ah ka qeyb galkeeda balse arintaas ayaa waxaa ka biyo diiday ururada Afrikaanka ee ka dhisan Sweden.

Bal halkaan ka daawada muuqaalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here