Wasiirka is dhexgalka oo Borlänge booqday iyo soomaalida oo soodhaweyntiisa ka qaybqaadatay

Wasiirka isdhexgalka Sweden, Erik Ullenhag ayaa booqasho ku tagay magaalada Borlänge si uu u ogaado xaalada dadka soogalootiga ah ku suganyihiin waxaana wasiirka iyo xubnihii la socdeyba si heer sare ah loogu soo dhaweeyey iskuul lagu barto SFI-ga. Wasiirka oo kulamo badan la yeeshay siyaasiyiinta gobolka ayaa wargeyska  aftonbladet, wuxuu ku yiri   “waxaan aad oga walaacsanahay sawirka guud oo aan soomaalida ka qaadanay oo ah in soomaalidu yihiin dad aan shaqaysaneyn waxna baraneyn, sawirkaas oo hada ku sii faafaya xataa shaqo bixiyaasha,laakiin soomaalida inbadan oo ka mid ah waa jaamiciyiin“.

Gabar wariye ah oo warbixin dheer ka qortay booqashada wasiirka  ayaa sheegtay in gabar soomaali ah oo ay wada shaqeeyaan aqoonteeduna heer jaamacadeed gaarsiisantahay la weydiiyey in ay magceeda qori karto iyo in kale mar ay dooneysay in ay iska diiwaan galiso waaxda canshuuraadka(Skatteverket) taas oo muujinaysa in dad badani u haystaan in aan soomaalidu waxba qorin karin.

Warbixintaan oo dhinacyo badan taabanaysa  ayaa markii ugu horaysan lagu qiray in ay qalad tahay in soomaalida lagu tilmaamo dad aan waxba soo baran, waxaana la tilmaamay in soomaalida in badan oo ka mid ah ay luuqada Carabiga wax ku soo dhigteen balse ay ku adagtahay luuqadaha latiniga ah.

Wariyaha Aftonbladet warbixintaan ku qortay ayaa sheegtay in ay Borlänge kula kulantay soomaali jaamiciyiin ah oo ka daalay afkaarta aan salka iyo raadka lahayn oo dad badan oo swedish ah iska dhaadhiciyeen oo ah in aan soomalidu aysan shaqaysan waxna baran, waxayna tusaale u soo qaadatay, Abdullahi Suudi oo wax ku soo bartay jaamacada Mogadishu University, markii uu Sweden yimidna horay ka shaqo bilaabay oo aan waligi wax kaalmo ah ka qaadan Sweden,  Nuradiin oo dhaqaalaha ku soo bartay Yemen hadana wada bas ka dhex shaqeeya Borlänge iyo Mohamed oo ah sargaal ka hawl gala xaafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen), shaqadan helay asagoo shan bilood oo kaliya oo jooga sweden.

Wargeyska Aftonbladet ayaa maalmahaan warbixino isdaba joog ah ka qorayey soo galootiga waxaana hada ka socda KL 11:50 dood looga hadlayo isdhex-galka oo uu ka qayb qaadanayo wasiirka is dhexgalka,Erik Ullenhag .

 

Faafi mowduucaan

Saciid Cabdi Cusmaan

Asc, ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. YAAN LEYGA XUMAANIN says:

    ‘WAA WAX LAGU FARXO …………..

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  2. Gabadh Sool says:

    7 bilood markan joogay yaan shaqo helay walow aysan ahayn shaqo waxbarshaydaydii ku haboon anoo horay usoo bartay midwife oo ah dhakhtar umuliso hadana waxan ku tala jira inan luqada laygu xidhay dhameyo kadib shaqadaydayda ku shaqaysto balse waxaa nala hadhay oo na cebeeyaya dadkii horay usoo galay wadanka

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  3. luul says:

    asc walala heyga musliminta ah amaa bacdu aniga waxba soma baran marki aan wadan keyga jogay hadana waxan aamin sanahay in aan wax bara karo wana barta in aan shaqeysto aad ayan u jeclahay mudo hal sano ah wan shaqeyay sweden sedex meelod wan ka praktik gareyay sfi wan dhameyay hadana waxan bartaa caafimad sadex sano oo kaliya ayana sharciga degenasha heysta lkin waxan arkaa dad wadanki wax ku soo bartay ee maanta aan aniga ka dadaal ronahay ama ka rajo wanaag sanahay marka dadka isku mid ma aha wexey ku xiran tahay hadba qofku sidu u dadalo mida kale wax qof ama labo sameyen ma aha in bulsho dhan lagu caayo waxan u arkaa cunsuriyad iyo dhaleceyn

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  4. ahmed says:

    Dadkii wadanka mar hore soo galay iyo kuwa hada soo galay wadanka waa loo siman yahay ee yaysan kartidina idin ciilin cidna yaan la canaanan ee qofkasta naftiisa ha canaanto

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  5. sahal says:

    waxaan halkaan ka salamaya dhamaan inta qorta iyo inta xiriirka la leh webkaan bacda salaan waxaan halkaan ka caddaynayaa
    in ay somalida sumcad xumo badan usoo jiideen dadkii soo galay waayadii hore waxa somali ku dhcaya oo cay iyo fool xumo iyo aflagaado ah waxaa masuul ka ah kuwa aan wax qiima ku fadhiyin oo qaadka iyo cayrta shaqo ka dhigtay
    waxaan fiican qofku inuu ka dhiidhiyo waxa xumaanta iyo magac xumada ku ah dadkisa iyo dalkisaba waxaa naga soo horeyey waa kuwa aan hore uga soo shekeyey sorry somalida cusub ayaan leeyahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  6. deqa says:

    RUNTII MAGACENI DADKII SOO GALAY WAQTIGI HORE AYA LUMIYAY OO HABAR CAYRA AGFARISTAY IYO XISBIGI MARKA JIRAY OO DADKA WAX ISKA SINJIRAY RUNTII ANIGU WADANKAN WAXAN JOGA OO UU BUXSANTAY 3 SANO ANO URLAN IMADAY 4 BILOD ANOJOGAN DHALAY ISKULNA ANLAYSOO TURIN SIDIBAN GURIJOGKU AHA HALSANO IYO 4 BILOD GURIGAN JOGAY KADIB AYAN ISKUL ADAY 3 BILOD MARKANDHIGTAY IMTIXANKI C DA TIJABADISI AYANGALAY BILKADIBNA ANGALAY BILKALE MARKI AN DHIGANAYAY MELNA AN KASOO BARAGTIGAREYAY AYAN SHAQO HELAY HADANA HALSANO OO BIL DHIMAN AYAN SHAQAY HORAYNA ISKULSARAN USOODHIGTAY LAKIN MAXAYTARIN SHAHADO MAHAYSTE MARKA HADANA MARAJADHIGIN HABEN USBUUCII AYN ADA D DII AYAN ISLEYAHAY DHAME KADIBNA INAN SIIWATO MARKA HALSANO BIL DHIMAN CANSHURBIXIYE AYAN AHAY WADANKAN KUNOOL HADI AN IMNLAHA KABASOQAD 10 SAN KAHOR WAXAN HUBA MANTAY JAMACADA DAYE KAAS WASIRKA INAN LA TAR TIMALAHA MARKA SOMALIDU WADANKA ILGARU KUHAYA AYAGANA NALIDA ANAGUNA WAABA ISLIDNA RUNTIINA DADKI HORA WAXAAS NOOSOOJIIDAYBA DADKA CUSUB WA DAD FIR FIRCON QOFKASTO SOMALIYA WAXAN KU LEYAHAY UKAC UMADADA HORUMARKEDA SOMALI OODHANA WAXANLEYAHAY QURBANJOGNAYE DADKA QEEYRKEN AH AAN LA TAR TANO QAXOTI WJAOGA HOGAN ADAG OO ANKU KALSONAHAY OO AN LAXISABTANO AN EYALANO RUNTII MAAMLMO BARNAMIJLAGASAMEYAN DAWANAYAYT SOMALIDA SAY YIHIN HORMARKA RUNTII TAS LA EGIMAYE MESHENA XUNA MUQATA SOOMALAAY ISDABAQABO

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. daadir says:

    asc dhamaan shaqaalaha website ka somaliska iyo asaxaabta kale fikirkooda ka dhiibtay halkaan. waa arun aad u xun in la yiraahdo soomaalidu m ahan dad waxbbarto lkn waxaa la rabaa soomaalida ku nool wadankan sweden in ay muuqaal laga qabo soomaalida dad badan oo sweden ah ka qabaan ama bulshayooyin kale ee wadanka ku nool waa in soomaalida waxbaratay ee joogta wadankaan ay qabtaan wada hadalno arintaan ku saabsan ka hadlaan sidii muqaal ama sawir laga qabo bushada soomaaliyeed wax badan ka badalaan tusaana dad waxbartay in ay yihin . mar walba dad bini aadamka ah waxa ay arkaaan ayey wax ku saleeyaan hadii hore loo arkay dad badan sooomaali ah oo aan waxbaran 20 sano kadib waa in ay la arko dad waxbartay ku nool wadan kana dhex muuqada bushada ku nool wadankan marka aad joogo ama ku nooshay wadan waa in aad ka dhexmuuqato bushada ku nool wadan kaan dhan walba xaga waxbarashad xaga dhaqaalo iyo wax walba ku saaban activity waa in la arkaa dad badan skills leh ama xirradu waxbarsho ku nool wadankaan sweden by daadir

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0