Wasiirka Isdhexgalka oo la kulmaya Muslimiinta

1

Wasiirka Isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag ayaa la kulmaya xubno matalaya Muslimiinta Sweden ayagoo ka wada hadlaya xaalada Muslimiinta iyo sidii looga hortagi lahaa naceyb loo qaado Muslimiinta ka dib weeraradii Stockholm ka dhacay.

“Qofkii jecel furnaanshaha iyo soo dhaweynta Sweden waxaa masuuliyad ka saarantahay in uu la dagaalamo neceyb loo qaado Muslimiinta Sweden ka dib weeraradii December. Waa inaanan ogolaan in ficilada hal shaqsi ay ka dhigto diin dhan dambiile” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in uu dareemayo arimo ay arday Muslimiin ah kala hadleen oo ay u sheegeen in ay dareemayaan cabsi kaga imaan karta cunsuriyiinta.

Wasiirka ayaa sheegay in uu doonayo in uu dhageysto xaalada Muslimiinta asagoo sheegay haddii ay argagixisadu kala qeybiyaan dadka Sweden in ay guuleysteen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here