Wasiirka Isdhexgalka oo xafiiskiisa u soo raray xaafada Soomaalida Rinkeby

12

Wasiirka isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag ayaa maanta xafiiskiisa u soo raraya xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Rinkeby isagoo halkaas ka shaqeyn doona mudo 1 isbuuc ah.

Wasiirka ayaa sheegay in siyaasiyiinta Sweden ay iska ilaaween goobaha ay ajaanibta ku badanyihiin sida Rinkeby, isaguna uu doonaya in uu toosh ku daaro goobahaas oo wadda hadal la yeesho dadka ku nool xaafadahaas. iyo in uu helo fikrado ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka jira xaafada Rinkeby.

Wasiirka ayaa soo kaxaystay dhamaan shaqaalihiisa oo iyaguna ka shaqeyn doona Rinkeby. Xafiiska cusub ee wasiirka ayaa noqon doona guriga ummada (Folketshus) halkaasoo uu ku qaabili doono shacabka. Xitaa qadada ayuu ka cuni doonaa Rinkeby iyo Kista.

Wasiirka ayaa sheegay in uu eegi doono ganacsiga ka socda goobta, isagoo intaasi ku daray in dowladu ay ku fikireyso in ay canshuurta ka dhimaan shirkadaha ka dhisan xaafadaha soo galootigu ku badanyihiin.

Mar la waydiiyay sababta uu ku doortay xaafada Rinkeby ayuu ka dhawaajiyay isbedalka ka dhacay xaafadaas iyo kuwa la midka ah ee ay ku badanyihiin soo galootiga. Waxaa kale oo uu muujiyay in aysan booqashadiisu xal degdeg ah u keeneyn xaafada balse uu doonayo in uu xasuusiyo siyaasiyiinta in aysan iloobin goobahaan.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here