Wasiirka Socdaalka: Kuma talo jiro in Soomaalidu baasaboorka ku qaadato 5 sano

Amir Adan oo ah xildhibaan Soomaali ah oo ka tirsan baarlamaanka Sweden ayaa wasiirka socdaalka Morgan Johansson su’aal ka waydiiyay sababta ay Soomaalidu u sugayaan baasaboorka 8 sano halka ummadaha kale ay ku qaadanayaan shan sano. Amir ayaa wasiirka ugu baaqay in sharciga wax laga badalo si dadka oo dhan ay shan sano ugu qaataan baasaboorka oo aan shaqsiyaadka wax kasta oo awoodooda ah sameeyay aan la cinqaabin.

Wasiirka ayaa ku jawaabay in ay muhiim tahay in qofkasta uu cadeeyo aqoonsigiisa isla markaana kuwa aan cadeyn karin ay macquul tahay in lagu xiro shuruudaan oo ay sugaan waqtiga inta laga aamini karo aqoonsigooda. Waxa uu sheegay in qaadashada baasaboorka ay muhiim tahay isla markaana qofkii dhalashada si qaldan lagu siiyo aan laga ceshan karin.

Sidaa darteed ayuu sheegay wasiirku in uusan xiligaan ku talo jirin in wax isbedal ah uu ku sameeyo arimaha la xiriira qaadashada baasaboorka. Jawaabtaas ayaa dhabarjab ku ah Soomaalida rajaynaysay in dowlada hadda maamusha Sweden ee isugu jidha xisbiga Socialdemokraterna (S) iyo Miljöpartiet (MP) ay noqdaan kuwo arintaan wax ka badalaya. Amir Adan ayaa ka tirsan xisbiga Moderaterna (M).

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Um Alwalid says:

    Ilaahaan qabnaa Sweden oo wax aan la sugeeynin maba arkin magareeshinka shirkadaha guryaha iskoolada ilmaha wax walbo iyo meel walbo xataa farmashiyaha alaah almustacaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. roodo says:

    umu allwalid kawrn jawab ma heshay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Um Alwalid says:

    Roodo weli abaayo alaha inooga soo wada qaado yaa rab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. roodo says:

    aamiin aamiin mcnto

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Samiir says:

    Asc sharciga AF maxaa waaye?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. abdi says:

    Asc waan idin salamey Arintan 8 sano in waligeet 5 sano laga dhigeen qof walba oo aqli leh wa iska ogaa.. sababto ah hadii 5 sano laga dhigo. taas micnaheeda waxaa waye in somaliya dukumintiga ka yimado dhan la aqoonsadey.. taasna aad ayey u adagtahey..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. MASSAGO says:

    5,sano aad u dhagtaageysiin waxaanba filaa in gabi ahanba lajoojiyo qaadashada basaborka ama lagu xiro shuruuda adag sida DK,,UK iyo wadamada qaar,,eselba 5 sano ayuu ku dhacaayay sidi kan yar aw naqday mugi hore 10 sano aw ahaay muga waxa loogu orodo maba qabyo hada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  8. Abass says:

    Bro mcn insha Allah wadanka hoyadena ma lahan marka waxi dhahan ina haye dhahno le waye lkn wax adag ma jiro aniga xata mid 5 sana aya heysta wena ansaxantahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0