Wasiirka Socdaalka oo doonaya in uu caawiyo Soomaalida

2

Wasiirka Socdaalka Tobias Billström ayaa idaacadda wararka ee Ekot u sheegey in uu ku fakarayo in uu sharciga wax ka badalo si soomaalida loogu sahlo in ehelkooda loo keeno .

“Xaaladdu sida ay iminka tahay waa mid loo baahan yahay in dib loogu noqdo iyo haddii baahiyo jirto sidii wax looga bedeli lahaa” ayuu yiri Tobias Billström

Mar wasiirka la weeydiiyey isbedelkan sida uu u muuqan karo iyo in shuruuddan baasaboorka laga qaado soomaalida, maadaama aannu jirin baasaboor soomaaliya ee dalkani ictiraafsan yahay ayuu ku jawaabay “Inaan ka hordagno maaha amuurtaa. Waa inaan eegno kana xaajoonno su’aashaa maadaama dhibaatadaa iminka nalagu soo war-geliyey”

Ka soo bilow bishii maarso ee sannadkan ayey 1073 ilmo soomaaliyeed soo dalbadeen sidey waalidiintood oo dalkan ku dhaqan ula midoobi lahaayeen, iyadoona badankood heleen diidmo 99%, sida ey sheegtay idaacadda wararka ee Ekot.

Laga soo bilaabo bishii maarso ee sanadkaan 2010-ka ayaa waxaa la adkeeyey in soomaalida loo keeno eheladooda dibadda uga maqan.

Rajo fiican ayaa la qabaa ka dib doorashadii ka dhacday Sweden bishii September ee sanadkaan.

Sveriges Radio

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here