Wasiirka Socdaalka oo isha ku haya arimaha Soomaalida

11

Isbuucaan waxaan xiriir la sameeyay xafiiska Wasiirka Socdaalka Sweden Tobias Billström anigoo waydiiyay halka ay marayaan arintii uu hore uga dhawaajiyay ee ahayd in uu dib u eegaya xaalada reeraha Soomaalida. Hadaba waxaan jawaab ka helay Andreas Ollinen oo ah lataliyaha xaga Siyaasada ee Wasiirka Socdaalka.

Andreas Ollinen ayaa ii sheegay in uu wasiirku isha ku hayo arimaha Soomaalida balse waxaa u ka gaabsaday in uu ii cadeeyo halka ay marayso arintaas waqtigaan la joogo, asagoo beeniyay warar soo baxay beryahaan dambe oo sheegayay in wasiirka Socdaalka uu gudi u saaray arimaha Soomaalida.

Waxa uu balan qaaday in uu dib igala soo socodsiin doono wixii ku soo kordha arintaan iyo waxa uu wasiirku ka yiraahdo arimaha Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here