Wasiirka Socdaalka Sweden oo doonaya in uu shuruudo dheeri ah ku xiro midaynta reeraha

38

Wasiirka Socdaalka Sweden Tobias Billström ayaa ka dhawaajiyay in uu doonayo in shuruuda “biilka” lagu xiro reeraha caruurta leh ee doonaya in la mideeyo. Shuruudaan oo lagu magacaabo “Försörjningskrav”  lana dhaqan galiyay sanadkii 2010 ayaa qofka doonaya in lala mideeyo reerkiisa waxaa lagu xiray shuruud ah in uu shaqo haysto iyo guri.

Balse shuruuda ayaa laga reebay reeraha caruurta leh iyo dadka haysta sharciga Geneva. Isbuucaan ayaa Wasiirka Socdaalka waxa uu sheegay in uu doonayo in xitaa reeraha caruurta leh lagu xiro shuruudaan. Sababta ayuu ku sheegay in ay faraha ka bateen dadka qaraabada ku imaanaya Sweden oo waqtigii isbedalay. Hadalka wasiirka ayaa waxaa ka cad in uu doonayo in uu qaabkasta ku yareeyo qaxootiga Sweden imaanaya.

Sidoo kale waxaa hadalka wasiirka ka cad in uu u danleeyahay kooxda yar eer Soomaalida ah ee hada la bilaabay in caruurtooda loo keeno. Soomaalida ayaa horay waxaa horyaalay shuruudo kale sida in ay cadeeyaan aqoonsigooda, iyadoo dadka aan caruurta lahayn ay u sii dheertahay shuruudaan uu wasiirka doonayo in dadka oo dhan ay qabato.

Tobias Billström ayaa qaasatan masuul ka ah kala qeybinta reeraha Soomaalida. Tan iyo markii uu qabtay xilka wasiirka Socdaalka sanadkii 2006 ayuu soomaalida ku adkeeyay imaashaha Sweden.

Si kastaba ha ahaatee, xulufada dowlada ayaa ku kala qeybsan arintaan. Markii la dhaqan galiyay shuruudaan 2010 ayuu wasiirka Socdaalka doonayay in dadka oo dhan shuruud looga dhigo balse waxaa diiday xisbiyada Folkpartiet iyo Centerpartiet. In ay tookadaan ku raaci doonaan iyo in kale ma cada. Haddii ay dhacdo in ay noqoto sida wasiirku uu rabo ayay noqon doontaa dhibaato culus oo la soo daristay reeraha Soomaalida ee doonaya in Sweden ay ku midoobaan.

Cusub: Raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt ayaa ku raacay soo jeedinta wasiirka Socdaalka balse waxa uu sheegay in ay la tashanayaan xisbiga Miljöpartiet oo ka taageera arimaha Socdaalka. Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet ayaa sheegtay in xisbigeedu uusan aqbali doonin shuruuda nuucaan ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here