Wasiirka Socdaalka: Waa la dhaafay xadkii qaxootiga aan qaabili karno

Wasiirka Socdaalka Sweden Morgan Johansson ayaa war-saxafaadeed uu shalay qabtay ku cadeeyay in Sweden aysan awoodin in ay hada ka dib qaabisho qaxooti kale, iyadoo la dhaafay xadkii ay dowlada Sweden awoodi kari lahayd in ay dadka imaanaya meel-dajiso.

Ka dib markii ay dowlada Germany bilowday in ay shuruudaha ku adkayso qaxootiga ayaa waxay qaar badan go’aan ku gaareen in ay u soo haajiraan Sweden, iyagoo aamisan in halkaan ay ka fiicantahay. Taasi ayaa keentay in tirada imaanaysa wadanka ay cirka isku shareerto iyadoo 24 saac ee la soo dhaafay keliya ay 2000 qof ka badan soo galeen wadanka.

Hadalka wasiirka ayaa laga dareemayaa in Sweden ay ku socoto isbedal weyn isla markaana ay doonayso in aysan qaxooti kale imaan wadanka. Xitaa waxaa jira warar sheegaya in dowladu ay doonayso in ay hoos u dhigto lacagta la siiyo magan-galyo doonka iyo in ay dib u bilowday dhaqanka galinta sharciga Dublin si taasi ay u noqoto fariin ku socota kuwa imaan doona in aysan isku soo lug’goyn Sweden.

Bishii April ayaa raysal wasaaraha Sweden Stefan Lövfen uu sheegay in Sweden aysan samayn doonin xad tiro oo ah inta qaxooti ay qaabili karto balse wasiirka ayaa shalay cadeeyay in uu jiro xad isla markaana hada la dhaafay xadkaasi oo aysan Sweden awoodin in ay qaabisho tirada intaan le’eg.

Haddii xaaladu sidaan ku sii socoto oo aysan joogsan qulqulka qaxootiga, ayay u badantahay in Sweden ay soo rogi doonto shuruudo adag oo la mid ah Denmark.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. Liban says:

    Asc walayal,salan kabacdi waaa Runtood swden waa hoyada Oropa intey uqabatay dadka uyimid qof uqabtay malahan hadana waxa jira dhibatoyin badan wadankan waxa jooga 20,000 kun oo lodiiday sharciga hadana aan meley adan aqoonin mana kahadlan arintoda marka kuwa joga ee waqtiga dher jogay wax hala siiyo,swedhen wey is badashay wanagi lagu yaqiinay wasii yaranayaa malinba war cusub so baxa to iyo sharci cusub oo ufiicneen qaxootiga waqti adaga lagu jira nin walbo ada taqanid Sa ugabixi lahed waqtiga iyo waayaha,Aloow sahal umuuraha,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. luul says:

    asc
    walaalayaal aan u duceyno caalamul islaam in alle dhibka ka dul qaado
    soomaalida waxey ku mah maahdaa gacani intaan afkeeda ka aheyn wey ku daashaa dadkani waa isku dayeen in ey wax caawiyaan qaasatan sweden wax badan ayeey qeylo dhaan u dirtay yurubta kale kuwaaso intooda badan dhagaha ka fureystay oo duudka soo xejiyey hadalka sweden ka soo yeeray. swedenta lafteeda ayaa ku sigatay in shacabkeeda diidan soogalootiga ku gadoodo marka waa nin wadan kiisi soo gubay yuu kaaga kaa gubin isbedelka cusub halkaas ayuu iiga muuqdaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. MASSAGO says:

    reer yurub in lagu soo yaaco ayukaa ugu talagalay maxaa yeelay waxa weerarka ku qaaday waqdamada dhaca gacanka carbeed iidaa kaw ah muga haka xaaxaabiso. wasiirkana xaq uma leh inaw dhaho qof 30 biri soo socday naga naqo meelaad degto kuuma haynee raali galin haka baxsho ayan leenahay hadii kale hiimmmmm

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  4. Kulmiye says:

    walal beenta waa xaaraam morgan johanson waxa uu sheegay in eysan u awoodin qaxootiga meel ee dajiyaan oo ey hooy la’aan jirto laakin wa joojineenaa qaxootiga ama wax nuucaas ah ma dhihin ka daa umada beenta

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Wanaajiye says:

    Kulmiye sxp Waa runtaa wasiirka sidaad sheegay ayuu yidhi ee ah (waxaa laga yaaba inaan qaxootiga cusub hooy u Wayno) lkn maxaa ku xigi kara birito??? Ta kle Jimcaale warba waxooga xawaashi ah ayuu ku dar-daraa, qaybta saadaashana aad ayay u shaqaysanaysa kkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. hassan adde says:

    shaly markey swedhiska u banaaabxayen ey dhahayen welcome refeju yaa ku qasbay aniga waxn dhihi kraaa sweden qof u baahan mlmhn iydaa dadka u baahan wayo Germany iyadoo dadka u yacaayan aye ka mserty oo dadka wacty qof rabona mlmhn hdi xita yaa la isogilin dhado wadamo ka fc weyn aye dadka sodhwenoyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Wali says:

    Webkan qofka Ku xidhan Ee aan web kale iyo akhbaarta Caalamka LA soconbaa ba’ay oo Murug u dhamaatay’ waayo webka qofka wax kusoo qoraa Hadalka wuu dhalan rogaa siduu rabuuna ka yeela’ iminka warkan saan ma ahayn wasiirku wuxuu yidhi Hooy qaxoontiga ay dagaan Sweden ma hayso’ maahane waxbaan joojinay afka kagama dhacin’ Ee markaa warkan halkii laga keenay tix raacisa hala keeno anakaa Turjamaynee. Wabilaahi Tawfiiq.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  8. Cabdi says:

    No yaab mahayo su.aal iyo jawaaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. faro says:

    asc sxbyaal khaasatan jimcaale sxbow wax aad qortay oo aan ku farxayba ma arag kkk wlhi waa iga dhab murugo ayaan ku akhristaa qoraalkaaga ma garanayo ma adaan wax saxin ma qoraalkaa sida kaa noqda jag vet inte det räktit. balaayo kale ima hayso alx lkn qoraalka naga hagaaji sxbow ani waa iikow oo aan comment qoro caawa awal waa akhrisan jiray waana ka dhici jiray lee macsalaamo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0