Waxa uu jeclaaday gabdha ka dibna waxa uu dilay aabaheed, hooyadana waa ku xiktay

6

Wiil 18-sano jir ah oo la aaminsanayahay in uu ka qeyb qaatay dilka oday waayeel ah oo 68-sano jir ah ayaa la sheegay in uu doonayay in uu guursado gabadha uu dhalay ninka la dilay. Wiilkaan oo u dashay Afghanistan ayaa wargeyska Expressen uu qoray in isaga iyo haweeneyda oo 41-sano jir ah ay qorshaynayeen in ay is-guursadaan si uu u helo sharciga Sweden.

Haweeneydaan oo leh shirkad caawisa caruurta aan la wehlin, ayaa la sheegay in ay wiilkaan saaxiib la noqotay si ay ugu caawiso in uu sharci Sweden ka helo balse hadda ayaa waxaa la qaarajiyay aabaheed oo waayeel ah, iyagoo doonayay in ay sidoo kale dilaan hooyadeed. Sababta ay wiilashaan u dileen odayga waayeelka ah ayaan wali cadeyn.

Haweeneydaan ayaa u muuqata mid jecel caruurta qaxootiga ah, iyadoo horay loogu eedeeyay in ay u galmootay labo wiil oo soo galooti ah oo caruur ah balse booliska ayaa go’aansaday in aysan dambi ku soo oogin haweeneydaan.

Wiilashaan lagu eedeeyay in ay dileen odayga, ayaa sidoo kale la sheegay in ay doonayeen in ay qaarajiyaan hooyada haweeneydaan saaxiibka la ahayd wiilka reer Afghanistan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here