“Waxa uu ka tiranaa bog ay cunsuriyiinta Sweden leeyihiin”

Ninka xasuuqa ka geystay Norway ayaa la sheegay in uu xubin ka ahaa bog internetka  oo ay leeyihiin cunsuriyiinta Sweden halkaasoo uu ku qori jiray neceybkiisa uu u qabo Muslimiinta iyo inta soo dhaweysa. Websiteka lagu magacaabo Nordisk oo ay isticmaalaan cunsuriyiinta ku dhaqan cariga Iskaandaneeviya ayuu ka tirsanaa ninkaan isagoo ilaa dhowr sano ku qori jiray carada uu ka qabo soo galootiga qaasatan Muslimiinta iyo Xisbiga talada Norway haya ee soo dhaweeya soo galootiga.

Ninkaan ayaa la sheegay in uu yahay nin Kiristaan ah oo sidoo kale la dhacsan dagaaladii dhexmari jiray Muslimiinta iyo Kiristaanka dhowr qarni ka hor. Waxa u ku qoray bog internetka 17 bishaan hadal murti ah oo uu ka soo xigtay nin lagu magacaabo John Stuart Mill oo ahaa qoraa Ingiriis ah oo yiri “Hal qof oo aaminaad leh ayaa la mid ah xooga 100,000 oo xiiso keliya leh”

Waxaa la aaminsanyahay in fikradaha ninkaan ay la qabaan kumanaan ku nool Yurub iyo qaasatan Sweden oo la aaminsanyahay in ay ka cunsuriyiin badantahay Norway.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. AbuXudayfah says:

    Waa Musiibo , Haddiise Dhanka Kale La Eego , SubCad Xumo Wayn ayay Cunsuriyiinta Ku Tahay !!

    Run ahaantii Boqolaal Cunsuriyiin aha ayaa Jecel in Ay Mar Uun Hub iyo Muslimiin Meel Ku Aruursan Isku Helaan !!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. hamdi says:

    rabi talo kufilan argagaxisada bar ayay kayihin muslin nacayb ay qaban qaraxayada qayb ayay kayihine ilaahow sharkoda na mooti ilahay ma moga adomadisa meshay ugu tashanayana islamkana ilaahay wa ogyahay waana ka kafin insha alah halag bayse kaqadayan insha alah muslimku nacayb mahan waa nastexo iyo naruuro ninkii garanaya midka moogna wuxuu lamidyahay qof camoola ilaaha awodiisa ay kusocdan waxkasta aya u hiilin umadisa rumaysan insha alah cadalada yurub ay kufanan ayanse eegayna bal tilabalada ay kaqadan cunsuriyinta xagjirka aragnaye

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. cali says:

    cururnimada waa loo baahanyahay wadankoda ayey leeyihiin waana xaq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  4. daad yare says:

    walaalayal salaan sare marka labaad hala iska ilaaliyo ninkan qaasatan soomalida sweden

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. safiya axmed says:

    somaalay aan su aal is waydiine dadkaan saasbay noo nicibyihiin wadankoodana u jecelyihiin agana xunyihiin in qoxooti shihsheeye soo galaan.
    bal anaga maxaa noo diiday inaan wadankeena jeclaano oon dib hada ugu noqono aan qaxa iyo rafaadka ka dayno dadkeena oon jecleeno oon ciidena macaan dhukano.
    oon u diido cadawga dadkeena laynaya dalkeenana dumanaya,, car aan aragno qof soomaali ah oo saas u fakara

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. ABDI YARE FCL says:

    Asc shaqalaha wabka iyo dhaman asxabta dadyahoo arinka hadii si loo fiiriyo dadka cunsuriyiinta wa dad muwadiniin ah dalkoda ayaa logu yimid mida kale dadka imaday somali ama islam kaliya mahan refugees ka imaday dadkodii ayaa shaqada lagu cariirshay gabdhahooda ayaa la kufsaday xafadahooda ayaa la wasaqeeyay marka adoo somalia joogo oo xafadada kugu qabsadeen ethiopian ama kenya waxa sameyn laheyd ayey sameyen marka wa sas ha u bixin somali dad ka cunsurisan ma jiraan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. jecliyaaa Calaacalka says:

    Somalida waxaan ku jeclahey ineey calaacalaan marka dhib yimaado waxaan kaloo jeclahey inaad iloowsan tihiin inaad cunsuriyiinta aduunka ugu daran aad idinka tihiin tusaaleha ugu fudud een ku siinkaro waxey tahey ileen somali ayaad tahey murukan waad quudataaye ( Qabiilkaaga iyo diintaa keebaa kuu qiimo badan) tankale dhexdeena ma isu fiicanahey mise reer hebel ayaa nolol noo ah kan aan isku qabiilka aadan aheena xagee kaa joogaa midka diin la’aanta ah ama dadka laaye ee isku qabiilka aad tihiin lagayaaba inuu degen yahey meel kuu jirto 1000km marka wax la yeelo dareenkaaga waa sidee marka please stop filmkaan aad jilaysaan nolasha runta ah arka ee ogow hadii la cusriyeeyo qof ajnabi ah ku farax hana ka nixin ileen adigaaba eh cunsuri aabihiise.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. xamdidheereey says:

    wa ka xumahay waxa dha ayo anika ma jecli in arko san camal
    had somali wa la nacay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0