Waxaa la gaaray xiligii aan fasax qaadan lahaa!

36

Waxaan halkaan salaan qiimo badan uga dirayaa akhristayaasha Somaliska.com kuwa cusub iyo kuwa sida joogtada ah ula socday mowduucyada aan kala go’a lahayn ee aan soo daabacayay  mudada sadexda sano ku dhow ee uu jiray bogga Somaliska.

Akhristayaasha la socday Somaliska mudada dheer ayaa waxay dareemi karaan in aanan marnaba joojin daabacaada mowduucyada joogtada ah, taasoo ay sabab u ahayd in aanan marnaba fasax ka qaadan hawlaha bogga iyo xitaa in aanan ka bixin Sweden.

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay uu barafka Sweden ka da’ayo noqday mid aan la xamili karin, ayaa waxaa farxad ii ah in aan hawada soo badalan doono inta ka dhiman bishaan December -Insha Allah. Hawlaha bogga ayaan filayaa in ay sidii hore u socon doonaan, oo qaasatan akhristayaashu ay ka qeyb qaadan doonaan ururinta wararka iyo isweydaarsiga macluumaadka.

Waxaa si ku meel gaar ah hawsha bogga Somaliska.com ula wareegaya saaxiibkey Saciid oo aad kala xiriiri kartaan emailkiisa siciid@somaliska.com – Wixii akhbaaraad muhiim ah fadlan ku dira emailkaas.

Jimcale

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here