“Waxaad u baahantahay waasto”

32

Cilmi baaris cusub oo uu sameeyay machadka baaritaanka suuqa shaqada (IFAU) ayaa lagu soo bandhigay in dadka uu hooseeyo heerkooda waxbarashada ama iskuulada ka haysta buundooyinka hooseeya ay u baahanyihiin shabakad si ay u helaan shaqo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhalinyarada waxbarashadooda hooseyso ama buundooyinka liita haysta aysan ka maarmeyn in la waasteeyo oo waalidkood iyo dadka kale ee ay xiriirka leeyihiin ay shaqo u raadiyaan.

Waloow aan warbixinta lagu soo bandhigay ayay arintaan si weyn u quseysaa dadka soo galootiga ah qaasatan Soomaalida oo dhibaato weyn ku qaba sidii ay shaqo ku heli lahaayeen. Warbixintaan ayaa cadeyneysa arinta aan wada ognahay ee ah in haddii aan lagu waasteyn ay aad u adagtahay in aad shaqo hesho.

Dadka ajaanibta ah ayaa waxaa xitaa ku adag in ay helaan shabakadii ku caawin lahayn in ay helaan waasto maadaama dadka Swedishka ah ay yihiin kuwo xirxiran oo aan sidaa u dhexgalin soo galootiga. Haddii ay dhalinyaradooda dhib ku qabaan in ay shaqo helaan waasto la’aanteed xagee ayaan joognaa anagu? Waa dood furan…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here