“Waxaan ka fikirayaa in aan isaga guuro Vivalla”

5

Gabadha lagu magacaabo Ayaan Qadar waxay xaafada Vivalla ee ka tirsan magaalada Örebro deganayd muddo ku dhow 25 sano, iyadoo sheegtay in ay hada ka fikirayso in ay isaga guurto xaafadaas ka dib markii isbuucii tagay lagu weeraray sadex Soomaali ah oo ka mid ah uu ku geeriyooday hospitaalka.

Dhacdadaan ayaa la sheegay in ay ka dambaysay dagaal u dhexeeya kooxaha gaangistarada ah, iyadoo warar qaar ay sheegayaan in weerarka ay ka dambeeyeen qowmiyado kale. Ayaan ayaa wargeyska Nerikes Allehanda u sheegtay in ay hada la soo daristay cabsi oo ay taqaano dhalinyarada la weeraray.

Balse qaar kale oo ka mid ah dadka ku nool Vivalla ayaa sheegay in aysan dhibaato weyn ka jirin xaafada oo saxaafadu ay si qaldan sawiro uga gudbiyeen. Mikael Olgersson oo ku noolaa xaafada 40 sanno ayaa wargeyska u sheegay in dadka qaar ay waydiiyaan sida uu ugu noolyahay Vivalla balse waxa uu sheegay in bulshada ku nool xaafada ay yihiin kuwo isku dhow.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdada ka dhacday Vivalla ayaa ah mid ruxday dadka ku nool xaafada qaasatan Soomaalida. Ma ahan markii ugu horeysay ee dhacdooyin nuucaan ah oo kale ay ka dhacaan xaafadaas.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here