“Waxaan ku dhawahay in aan ka qaxo Tensta/Rinkeby”

Habeen hore ayaa booliska lagu wareeray xaafada Rinkeby ee ka tirsan Stockholm ka dib markii ay iskudayeen in ay baaritaan ku sameeyaan baabuur. Ka dib ayaa booliska waxaa soo weeraray dhalinyaro ku hubaysan dhagaxaan iyo dhalooyin baasiin ku jiro, iyagoo goobta ku gubay baabuur badan oo ay leeyihiin dad shacab ah.

Rabshadaha ayaa goobta ka socday mudo saacado ah, iyadoo boolisku ay u diideen in ay goobta yimaadaan baabuurta dab damiska cabsi laga qabo amoonkooda dartiis. Rabshadaha ayaa sidoo kale ku fiday xaafada Rissne ee ka tirsan Sundbyberg oo halkaas lagu gubay dhowr baabuur.

Saqdii dhexe ayaa xaaladu degtay iyadoo ay booliska iyo dhalinyarada soo kala dhex galeen xubno ka tirsan jaaliyadaha Soomaalida iyo masaajidka Rinkeby.

Rabshadaha soo noq noqday ee ka dhacaya xaafadaha ay u badanyihiin soo galootiga ee ka tirsan Stockholm, ayaa walwal iyo cabsi joogto ah ku haya dadka shacabka ee ku nool xaafadaas. Qaar ka mid ah dadka ku nool xaafadaha Tensta/Rinkeby ayaa ii sheegay in ay ku dhowyihiin in ay isaga qaxaan xaafadahaas, iyadoo amaandarada iyo daroogada ay noqotay mid caadi ah.

Xaafadahaan ayaa noqday goobo lama galaan ah, oo ay ka cabsadaan, booliska, dab damiska, ambalaaska iyo xitaa shaqaalaha boostada. Shirkadaha waaweyn iyo adeegyada bulshada ayaa isaga guuray xaafadaha soo galootiga. taasoo keentay in ay noqdaan goobo ay noloshooda ka hooseysa xaafadaha kale ee Stockholm.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. jeeri says:

    Somaliska.com maka baqateen inaad dhalinyaradaas soo wareeysataan o aad noo sheegtaan waxa ku kalifay falkaan? Mise meesha lama gali karo? Kkkkk

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 1

  2. yahye says:

    b

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Waxaan ugu baaqaya dadka somaliyed oo kunool magalada Stockholm iney isku duubni u muujiyaan ubadkooda oo ay kawar qabaan waalidiinta dhalay ilmaha iyo jaaliyadaha somaliyeed oo ka jira Stockholm si loo xakameyo dhacdoyinka sharaf xumida ah sida Daroogada , gubista baabuurta, istaagtaaga renkiby ciyaalkena oo aad moodo iney ka yihiin xaafaddasoo dhan faktayaal waardiyeeya renkiby iyo tensta wadaadada waalidiinta iyo intii wax garaneysa oo Somali halaga war qabo dhalinyarada iyo umadda intii wax xun sameysaneysa iska daaya waxyaabahan kale oo aad ku mashquushaan oo aan wax horumar ah iidin gaarsiineyn wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. jaajuuraw says:

    ilaahaw soomaalida ka saar fudaydka iyo nabadnibcida

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0