“Waxaan ku fikiray in aan magac Swedish ah la baxo si aan shaqo u helo”

20

Cawaale Faarax waa nin Soomaaliyeed oo dagan Robertsfors kommun. Wuxuu Cawaale raadiyay 100 ilaa 200 oo shaqo balse markii uu wax shaqo ah waayay ayuu mar ku fakaray bal inuu magaciisa u badalo magac Swedish ah. Cawaale wuxuu hada shaqo joogto ah ka helay guri ay ku hoydaan carruurta waalid la’aanta yimaada Sweden.

Intii uu Somalia joogay ayuu Cawaale macallin Ingiriis ka ahaa dugsiga dhexe. Wuxuu kadib tarjumaan u ahaa hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn, balse taasi wax sidaa u wayn ugama caawin Sweden. Wuxuu cawaale qaatay kaararka taksiga iyo gawaarida taraagga wuxuuna qoray inta u dhexeysa 100 ilaa 200 codsi shaqo.

Wixii ka dambeeyay 1 dii August ayuu Cawaale si buuxda ugu shaqeeyaa hage inuu u noqdo carruurta qaxootiga ah oo waalid la’aanta ku yimaada.

Wuxuu Cawaale siiyaa dadka soo galootiga ah 4 talo oo muhiim ah.

1. Tababar dheeraad ah ku samee luqadda, qoraal iyo hadalba
2. Daawo TV-ga, idaacaddana dhagayso
3. Ha isku ceebaysan inaad hadasho, hana ka xishoon
4. Ku dhiirro inaad lahadasho dadka kula dagan magaalada.

Wuxuu Cawaale intaa ku daray in dulqaadku uu yahay shay muhiim ah oo qofna wax walba oo uu rabo mar qura uusan wada helayn.

Doris Öhlund oo ah madaxa haysata deegaanka carruurtu daganyihiin ayaa sheegtay inay macno wayn ugu fadhido carruurta iyo shaqaalahaba inay la kulmaan qof soo maray xaalado adag hadana ku guulaystay inuu dhiso noloshiisa Sweden. Doris ayaa sheegtay inay ku talinayso in shaqo bixiyayaashu inay qiimeeyaan tayada shaqsiyadeed ee qofka ee aan kaliya la eegin waxbarashadiisa.

WQ: Folkbladet

WD: Mohamed Said Kulmie
Malung-Sälen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here