Waxay igu dhaheen ha noqon sidii kuwii hore oo kale

11
Saaxiibtinimada qurbaha iyo tan wadankii hooyo aad bay u kala duwan tahay. Aniga waxaan aaminsanahay in farqigu yahay nolosha bulshada lagu dhex nool yahay oo ku saameyneysa. Saaxiibadey waxay ahaayeen sida kuwa ila dhashay oo kale oo waxay hooyadey ugu yeeri jireen hooyo anigana sidoo kale.
Dhallinyarada xaafada oo dhan waxaa laga wada sheekeysan jiray mustaqbalka iyo qof walba sida uu jecel yahay 10 sano ka dib. qofna riyadiisu kuma jirin in la kala fogaan doono oo duni kale lagu noolaan doono. Lakiin way dhacday oo qeyb ka mid ah asxaabtii ayaa dibadda u soo dhooftay xiligaas. xidhiidhka naga dhexeeyaa wuxuu ahaa in maalinta jimcada ah aan tagno internet caffe si loo isticmaalo MSN massenger ka dibna la is xog wareysto oo la weydiiyo halka ay tageen xaalkeeda iyo waxa ay qabtaan hada. inta badan salaan ayaa Hotmail-ka la isugu dhaafi jidhay marka la is waayo.
Muddo ka dib waxaa daciifay xidhiidhkii u dhaxeeyey asxaabtii dibadda aaday iyo kuwii dalka joogay. Kuwa dalka joogay oo aan xka mid ahaa xilligaas waxaa lagu sheekeysan jiray in kuwa dibadda aaday ay gooyeen xidhiidhkii ayna noqdeen asxaab aan fiicneyn ama saaxiibtinimada aysan ka ahayn dhab.
Waxaa la gaadhay xilligii aan aniga soo bixi lahaa. waxaa la bilaabay in la ila dar daarmo. inta badan waxaa la igu dhihi jidhay “Ha noqon sida kuwii hore oo kale” Taas oo micnaheedu yahay adigana hana goynin marka aad naga fogaato. Anigana waan ballan qaaday in aysan taas dhici doonin. waxaan buug ku soo qortay dhamaan telefoonada asxaabteyda oo dhan si aan u waco mar kasta. waxaan wici jidhay asxaabteyda in ka badan intaan waco waalidkeyga anigoo gudaya amaanadii ahayd ma noqon doono sida kuwii iga horeeyey oo kale.
Waxay sidaas ahaataba waxaa igu adkaatay inaan xidhiidhiyo asxaabtii faraha badneyd maxaa yeelay waxaa keeni waayey inaan ku noolaado 2 nolo oo aad u kala fog. tan koowaad oo ah inaan asxaabteydii hore kula noolaado telefoon iyo tan labaad oo ah inaan asxaabtayda cusub siiyo wakhti ku filan iyo weliba la qabsashada noloshan cusub ee soo galay.
Si tartiib tartiib ah waxaa daciifay xidhiidhkii inoo dhexeeyey aniga iyo asxaabteydii wadanka. anigana si toos ah baa la iigu daray liiska kuwii hore la geliyey oo kale. Dantuna waxay igu qasabtay inaan aqbalo in la igu daro liiskaas maxaa yeelay xaqiiqda inaan ku noolaado ayaan ka door biday inaan qiyaali ku noolaado anigoo og shaqsi ahaan qofka aan ahay iyo awoodeyda qofnimo.
Runtii waan jeclaa inaan xidhiidhiyo asxaabtayda lakin duruufaha ayaa saamixi waayey. Qofka jooga dalkii hooyo ma fahmi karo arintan ilaa uu ka yimaado dibadda. Markaasna isaga way ku adagtay inuu u sharaxo dadka kale.
Fadlan nala wadaag qibradada ku saabsan arrintan oo kale hadii ay ku soo martay!
Mahadsanid!
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here