Waxbarashada aan dhamaadka lahayn iyo soo galootiga

18

Mudo badan ayay cabasho ka muujinayeen soo galootiga waxbarashada aan dhamaadka lahayn ee ay ku jiraan. Hadaba isbuucaan ayaa dooda waxaa ku soo biiray labo wasiir oo dowlada u qaabilsan arimaha soo galootiga kuwaasoo kala ah Nyamko Sabuni iyo Erik Ullenhag.

Wasiirada ayaa ku doodaya in soo galootiga loola dhaqmo sida dadka caadiga ah oo laga faaideysto xirfadahooda iyo aqoontooda. Labada wasiir ayaa ka dhawaajiyay dhibaatada ay leedahay waxbarashada aan dhamaadka lahayn ee lala daba joogo soo galootiga, qaasatan SFIga oo ay ku sheegeen in uu noqday goob kulan halkii uu ka noqon lahaa goob waxbarasho.

Labada wasiir ayaa ka dhawaajiyay isbedelka ay dowladu ku sameyneyso arimaha la xiriira soo dhaweynta soo galootiga iyo sidii ay suuqa shaqada ku gali lahaayeen. Hawlaha ay dowladu sameyneyso ayaa waxaa ka mid ah in macalimiinta SFI waxbarasho tayo leh la siiyo, in waxbarashada SFIga ay noqoto mid natiijo soo saarta iyo in la balaariyo cida bixineysa koorsada.

Wasiirada ayaa ka dhawaajiyay in SFIga loo sameeyo waqti xadidan oo dadku ay uga gudbaan dugsiga Kombux-ka. Waxay ka dhawaajiyeen in sanadkaan keliya ay dugsiga Komvux fadhiisteen arday gaareysa 80,000 oo u badan ajaanib.

Hadalka ka soo yeeray labada wasiir ayaa muhiim ah maadaama ay muuqato in ay dhageysteen cabashooyinka ka soo yeeraya soo galootiga oo mudo dheer ka cabanaya in laga dhigtay mashruuc lacag lagu qaato.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here