Waxbarashada dadka waaweyn (Komvux) oo la wanaajinayo

20

Dowlada Sweden ayaa go’aan ku gaadhay in dib u habeyn lagu sameeyo waxbarashada dadka waaweyn ee loo yaqaan (Komvux) ka dib markii ay soo baxday in ardada loo diro waxbarasho macno daro ah oo ay horey u soo qaateen.

Ku xigeenka Wasiirka Waxbarashada Nyamko Sabuni, ayaa sheegtay in hada kamuunada laga doonayo in ay qofka baaritaan ku sameeyaan waxbarashadiisii hore iyo waxbarashada uu qofku ku soo qaatay wadamada dibada. Waxay sheegtay in aan loo baahneyn in ardayda waqtiga looga dhumiyo waxbarasho aan loo baahneyn, isla markaana aan dowlada lacagta laga qasaarin.

Go’aanka dowlada ayaa masuuliyada la socotka waxbarashada ay bixiyaan kamuunada waxa uu dusha ka saaray Hay’ada iskuulada (Skolverket) taasoo baaritaan ku sameyn doonta in kamuunadu ay dadka siinayaan waxbarasho qofka qaas loogu habeeyay. Kamuunada ayaa waxaa ku waajib ah in ay qiimeeyaan waxbarashada hore ee qofka uu leeyahay, ka dibna ay siiyaan waxyaabaha ka dhiman oo keliya.

Go’aankaan dowlada ayaa ah mid ay aad u soo dhaweyn doonaan ardada dhigata dugsiga Komvux. Qaasatan ardada soo galootiga ah oo dhibaato weyn ku qabay in aan la aqoonsan waxbarashadii ay ku soo qaateen wadankoodii.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here