Website faafinaya macluumaadka dadka sharciga la siiyay oo qaylo dhaan abuuray

Website lagu magacaabo MigiLeaks oo faafiya macluumaadka dadka sharciga qaatay ayaa si weyn loo cambaareeyay ka dib markii qaar ka mid ah dadkii halkaas lagu soo daabacay la sheegay in dabagal lagu sameeyay. Websitekaan ayaa ah mid ka soo horjeeda magangalyo doonka iyaga oo soo bandhiga kiisaska dadka sharciga la siiyay iyo macluumaadkooda sida magaca, adreeska, wadanka uu ka soo jeedo qofku.

Dadka dhibaatadu ka qabsatay websitekaan ayaa waxaa ka mid ah nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali kaasoo sheegay in nin kale oo Soomaali ah uu nolosha ku dhibay ka dib markii uu macluumaadkiisa ka helay websitekaas. Cali ayaa sheegay in ninka Soomaaliga ah uu soo wacay oo macluumaadkiisa oo dhan uu haayay sida magaciisa, adreeskiisa iyo xitaa qabiilkiisa. Cali ayaa sheegay ninkii in uu xitaa gaarigiisa qaatay oo uusan ka doonan karin maadaama uusan aqoon.

Websitekaan ayaa macluumaadka dadka waxay ka soo ururiyaan go’aamada ay gaaraan maxkamadaha socdaalka Sweden iyadoo ay heli karaan dhamaan macluumaadka dadka kiiskooda uu gaaray Maxkamadaha (Migrationsdomstolar). Maxkamadaha ayaa waxay ku qasban yihiin in ay soo bandhigaan go’aamada ay gaaraan balse isticmaalka macluumaadka dadka ee uu soo bandhigayo websitekaan ayaan la aqoon waxa laga yeelayo.

Waxaa jira sharci ka yaala soo bandhigida macluumaadka dadka balse waxaa adag in lagu soo oogo wax dambi ah websitekaan maadaama macluumaadka ay soo daacaan uu yahay mid horey loo daabacay. Qofkii dambi loo geystay macluumaadkiisa oo lagu faafiyay internetka dartiis waxaa u furan in uu booliiska la xiriiro.

Arinta uu abuuray websitekaan ayaa ah mid khatar weyn u leh bulshada Soomaalida ee goordhow sharciga qaatay ama kiisaskooda ay yaalaan maxkamadaha maadaama macluumaadkaaga la soo daabici karo oo xitaa la heli karo telefoonkaaga iyo adreeskaaga.

Cali ayaa sheegay xitaa in uu soo wacay qof Swedish ah oo hadalo aflagaado ah u geystay. Cali ayaa sheegay in uu cabsanayo oo loogu hanjabay in la dilayo haddii uusan Sweden isaga tagin.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. rashka says:

    sxb JImcaale wan arkay website-kaan waa faafin caadi ah. qof walbo sidii uu wax u helay aya lagu cadeynaya wana dhibaato inteeda la eg.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Salaamaad says:

    ASC-

    Jimcaale bro waxaad iga jaahil bixisaa meesha ay ka helaan Warka waana war sax ah waxa ay helayaan. fadlan arintaas ha leyga jaahil bixiyo.

    Midda kale waa dad ceebeeys kan walahi waxaan la yaabay gabar reer Somaliland ah waxa ay ka qoreen waxeey keeneen waxeey isku dhiibtay oo ahaa in ay wecel dhashay ku waan ilaahay dadka ha ka qabtaan waa ceeb sheegayaal.

    Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Massago says:

    ASC- mugi nalaka qaadaayay intervuga walee nalama dhihin waxaan isdhaafsano lowyrka iyo tolkaha cidaan eheeyn lama gaarsiinaayo xeey tahay warkaan waayaabe
    mase waxey ku dhax jureen telfnka asay saas ku heleen wararka,,
    Talo ahaan waxaan dhihi lahay inti lagu juro waqtiga sharciga lasugaayo yaan la isticmaalin tlfnka loo yaqaan tel2comv,telia ama helbob ileen ayukaa iska leh gudaha ay ku yaaliin i mean swedn lkn hadii la isticmaalo likaha ama telnor ma ogaan karaan waxaad ku wada hadleesiin ama hadii laguu dhisaa intervua iyo waxaad isku dhiibto sida qabiilka,goobtaad katimid mm. muga talo ahaan saasaa ila roon ama xataaa dhanka Emailka ee ah cinwaan kidhisan dibada sida @hormail.it,som,uk,nl, iwm

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. rashka says:

    Salamaad iyo massago leaks micnaheedu waxay tahay in gacan aan loogu talo galin ay warbixinta soo gartay ayagoo ka helaayo dad meesha ka shaqeyo, sida dad cunsuriyiin ah oo ka shaqeeyo imgration-ka ama kuwa qaab kale looga soo qaday,sidoo kale way dhici kartaa in lagu sameyay hack(micnaha in lagala baxay computerka dowlada ayaga oo aan ogeyn).

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0