Websiteyada cunsuriyiinta oo lagu dacweeyay booliska

14

Hay’ada ilaalinta macluumaadka shacabka (Datainspektionen) ayaa dacweysay sadex website oo ay leeyihiin cunsuriyiinta kuwaasoo lagu eedeeyay in ay faafiyeen macluumaad xasaasi ah.

Websiteyadaan oo aan horay wax uga qornay ayaa midka ugu qatarsan waxaa laagu magacaabaa Migileaks kaasoo daabaca go’aamada ay gaaraan Maxkamada socdaalka ee Sweden ee sharciga lagu siiyay soo galootiga. Macluumaadka uu qoro websitekaan ayaa aad xasaasi u ah sida magaca iyo adreeska qofka taasoo dhowr qof ay la kulmeen hanjabaad iyo rabshad.

Labada kale ee website oo lagu kala magacaabo Avpixlat iyo Fria Nyheter ayaa iyaguna lagu haystaa isla arintaan. Qaasatan websiteka Axpixlat ayaa ah midka ka dambeeya hawsha bogga hore ee faafiya macluumaadka soo galootiga.

Hada ka hor ayaa nin Soomaali ah waxa uu sheegay in macluumaadkiisa oo lagu soo daabacay websiteyadaas ay keentay in dhowr jeer loo hanjabo oo xitaa nin uu baabuurkiisa iska qaatay.

Websiteyadaan qaar ka mid ah ayaan sharcigu waxba ka qaadi karin maadaama ay ka dhisanyihiin Maraykanka oo aan ogolaaneyn in websiteyadaan lagu xiro dacwada Sweden ka timid. Si kastaba ha ahaatee, waa biloow fiican in lala tacaalo borogaandada cunsuriyiinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here