Websiteyo badan oo la jabsaday

Nin ka mid ah dadka kombutarada jabsada ayaa la sheegay in uu furtay akoonada 180,000 oo qof oo ku nool Sweden oo ay ka midyihiin dad madax ah iyo kuwo muhiim ah. Arintaan ayaa soo shaacbaxday ka dib markii lala wareegay akoon uu leeyahay wiilka lagu magacaabo William Petzäll kaasoo horey uga tirsanaanjiray xisbiga SD. Akoonkiisa bogga Twitter ayaa lagu soo daabacay macluumaad xasaasi ah oo ay ku jiraan baasweedhada qaar ka mid ah suxufiyiinta ugu caansan Sweden ee ka shaqeeya Aftonbladet iyo Expressen.

Labada wargeyska ayaa xaqiijiyay in baasweedhada la soo daabacay ay sax yihiin oo qaar ka mid ah kombutaradooda la jabsaday. Sidoo kale waxaa la jabsaday websiteyo gaaraya 60 kuwaasoo uu ku jiro website caan ah oo lagu magacaabo Bloggtoppen.se halkaasoo lala wareegay akoonada 90,000 oo qof.

Dadka emailkooda iyo baasweedhkooda la helay ayaa waxaa ka mid ah 79 qof oo ka tirsan xisbiga Moderatka oo ay ku jiraan xildhibaano iyo 50 ka tirsan xisbiga Folkpartiet. Dhacdadaan ayaa loo gudbiyay hay’ada amniga ee Säpo iyadoo aqoonyanada cilmiga amaanka kombutarada ay ku tilmaameen weerarkii xaga internetka ee ugu cuslaa ee ka dhaca Sweden.

Ninka weerarka fuliyay ayaa email u soo diray wargeyska Expressen isagoo u sheegay in ujeedada uu weerarka u gaystay ay tahay in uu dadka u muujiyo in uusan macluumaadkooda amaan ahayn. Waxa uu sheegay in uusan ka mid ahayn kuwa xun ee sida qaldan u isticmaala macluumaadka ay jabsadaan. Dadka dhibaatadaan ku dhacday ayaa lagu wargaliyay in ay baasweedhada ka badalaan dhamaan akoonada kale ee ay leeyihiin.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. cadna says:

    asc waa arin caajiib ah runtii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  2. ramla says:

    jimcaale waxanaba u cabsanayaa marka somaliska wlhi waa ariin aan caadi eheen somliyey gadaal isku noqda waa leesisoo garaybee kkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Dr Mohamud says:

    walalayaal aniga ayayba igu dhacday arintaan Akonkayga aya la helay Pasworkiisii oo waxyaalo badan oo vIRUS iyo wax anan fahmin laga diray markas ayaa digniin la iisoo diray la ileeyahay waa lagula ismacaal ee hada bedel PASWORDKa markaas ayan bedelay asbuucii hada lasoo dhaafay.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Lajecloow Mohamed says:

    Waa arin normal ah anigaaaba jabi karo lkn wadanka markaan ka baxo dad badan waa loo baqaa 😛

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. Bakar says:

    ASc wr salaan ka dib walalaheey somalida ah waxaan leeyahay aduunka wax walba way dhacaan waana la arkaa meesha waxaa iiga muuqata in dadka hormareen oo lagaaray heerkan jabsiga internetyada wax lagala boxo, waa nin waxbartay wuxuu doono ha dhecee, balse aniga lama yaabin inay waxaan dhacaan ee waxaan la yaabanahay Umadii Somali oo wali qabiill isku dhamaynaayo iyo waxaan sal iyo raad lahayn, oo aduunkii dib uga dhigay. dadna heerkaas gaaray waxbarasho. jiifka ka kaca Somalaay.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0