Weerarada lagu qaadayo dumarka Muslimiinta oo soo badanaya

Ka dib doorashadii ka dhacday Sweden ee ay cunsuriyiinta heleen codod badan ayaa waxaa siyaaday weerarada lagu qaadayo dumarka muslimiinta ah ee xijaabka xiran. Isbuucii hore waxaa gabadh Muslimad ah oo ku nool degmada Värmdö ee ka tirsan Stockholm laysku dayay in Eey lagu weeraro.

Gabadhaan oo ka dib markii ay caruurteeda seexisay dibada u aaday hawo qaadasho ayaa nin cunsuri ah oo Eey wata uu sheegay in uu ka shakiyay oo uu doonayo in uu baaro, isagoo isku sheegay in uu boolis yahay. Gabadha Muslimada ayaa ka dalbatay in uu soo bandhigo kaarkiisa aqoonsiga booliska balse taas ayuu diiday, isagoo isku dayay in uu Eeyga cunsiiyo. Gabadha ayaa hoos telefoon booliska uga dirtay iyagoo si degdeg ah goobta ku yimid. Booliska ayaa gabadha Muslimada ah gurigeeda geeyay, iyagoo ninkiina saldhiga booliska la aaday.

Sidoo kale, isbuucaan waxaa la weeraray Fatima Ahmed oo aad sawirka ka aragtaan, iyadoo nin uu dhulka ku tuuray ka dibna ay wajiga ku dhufsatay laamiga. Ninka weeraray Fatima ayaa ka dib ku yiri hadalo aflagaado ah oo ka dhan ah Muslimiinta. Fatima ayaa sheegtay in ay booliska dacwad u gudbisay.

Weerarada iyo aflagaadada lagu samaynayo gabdhaha Muslimiinta ah ee xijaabka xiran ee ku nool Sweden ayaa soo badanaya, iyadoo cinqaabta ay la kulmayaan dadka weerada geysta aysan ahayn mid culus.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. um alwalid says:

    ilaahayow na amaanso

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  2. ayesha says:

    amiin ilahey ayan kamagan galnay

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  3. MARWAAN says:

    Ax gacanta ilaahy ha gooyo maamadan muslinka qofka Saan u galay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  4. Faai.id says:

    Asc aad ayaan uga xumahay dhibaatooyinka loo geysanayo gabdhaheena xijaaka islaamka xirta, waligeedba waa la cadaadin jiray dadka heysta diinta Islaamka, marka maba jirto ciqaab aad u daran waa uun in meel laga tuuro iyo jirdil iyo wax la mdi ah. Ma ahan dabkii la isku shidi jiray ee la isku tuuri jiray sidaas daraadeed u adkeysta wax kasta oo idin ku yimaada diintiina darteed allena k ajar sugta, waxaanba heleynaa meel aanu isla markaasba u dacwoono oo wacana waa Poliska wadankan,e kaas ayaana ku kala baxaynaa waad mahadsan tihiin dhamaan asc wr wbr.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. nawaal says:

    yaarabi ilahow nagaqabo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  6. Sharmarke says:

    Raali Kama noqoneno in gabdhahena la dulmiyo haddi wax Nola qabaheen waxaa nagu waajib ah Ina iska celinoo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  7. abdisalax says:

    xaalada ka soo cusboonatay maaha midladhayal sankaroh saxibayal. waa in ka muunatigu waxka qabta si deg deg ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0