Weeraradii Norway iyo fashilka ku yimid cunsuriyiinta Yurub

15

Weerarkii jimcadii ka dhacay Norway waxa uu saameyn weyn ku yeeshay aragtida laga qabo xisbiyada midigta fog ee ka dhisan wadamada Yurub. Qaasatan weerarkaas waxa uu saameyn ku yeeshay xisbiga cunsuriga ah ee Sverige Demokraterna oo hada ku jira isdifaacid iyo iska dheerayn. Midka mid ah xubnaha SD ayaa isbuucaan mowduuc uu qoray ku sheegay in weerarkii ka dhacay Norway ay sabab u ahayd waxa uu ugu yeeray Islaameynta wadamada Yurub.

Waxa uu isku dayay in uu masuuliyada saaro soo galootiga isagoo cadeystay in uu fikrahaha la wadaago ninka argagixisada ah ee lagu magacaabo  Anders Behring Breivik. Sidoo kale manafeestada uu qoray ninka dilaaga ah ayaa waxay la midtahay fikradaha SD iyo xisbiyada cunsuriyiinta ah ee ka dhisan Yurub taasoo ah in Islaamka weerar lagu yahay.

Markii ay arkeen in indhaha caalamku ku soo jeesteen ayay bilaabeen in ay iska dheereeyaan ninkaas, iyadoo xogyaha xisbiga SD uu sheegay in uusan xisbigiisa wax fikrad ah la qabin ninkaas oo masuuliyada uu isaga oo keliya leeyahay. Hogaamiyaha cunsuriyiinta Jimmie Åkesson ayaa sheegay in wax masuuliyad ah uusan ku lahayn ficilada ninkaas balse aysan dambi ahayn in wax laga sheego Islaamka.

Si kastaba ha ahaatee fikradii cunsuriyiinta ay faafinjireen ee ahayd Muslimiinta ayaa argagixiso ah ayaa meesha ka baxday ka dib markii ay argagixii ugu weynaa ka geysteen Norway. Waxay hada la boos noqdeen urur weynaha AlQacida.

Xitaa markii weerarku dhacay ayaa mid ka mid ah xubnaha baarlamaanka ugu jira SD waxa uu bogga Twitter ku qoray “Ma qiyaasi kartaan cida ka dambeysa weerarkaas, idin dhihi maayo Islaamka ayaad necebtihiin” isagoo filaayay in Muslimiin ay ka dambeyso weerarka.

Waxaa sidoo kale fashilkii ugu weynaa ku yimid saxaafada caalamka jimcadii la soo dhaafay. Isla markii ay qaraxyada dheceen ayaa lagu degdegay in la qiyaaso cida ka dambeysay weerarkaas iyadoo laysku raacay in aysan cid kale ahayn balse waa Muslimiinta. Ceebtaas ayaa ku dhacday dhamaan warbaahinta waaweyn ee Maraykanka iyo xitaa kuwa Sweden. Markii ay cadaatay in ninka uu yahay nin cad oo Muslimiinta neceb ayaa afkii kala tagay, ceeb iyo yaxyax. Qaar ayaa xitaa isku dayay in ay yiraahdaan ninkaan waxa uu tagtikada ka soo bartay Muslimiinta! KKKKK waa arin lagu qoslo.

Guntii iyo gunaanadkii qaraxa ka dhacay Norway waxa uu noqon doonaa mid naruuro u noqda Muslimiinta Yurub oo laga wareejiyo ishii cunsuriyada ee lagu eegi jiray. Waxaan noqon doonaa kuwo eeda lala qeybso markii wax dhacaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here