Weerarkii France ka dib Muslimiinta qaasatan Soomaalida waa loo yaabaa!

Sida aad la socotaan waxaa weerar argagixiso lagu qaaday caasimada wadanka France Paris jimcadii la soo dhaafay iyadoo halkaasi lagu xasuuqay dad badan oo ku caweysanayay goobo kala duwan. Weerarkaas ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay ururka ISIS ee ka dagaalamada wadanka Syria iyo Iraq. Weerarkaan ayaa ah midkii labaad ee lagu qaado France sanadkaan 2015 balse midkaan ayaa ah mid si weyn uga duwan kuwii hore.

Maadaama weerarka lagu qaaday bartilmaameedyo dad shacab ah oo aysan wax masuuliyiin iyo dhismoyaal dowladeed ahayn ayaa loo arkay mid wuxuushnimo ah oo xadkii dhaafay. Balse ururka ISIS ayaa lagu yaqaanaa ficilada noocaan ah. Saameynta ugu weyn weerarkaan ayaa ku dhici doonta Muslimiinta ku nool qaarada Yurub, kuwa France iyo xitaa Sweden. Soomaalida ayay saameyn ku yeelan doontaa maadaama aan nahay Muslimiin isla markaana Afrikaan ka muuqda bulshada.

Wadankaan Sweden ayaa weerarka ka hor xamaasada ay kacsanayd, iyadoo ka dib weerarkii lagu qaaday iskuulka Kronan ee magaalada Trollhättan ay Muslimiin badan cabsi ku noolaayeen, balse hadda ayay xaaladu ka sii dari doontaa. Waxaa caadi noqon doonta in booliska iyo ciidamada sirdoonka ay kordhiyaan shakiga iyo baaritaanka lagu hayo Muslimiinta. Cunsuriyada ayaa sii balaaran doonta iyadoo dad badan ay caadi u noqon doonto in ay waxkasta ka sheegeen Muslimiinta iyo Islaamka isla markaana aysan cidi ka jawaabin ama ka xumaan. Weerarada cunsuriyiinta ayaa sii kordhi doona, qaasatan Soomaalida ayaa bartilmaameed fudud noqon doona maadaama aysan lahayn dowlad difaacda ama ururo u dooda xuquuqdooda.

Yurub ayaa isbedal weyn ku bilowday, iyadoo ay bilaabatay xiritaanka xuduudaha. France ayaa xirtay xuduuda, Sweden, Germany ayaa bilaabay dib u dhaqan galinta sharciga Dublin. Waxaa shaki weyn laga qaadi doonaa qaxootiga, qaasatan kuwa Muslimiinta ah ee ka yimid Syria iyo Somalia.

Guud ahaan xaalada Muslimiinta ku nool Yurub ayaa ka sii dari doonta, iyadoo aan markii horeba fiicnayn, balse weerarkaan ayaa keenaya in shakiga iyo cabsida laga qabo Muslimiinta ay sii kororto. Waxaa sidoo kale sii kordhi doona cunsuriyiinta iyo dadka neceb diinta Islaamka oo si aan cabsi lahayn u soo bixi doona Islarmarkaana aflagaado iwm u soo marin doona diinta Islaamka saxaafada, kuwaasoo ay ku jiraan xitaa kuwii hore u diidi jiray in ay faafiyaanta hadalada cunsuriyiinta.

Muslimiinta, Soomaalida ku nool Yurub Allah ayaa u maqan oo waa loo yaabaa!

Sidee kula tahay adiga? Saameyn nuucee ah ayuu weerarkaas ku yeelan doonaa Soomaalida?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

28 Responses

  1. Xaqiiqatan ani wan kugu raaxsanahay arinkni wayo mel post terminal ah oo aan ka shaqeyo stockholm taal maalmahani aad bey u kaxsan yhn even swedishka kuwi fiicnaa ankee mid gar weyn laha oo lagu naaneesi jirey svenska suadi maanta garkuu iska soo xiirey markaasuu muslim.cayid bilabay waan doodney madama aanu sxb ahayn waxaan ku iri 150 qof baa ka hadleee oo dalkaga ahayn ma ogtahay intaas ka badan inay dilan reer galbedka israel meqa carur iyo dumar bey isis cml ku yhn why aa u xanaqi weysey mise kuwani waa indha blue waa gareystey warkeyga waxaan u shegey qaraxyada waxa lagu sameyo hubka maa warshadahoda xirtaan markaa xukuumadihiina inta diyarada ku qadan ay wadamo aan wax dhibata ka jirin ay ku daadinayan si dowladaha loola dagalamo dadki guryahoda marka ka so qaxineysen oo hub u geyneysaan ma moogtihiin iney so qaxayaan ? Marka hada qaxoti ma rabna ledihin was rabtan waana aqbaleysan ban ku iri waxii idin imadana dulqaata hadi kalena warshadaha hubka xira !! Intaa ka dib waxu i shegey inusan france ka xanaqine ee magalada göteborg 15% dhalinta ka so dagalantay isis iney joogaan waxay doonana ay sameyn karaan aana la xirin sababto ah sharci lagu xiri karoba ma jiro cml marka bro anaga aan digtoonaano dadkana hala tuso anaga anke dhibka ay nagu hayaan even badena in qashin lagu shubo sun lagu shub in magala kalumeysi u baxen oo markey cunen kalunkina indhaha wada beeley caradi ka dhalata sabab u ah pirecy baan ku iri marka halala doodo dadka ayafon la xadgudbeyn

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 0

  2. zakaria says:

    Saaxibaw adigga meeshaad ka gasho aan ka galeynaa ha is ka dhig in hana nagu cabsi gelinin warkaada quraafaadka welugaa soomaalida cabsi gelisaa saaxib badda waa lagu wada jiraa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 2

  3. Liban says:

    Waa arin Darenkeeda leh waa Xaalad xun waa wal wal iyo walaac qaaasatan dadka ku nool Oropa qasatan sweden siiba somalida anago awalaba dhibana aheen oo waxa manata kadhacaya paris wax lamaida kaso cararanay wadenkeni hadana hadi inta nalooga shakiyo ama culees nala saaro waa wax dhici kara,hadaan Diiniyan wax ka iraahdo quranka aya oronaya dadka aan muslimka aheen diimahoda ha cayina hana dulminina!Hadaa saas samesan oo dulmisan ood caaysan dintooda ayagana si xamasadi kujirto ayeey diinta waxyelo ugeysanayan iyo dadka a Dabigana waxa lo hestaa dadki wixi hasamenina layiri sameyay,Runti waxaan dhihi laha Somalida Anaga waxaa nalaga doonaya Ka qoomiyad ahaan somalida swedn Ayan lahadlaya dadkan wanaso dhaweyen ayago no fiirineenin diinta aan hesano anagana waxa naloga baahanyahay si Xikmadesan oo aqlaaqi kujirto inaan is muujino oo banaaka so baxno anaga iyo caruurtanadaba aan canbaareno falakaas wax aan raali kunahana maahan islaamna raad kuma lahan ileen dad jira baaanu nahay oo aqoonyahan culumo siyaasiyin arday odayaal intaba leh wax guryaha laagu jiro magaran karo wallhi hadaad maanata so bixi weydaan ood codkiina dhiiban weesaaan ogaada caruurtiiina mustaqbal wanagsan uma eedan sameen Is is hadhacdo hala cirib tiro mana dooneeno waan canabaareneena hadaan nahay somalida seedhen!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  4. Dullinimo kaama ahan ee waa kaa daacad says:

    ASC ilaahay ha ka cabso oo waxaad soo qoreyso waa lagu weydiinayaa Maalinta Aakhiro adoo ka faa ideysanaya Waa iqica jira ama dhacay, Ummada ha Duubsan, asc

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 4

  5. axmed says:

    bax wara ha ka walin dadke adi maxa ugu nixine wara wixi ilahy kena dhacaya tag wara ben low yahow

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 3

  6. um says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 9

  7. khadro says:

    muslaminta yurub iyo somalida aad adiga ka midka tahay Alle ayaa u maqan dhibna ma arkeyno inshaa allah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  8. Maryan ruun says:

    Asc! salaan ka dib bismilaah anina ahaan waxan dhihi lahaa cadowgaada waa la caano siiyaa sidaa darteed waa in aan angoo hostaa ka habareynoo hadana bananka ka mujinaa in aan ka xunahay wixii dhacay si aaan uga nabad galnoo shartoda waa in aan iskugu soo banan baxnaa waa in aan muujinaa shuruurteena si ilmaheena iyo anagoo hawen ah madax daboolan uga badbaadnooo galadaan hadii kalee waa eber sheekada mida kale waxa lagu sameyey france mahan wax fiican maxaa yeley allah ma ogolo qof aan adiga dhib kugu heen in aad dhibaateysoo taasi qalad bey aheed Somaliyeey isku duubnaada oo soo iclamiya bananbax weyn intii ay goori goortahay hadii kale hadhow baa shaleyn doontaan waa fikirkeygaa?????

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  9. luul says:

    asc
    aniga werarkii paris ka hor ayanba ku fekeri jirey in xaalada sii xumaaneyso oo aduunka dhibaato miiran ayaa ka dhaceyso waagii beryaba wax aad ka yaabto ayad maqleysaa walaalayaal waxan isku dar daarmeynaa in aan alle ka baqno oo aan towbada badino si uu iiman keena u adkaado qof walbana ha iska aamuso waayoo dadkaan islam iyo gaal kala sooci maayan qof walba waa ey qarxinayan anaga waxaa noo dheer islam ayad isku tihiin alle ayaa talo ku filan

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  10. Umu hanad says:

    Ilaahaybaan leenahay Gaalo waxba naga qaadimayso, waligeedba ha burburiso Wadamada Muslimiinta ah, dhibkan ku dhacayna yaga isu Keenay Gaalo oo dadkii Muslimiinta ah ayay walaaq kala bixi la,ayihiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. ma naxo says:

    jimcale sxb somaliska.com mudo 6 sano an ku xirna lkn caawa waa cawadii igu dambeysay mar dambe ma furaayo somaliska.com

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  12. Husen says:

    Amerikaba 911dad lagu laaye muslimintana way jogan wax dhib lama kulmin ee dadka haa waalin.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  13. Kulmiye says:

    War bulshooy ninkaan mar horaa arkay argagaxiye kaliya lama yiraahd qofka wax dilee kan oo kalena waa argagaxiye waa xaasid qalbiga dadka ka dilo qofkii warbixinta sweden oo af somali ah rabo ha galo radiayaha sweden ee af somaliga plz ninkaan waa cadaw been badan somaalaay ogaada

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  14. Beelo says:

    Filin Cabsi cabsiyaa Nooshiday ee Alle ka Cabso Anagoo Awalba Naxsanen baad naga sii cabsi siisay Ee Iska daa war fudeedkan wax aad og tahay malahan ku xisaabtan in dad xanuunsan ama caruur ey webkaga aqrisan karaan hadaladaan aad so qortayna uuw dhib u keni karo hadii lagu weydiiyo o lagu dhaho hadalkan xageed kaso xigatay maxaad ku jawabeysaa ileeen cid Somalia u socona tiri lama arkine mise adiga u farfiqaayo

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  15. abdisamad Ali shire says:

    wax uuuun ba laydiiin shegay xumaan laydin ma farin deee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  16. raad raac says:

    Waa noocaagan oo kale waxa dhib kasta somalida u soo jiidanaaye qashin jaahil ah oo aan wax waayo aragnimo ah lahayn

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  17. Wuxuu ilaahey qorey ma seegayno ee ilahey iskuxidha cabsidana iskadaaya qaladka qofkii gaystaa marayeeee anagana qald ma gal in mana taageersanin qaladkaas ee somaliyeey magacan aad farta kufiiqaysaan ee aad Somali armaaaa lagajaraaaaa aad kuhaysaan iska daaya cidna Dan inagama laheeee

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  18. War cad says:

    ANIGE WAXAAN WIXII SHARWADO ILAAHEEY AYAAN JAMAGAN GALNAY INTA SHARTA WADO SHARTOODE ALLAAH KU CELIYO WAXAAN AAMINSANAHAY QOFKE WIXII ILAAHEEY U QORO WAAKUDHACAA EE CABSI IYO WEL WEL WAX MATAREYSO LAAKIIN WAXAA XAQIIQO AH IN MUSTAQBALKE DHAW IYO KAN FOGBO XAALKE SIDUU KUSOCDO IN AAN FIICNEEYN EE ALLAAH NOO WANAAJIYO XAALKE..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  19. Cabdi qani says:

    Waxaad Qortey waa sax 100%

    Laakiin dadka commonts kooda ayaan ugudbineynaa Sepo.
    Waxaan sugeynaa 2 week ilaa Iyo commonts koodu dhamaanayo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  20. Cabdi qani says:

    Okey, Qoraalkeygu waa xiranyahay.
    markuu badanyahay text. Ama webb page Wato. Waan gartey.

    Waa inaad siideysaa ama sheegtaa sababta.

    Nacaybka looQabo Reer galbeedka wuxuuba kasocdaa page kaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Cabdi qani says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 8

    • Jimcale says:

      Haddii lagu caburinayo, halkaan fikrad kama aadan dhiibateen. Ama Kiristaan ahoow ama Muslim ahoow haddii aad fikrad ku soo qoreyso qeybtaan waxaa waajib ah in aad raacdo shuruucda noo degsan. Comments uu Link la socdo halkaan looma ogola si aan isaga difaacno spam-ka. Hanjabaad iyo cirkaan soo duminayaa taasi horey ayaa loogu fashilmay. Nasiib wacan!

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

      • MOHAMMED says:

        ASC Jimcaale Waan kugu raacsanahay walaal Cirkaan soo duminayaa iyo Wax la mid ah , taas i halkaan kama soconeyso waayo waa wadan yurub ah oo cadaalad u sxb ah,

        U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Waxaas majir aan shekh cid cid ku xadudbi karta maahan haday dhacdana waalis ka celinaa ayagee u daray tahay tooreyda waala qaad ana somalia geesinimadii waa lagu dhalay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  23. Warsame says:

    NINKAN MAGACA CABDIQANI SHEGTAY EE MAGACA BEENTA SOO QORTAY WAA QASAB IN LOO JAWAABO MARKA HORE MATIHID SOMALI SHAQONE KUMA LIHID SABABTOO AH MEESHE WAXA AA KUSOO QORTAY HADII AAD RAG TAHAY MAGACAAGE OO SAX AH IYO CINWAANKAAGE SOO QOR TANKALE CUQDADE AAD UQABTID SOMALIDE WAXA XAQIIQO AH INAAD SOMALI EHEEN DINTE ISLAAMKE AFKAAGE QURUNKA AH HAKUTAAGIN WAA KAA SHARAFBADANTAHAY MAXKAMADE IYO WAXA AAD DADKA KUHANDADEEYSID GURIGE HOOYADAA LATAG BILAA ADAB BAATAHAY

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  24. luckygirl says:

    xasbunaAllah wanicmawakiilan
    kolay wa ladhiman lahaa lkin Ilaah hano gargaro islamka meelksto ayjoogaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  25. Somali says:

    WAXAN KA JAWAABAA NINKAAN SOMALIDE HANDADAAYO EE LEH COMENTSKOODE AYAA SAPO UGUDBINAA WAR NINYAHAY SOMALI HADAAN NAHAY SWEDEN NAGAMA XIGTID WAXAN NAHAY SOMALI SWEDESH AH WADANKAAN WAA LOOWADA SIMANYAHAY WADANKAAN MA AHA WADAN CARABEED AMA AFRIKAN OO DADA ASKARTA LUGU HANDADAAYO WAAGARATAY SOOMA AHA SOMALIDANE WAA QOWMIYAD WEYN OO DAGAN WADANKAAN DAD WANAAGSAN IYO DAD XUNBO WAA KUJIRAAN QOFKII XUN QAANUUNKE AYAA QABANAAYO IYO SHARCIGE LAAKIIN WAXAA QALAD AH INAAD DADKA U CAGA JUGLEYSID OO HANDADID SIDE INAAD WADANKAAN KALIGIIS TALIYE UU AABAHAA KAYAHAY WAXAN KUUSHEEGAA WAXA AAD SOO QORTAY EE HANDADAAYO IYO TUHUN BEEN AH EE KUQORAN MEESHAAN JIMCAALE WALAALOW WAXAN KAACODSANAAYAA NINKAAN INAAD SHARCIGE LATIIGSATID OO ASAGE LAFTIISA AAD DACWEYSAA HADII KALE ANAGAA NAQAAN OO SHARCIGE LATIIGSANEYNO MAXUU NOOMOODAA XAGEE LAJOOGAA WARYAA WARYAA NAGALATAG WAXAASOOKALE

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0