Wiil 12 jir ah oo booliska ku weeraray Rinkeby

Wiil yar oo da’diisa lagu sheegay 12 sano jir ayaa askari boolis ah weerar ku qaaday isaga oo wata middi xaafada Rinkeby ee duleedka Stockholm.

Dhacdada ayaa ka dambeysay ka dib markii labo askari ay yimaadeen xaafada si ay u kexeeyaan wiil 13 jir ah oo loo waday xabsiga caruurta. Ka dib markii boolisku ay xireen wiilka ayaa walaalkiis oo midi la ordaya waxa uu weeraray mid ka mid ah askarta taasoo abuurtay meeshii in uu dagaal balaaran oo dad kale ka qeyb qaateen uu ka dhaco.

Askariga ayaa ku guuleystay in uu wiilka midida ka dhigo balse meesha dagaal ayaa ka dhacay taasoo keentay in labadii askari mid dhulka la dhigo oo dhaawac la gaarsiiyo. Askarta ayaa hospitaalka la geeyay iyadoo markii dambe la fasaxay.

Labada wiil ayaa waxaa kexeeyay booliska iyadoo midka weyn la geeyay goobtii loo waday ee xabsiga caruurta halka kan dagaalka abuuray boolisku ay wareysi la yeelanayaan.

Lama xaqiijin dhalashada wiilasha balse ilaha qaar ayaa sheegaya in ay Soomaali yihiin.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. ifka says:

    waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  2. bravom says:

    warkaas shalay ayuu ahaa !!!!!!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  3. Habar gidir says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  4. doqon arag says:

    adigoo kale ayaa isga jira oo xanuunsan!! ilahay ha ku caafiyo waad jiran tahay qofka wata HABARGIDIR

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Najmo says:

    masha,allah wan ku faraxsanay wilka walakis ayuu difacaye somali kartidas waa laku yaqninay wlh kkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. Lajecel says:

    Yaab badaanaa, wadankeena aan soo qasnay hada intaa. Waxaa fiicneed in 12 jirka laxiro wuu istahilaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  7. Hero says:

    waxaa ku talin lahaa inuu dadka iyo dalka qiyaanin sida lagu yaaqan somalida hadii kale uu hada iska casilo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1