Wiil 14-sano jir Soomaali ah oo la baafinayo

8

Booliska ayaa warbaahinta ku soo daabacay sawirka wiil 14-sano jir ah oo Axadii tariikhdu markay ahayd 2015-08-16 la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay. Wiilka ayaa waxa uu deganaa magaalada Strömsnäsbruk ee ka tirsan degmada Markaryd ee gobolka Kronoberg. Wiilka ayaa la sheegay in adeeg loo diray  saacadu markay ahay 18:00 dukaanka Ica.

Markii uu maqnaa saacado ayaa la tabay kabacdi familkii ayaa banaanka u baxay oo magaalada karaadiyay. Wax yar kabacdi ayaa waxaa la helay boorso wiil ka loo sii dhiibay oo taala meel wabiga agtiisa ah reerkana waxaa u dhowaa wabiga. Ilaa hada lama garanayo waxa ku dhacay wiilka iyo sababta ka dambaysa.

Booliska ayaa sheegay in arintu ay noqon karto in wiilka uu dhuuntay ama uu dhacay shil kale. Waxay sheegeen in ilaa hada aysan cadeyn u hayn in wiilka wax la gaarsiiyay oo dambi la galay. Booliska ayaa wiilka ku raadiyay diyaarado iyo baabuur intaba iyadoo aan ilaa hada la helin.

Hadaba cidii garanaysa wiilka yar ama aragtay, waxaa laga codsanayaa in ay booliska si degdeg ah ula xiriiraan.

Bilihii la soo dhaafay waxaa soo badatay caruurta Soomaalida ee lumaya. Maxay noqon kartaa sababta?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here