Wiil 15-sano jir Soomaali ah oo gabadhaan ku dilay Göteborg

23

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mölndal ee duleedka Göteborg ayaa sheegaya in wiil Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 15-sano jir ka tirsan caruurta qaxootiga aan la wehlin uu gabar ku dilay gurigii lagu haayay. Gabadhaan oo da’deedu tahay 22-sano jir ayaa ahayd shaqaalaha guriga lagu hayo caruurta qaxootiga ah ee aan la wehlin.

Wiilka dilka geystay oo aan magaciisa la shaacin ayaa hadda booliska gacanta ugu jira isagoo la wareysanayo. Wararka qaar oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in wiilka dilka geystay uu ahaa mid madaxa looga jiro. Gabadha ayaa la sheegay in uu wiilku ku dilay middi iyadoo hospitaalka ku geeriyootay.

Arintaan ayaa argagax ku abuurtay shacabka ku nool Sweden, iyadoo lala yaabay sida ay ku dhacday in wiil da’yar oo qaxooti ah oo la soo dhaweeyay uu sameeyo ficilkaan.

Raysal wasaaraha Sweden ayaa booqasho degdeg ah ku tagay magaalada Mölnal.

Wixii ku soo kordha dib ayaan ka soo qori doonaa….

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here