Wiil Soomaali 14-sano jir ah oo la musaafurinayo

8
Illegal immigrants, shackled at the wrists and ankles, are searched before boarding a charter flight at Kansas City International Airport, run by the Immigration and Customs Enforcement (ICE) Department, November 21, 2008.

Wiilka lagu magacaabo Sharmaki Abubakar ayaa dhawaan laga musaafurinayaa Sweden, ka dib markii ay Laanta Socdaalku (Migrationsverket) sheegtay in uusan 14 sano jir ahayn balse uu 20 jir yahay. Wiilkaan ayaa loo celinayaa Talyaaniga oo faro ka soo qaaday, sida uu qoray wargeyska Expressen.

“Waxaan noqonayaan keligay haddii la i celiyao. Waan jeclahay Sweden oo waxaan doonayaa in aan ku noolaado halkaan oo aan iskuul dhigto sida caruurta kale “ ayuu Sharmaki u sheegay Expressen.

Sharmaki ayaa Somalia ka soo tagay sanadkii 2013 isagoo doon ku soo galay Yurub ka dibna ay Talyaanigu siiyeen sharci ku meel gaar ah. Ka dibna waxa uu u soo gudbay Sweden oo uu sharci ka dalbaday balse Migrationsverket ayaa diiday sheekadiisa, iyagoo u sheegay in lagu celinayo Talyaaniga.

Warqadaha uu Sharmaki kala yimid Talyaaniga ayaa waxaa ku cad in uu 20-sano jir yahay balse isagu waxa uu leeyahay waxaan jiraa 14 sano. Waxaa sidoo kale aaminsan  Erika Johannesson oo ah masuulkiisa iyo quburo kale. Baaritaan ay ku sameeyeen dhaqaatiirta Sweden ayaa waxaa ku cad in Sharmaki uusan wali qaangaar ahayn isla markaana ay da’diisu tahay qiyaastii 14 sano jir.

Erika Johannesson oo loo diiday in ay noqoto wakiilka Sharmaki maadaame aysan Laanta Socdaalku caruur u arag ayaa hadana waxay isku dayaysaa in ay caawiso. Waxay sheegtay in ay ogtahay in dadka qaarkood ay been ka sheegaan da’dooda balse Sharmaki uu runta sheegayo.

Gunilla Rosengren oo ah madaxa diiwaan galinta ee Laanta Socdaalka xafiiska Göteborg ayaa wargeyska u sheegtay in aan wax qalad ah laga galin Sharmaki. Waxay intaas ku dartay in xitaa haddii loo aqoonsado in uu caruur yahay markasta dib loogu celinayo Talyaaniga maadaama uu halkaasi sharci ku leeyahay. Masuuliyada Sharmaki iyo baaritaanka da’diisa waxay u taalaa Talyaaniga ayay hadalkeeda ku soo afjartay Gunilla.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here