Sida uu qoray wargeyska Aftonbladet wiil Soomaali ah oo da'diisa lagu sheegay 19 sano jir ayaa qirtay in uu dahab iyo dheeman ka xaday qoyska boqortooyada Sweden qaasatan boqorka walaashiis. Wiilkaan oo lagu magacaabo Abdi Abdulqadir oo da'diisa lagu sheegay 19-sano jir ayaa waxaa uu saaxiib la ahaa ninka qaba boqorka walaashiis Princess Christina oo lagu magacaabo Tord Magnusson. Ninkaan iyo wiilka Soomaaliga ah ayaa waxay ku kulmeen xaafada Tensta, isagoo la sheegay in uu wadanka soo galay sanadkii 2009. Sababta ay u kulmeen ayaa ahayd in ninka lagu magacaabo Tord Magnusson uu yahay nin jecel in uu ka qeyb qaato arimaha isdhexgalka, isagoo la saaxiibay wiilkaan Soomaaliga ah.  Tod ayaa xitaa shaqo u soo dhameeyay wiilkaan Soomaaliga ah. Wiilkaan ayaa la sheegay in uu mararka qaar seexan jiray guriga boqorada iyo ninkeeda iyagoo xitaa mararka qaar isku raaci jiray goobaha lagu tunto iyo damaashaadyo kale. Wiilka ayaa la sheegay in uu xaday dahab qiimihiisa lagu qiyaasay 855 000 karoon. Wiilka ayaa markii hore ka biyo diiday in uu dahabka xaday balse markii dambe qirtay isla markaana isku dhiibay booliska ka dib markii uu Tod Magnusson sidaas kula taliyay. Boqorada ayaa aad uga carootay arintaan maadama ay wiilkaan u haysteen in uu yahay caruur oo uusan ficil sidaan oo kale ah ku kici doonin. waxay sheegtay in aysan cafin doonin. Wiilkaan iyo Tod Magnusson ayaan laftaydu la kulmay bishii Augusti ee sanadkii 2011 iyaga oo ka qeyb galayay shir ay qabteen Swedbank magaalada Stockholm. Aniga iyo isaga oo afka jug isku siinay, ayuu iila muuqday nin firfircoon balse wax u qarsoon yihiin.  Waa arin la yaab leh. Runtiina magac xumo u soo jiidaysa bulshada Soomaalida oo dad badan hada naga amaan baxayaan. Bal fikradihiina ku darsada. Svenska: http://www.aftonbladet.se/nyheter/article14982256.ab

Wiil Soomaali ah oo dahab ka xaday qoyska boqortooyada Sweden

Sida uu qoray wargeyska Aftonbladet wiil Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 19 sano jir ayaa qirtay in uu dahab iyo dheeman ka xaday qoyska boqortooyada Sweden qaasatan boqorka walaashiis.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Abdi Abdulqadir oo da’diisa lagu sheegay 19-sano jir ayaa waxaa uu saaxiib la ahaa ninka qaba boqorka walaashiis Princess Christina oo lagu magacaabo Tord Magnusson. Ninkaan iyo wiilka Soomaaliga ah ayaa waxay ku kulmeen xaafada Tensta, isagoo la sheegay in uu wadanka soo galay sanadkii 2009. Sababta ay u kulmeen ayaa ahayd in ninka lagu magacaabo Tord Magnusson uu yahay nin jecel in uu ka qeyb qaato arimaha isdhexgalka, isagoo la saaxiibay wiilkaan Soomaaliga ah.  Tod ayaa xitaa shaqo u soo dhameeyay wiilkaan Soomaaliga ah.

Wiilkaan ayaa la sheegay in uu mararka qaar seexan jiray guriga boqorada iyo ninkeeda iyagoo xitaa mararka qaar isku raaci jiray goobaha lagu tunto iyo damaashaadyo kale. Wiilka ayaa la sheegay in uu xaday dahab qiimihiisa lagu qiyaasay 855 000 karoon. Wiilka ayaa markii hore ka biyo diiday in uu dahabka xaday balse markii dambe qirtay isla markaana isku dhiibay booliska ka dib markii uu Tod Magnusson sidaas kula taliyay. Boqorada ayaa aad uga carootay arintaan maadama ay wiilkaan u haysteen in uu yahay caruur oo uusan ficil sidaan oo kale ah ku kici doonin. waxay sheegtay in aysan cafin doonin.

Wiilkaan iyo Tod Magnusson ayaan laftaydu la kulmay bishii Augusti ee sanadkii 2011 iyaga oo ka qeyb galayay shir ay qabteen Swedbank magaalada Stockholm. Aniga iyo isaga oo afka jug isku siinay, ayuu iila muuqday nin firfircoon balse wax u qarsoon yihiin.  Waa arin la yaab leh. Runtiina magac xumo u soo jiidaysa bulshada Soomaalida oo dad badan hada naga amaan baxayaan. Bal fikradihiina ku darsada.

Svenska: http://www.aftonbladet.se/nyheter/article14982256.ab

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

47 Responses

  1. Dazzling says:

    SC akhyaarta iyo akhristayaasha dhamaan. Wiilkan aad sheegaysaan aniga saxibkay ayuu ahaan jiray, meelna waan wada daganaan jirnay, marka sheekadan la sheegayo waan u malaynaya in uu sameeyay, maxa yeelay wiilkan dabeecadihiisa ayaan si fiican u aqaan, wayna ka suurto gasha inuu xado!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  2. Nin sare says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 3 Thumb down 11

  3. Ccyoung says:

    rintan waa mid aan lagu farxaynin ceebna inoo soo jiiday balse adiga sheekadan qoray maxaad ugu dartay private sheeko aad is dhaafsateen adiga iyo wiilka ileen soomaali ahaan ayuu wax kuugu sheegaye.
    ???

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 1

  4. abdirisaaq says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 9

  5. abdirisaaq says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 8

  6. Gudoomiye La Doortay says:

    Wiilkan si fiican ayaan u aqaana waana wiil ay iska dhaleen Somali iyo Eritrian. Hooyadii ayaa Somaliyad ah waxa uuna ku soo koray wadanka Switzerland gaar ahaan qaybta af jarmalka lagaga hadlo waana wiil danbiyo ka soo galay wadankaas oo da’ yar isku dhiibay wadankan. Sheekadiisa oo dhan aniga haya, asaxaab ayaan ahaan jirnay intuusan sidan isku badalin.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 8 Thumb down 4

  7. Sahra says:

    Jimcaale ayaaba ka daran oo sii shaac bixinaaya walaalkiis xumaantiisa Jimcaale ilaahey ka cabso

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 3

    • cumar says:

      waxaa u malaynayaa in ay dadkii soomalida ahaa naxariistii ka guuraty maxaad uga sheekaynaysaa haduu quf walaalkaa ahi qaldamay miyaad asturtid ceebtiisa adna 12 cebood ayuu ale kuu asturilahaa hadii ay kaa dhabtahay waxaad shegaysaa maqashayo ka dhaga la,e

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  8. ahmed says:

    scw jimcaale walal waad ku mahadsantahay warkaaga kala duwan laakiin mid ayaa ku qaldanyahay wiilkan somaliyed haduu uu saas sameeyay adiga warka waad soo sheegi kartaa lkn maaha inaad magaciisa soo qorto hadii aad lakulantay waxa aad isku tiraahdeen maaha inaad halka keento run ahaantii aniga wiilkaas aqoon uma lihi somali ayaan ugaranayaa lkn sxb waxyaabaha aad soo qorto mararka qaarkood hoobseed ayaa gashaa iska jir mafiicna qof sawirkiis inaad meesha soo geliso iyo ilaah ayaa yaqaan inuu wax xaday inaga ma ogin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  9. Sahra says:

    Dadka wax soo qora ma wada jawaasiis baa xoolo kuma helaysaan qof walaalkiin ah oo ceebeysaan ilahey ka cabsada

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 4

  10. Ccyoung says:

    shhdalan Link aad ka soo qaadaten soo share-gareeya plz

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. Qaali says:

    asc walalayaal arintan waa wax laga xumaado ceebna ku dhamaan somalida laakiin waxan leeyey yaan ceebihiisa lasii wadan kolayba in ceebeye Allah hayna astureee

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  12. Naciima says:

    Kan o kale ayaa sharaftena dhulka lagaly, qofkaste oo muslim ah waa masuul, hada waxa nalaga aminsanyahy ina nahy dad wada tuuga ah, Schoolkena oo kuyaal Göteborge ayaa laga xaday compuretro waxaana ku cadatay wiilal somali ah taas oo niyada naga jabisay marki ardaydii dhan ku shekesanayaan somalida waa tuugo iska ilaaliya.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

    • doqon dile says:

      naciimo mahan in göteborg wixi laga xaday ad u shegto inay somali xaday ka gudub walaal shekoyin intood axun fadlan u duceya dadka dhibaa haystee lakin fadexada ka daaya ilahy ka cabsada

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  13. Jimcale says:

    Horta tuugada maxaa lagu sameyn jiray soomaaliya?

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 4

    • Najma says:

      Jimcale” Gacantaa laga gooyaa hadaysan baahi ugeynin oo uusan wax uu cuno waayin” qofkii baahana waa laika cafinjiray!

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  14. Maxamuud .n says:

    Waxaas waa ceeb dhalint somaliyeed tuugo ha ku dhiiranina waligiin wax qof shaqastay ha fiirin oo ha u haqaltaagin markaad qof wixiis aad halacsato waa hoogaa aaqiro iyo mid aduunba ilaah risiq xalaal ah u raadso waad ka hili dadka waxooda dhaaf ilaah baa siiyey gaal iyo muslimba

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  15. Dr casaan says:

    Asc waxan salamaa umada islamka ah gaar ahaan somalida hadan ugudo galo fakraday dada oo arintan fosha uxun oow ku kacay wiilkan somaliyed waa arin folxun waxan ku tali lahay qoyskii oo xaday in ay somalida sweden rali garin ka bixiyan asagana wadanka laga masafiriy say arintas udhicin markale tug waa la iska fogeyaa ok asc wad mahsantihiin

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  16. abdirashid says:

    asc anigu ma filayo inuu yahay somali sax ah wiilkaas ,waa sida uu shegay walalkayga kale ee wax baaa ku jira somalinimadiisa ,eretariyan iyo balaayo kale ,markii ay danbi galaan ayuu qof walba somali sheegtaaa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  17. siiham says:

    subxaanallaaaaaaaaaaaah illaahey ha astuuro ceebahaa islaamka asiigana allaaha so hadeeyo gacanta cadowgana allaaha ka badbaadiiyo waasa ariin layaab leeh

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  18. Kung Moha says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 9

  19. Gabarsoomaaliyeed says:

    asc

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  20. Saredo1 says:

    Wiil kaan layaabimaayo sababto ah soomaaliya waxa kajira waa og nahay waxalayiri gacantii goyn barata gumudkaa dhaqdhaqaaqa tan labaad qofku haduu tuug yahay waxna kama xishoodo .waxaad baratid waa baaskaa.lkn waqalad dadka dhahaayo anaa aqaano tuugbu ahay ilaah ka cabsada qof kasta allah ayaa laxisabtamaaya

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  21. Gabarsoomaaliyeed says:

    Ániga su´aal ayaan qabaa marka hore jimcaale ma adigaa shaqsi ahaantaada la kulmay wiilkaan soomaaliyeed augost 2011 maxaase wiilkaan uga shakisay tan labaad sidee ayuu ku dhex gali karaa reer boqor isaga oo wadankaba imaaday 2009 sidaad adiga sheegtay su´aalahaas ayaan ja waab kaaga baahanay adiga oo mahdsan wsc

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      GabarSoomaaliyeed haa waan kulanay aniga iyo wiilkaan sanadkii hore…waxba kama shakin balse waxa uu iila muuqday wiil firfircoon balse sida uu Swedishka isugu sheegay iyo sida uu aniga ii sheegay farqi ayaa u dhexeeyay. Dadka dhahaaya tuug ayuu horey u ahaa taas anigu ma ogi in ay jirto iyo in kale.

      Balse waxaa iska cad in uu ka faaideystay aaminaada la aaminay taasoo ceeb weyn ah in qof ku aaminay aad xado.

      U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  22. run sheek says:

    sxb jimcaale waxaan umaleynaa in aad tahay jaa juus ee somalida afka ka bax

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 7

  23. amal ahmad says:

    somali mahan wilkan waa itobiyan jornal ka lagusoo qoray wixii xun xawale waxuuku qoran yahay jornalka magacii sa la dha ho 8sidor.se ka aqriya somali ad ceb uyeeshiin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  24. farxaan says:

    aniga ahan waxan qaba madama uu noqday nin hormar ku tilabsanaya sida awgeed ay ula soo daristay fadexadan si loo cirib tiro horu markisa iyo fir fircoonidiisa aniga wax badan ayan adarasay reer galbedka qofka sidan u aqliga badan ama u fir fircoon oo isla markiba la jan qada arimahooda inay ula dhaqman sidii loo cirib tiro wax qabad kasta uu la soo bixi laha sida awgedne loo garsiiyo sumcadeesa ama fadexo uusan ka soo kabsan amaba loo aminin sida ad ogtihiinba dad badan oo an ahayn reer galbedka lane yimid horu mar intan la eg lagaliyey sumcadooda hoos sida jacsan ookale megtowsan ookale iyo inka siibadan oo an halkan ku so kobi aniga karin run ahaan ee waxan idin leyahay aniga wilka somali ahan tiisa moyane walahi iann garanayn lakin haloo cag dhigo arinkan yan lagu dag dagin somaliyey wa arin qor shaysan oo wilkan dabin logu dhigay waxane aniga qaba fikir ahanba inuusan gaysanba arinkan ee arain laga shaqeyey uu yahay bye wan idin salamaya dhaman somali oo idil

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  25. omar yare says:

    Tjuv tog prinsessans smycken
    Publicerad: 2012-06-14
    Prinsessan Christina har blivit av med
    smycken värda 855 tusen kronor.
    Det var en vän till hennes man
    som tog smyckena.
    Han har sålt dem.

    Bland annat stal han Gustav den sjätte Adolfs manschettknappar.
    Han stal också en klocka
    som Etiopiens kejsare Haile Selassie har haft.

    Tjuven har berättat för polisen att han tog smyckena.
    Nu blir han åtalad.

    Prinsessan Christina är kungens lillasyster.

    8 SIDOR/TT
    waa tan warbixinta oo dhamays tiran ee somaliyeey waxa aadan hubin iska daaya oo xishooda shyt

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Omar iyo Amal wiilka Ethiopian ma ahan ee waa Soomaali. warbixintaan ku qoran 8sidor ma sheegeyso in uu ethiopian yahay balse waxay sheegaysaa in waxyaabaha la xaday ay ka mid tahay Saacad uu lahaan jiray boqorkii Ethiopia ee la dhihi jiray Haile Selassie.

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  26. hodan says:

    Asalmcaleykum all .cidkastaba ha noqdee wiilkaa Illaahay ha soo hanuuniyo gacan bila aadana waa galayee allaah ha ka soosaaro aamiin yaarabi.Inaga hadaan soomaali nahay ceebteena allaah ha asturo isagaa ceebaha asturee.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  27. sagal says:

    Asc. soomaaliyeey aqligiina istacmaalo, wiil wadanka soo galay 2009 misne lasaaxiib ah reer boqortooye misne gurigooda ku nool reerkane aay yihiin swedishkii aan naqiiney ee aan xitaa dadka sidaa fudud ku dhex galin? warkaan wax baa ku jiro. hadii aay rabaan is dhex galka bulshada in aay wax ka ogaadan waxeey heli karaan qof weeyn wadankane wax badan joogay. Waxaan waa media lama aamini karo ee haku dambaabina.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  28. garyaqan says:

    asc walaal yaal ayaan somaaliyeey ceebtena kaliya yaan laraadin waa iga dar daaran dowla aan iyo tuugo nimo waa ceeb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. shuceyb says:

    looooooooooooooool Magaca uu wato ayaaba wax walba iiga daran,,,,,,, Sheekadu tuugnimo ka wayn waxaan u malayn odeyga yarka in uu khaniiso ayuu rabey,,,,, wuu u diiday ,,,, ka dibna mishinkaan loo dhigay!!!

    Waxaan la yaabay dadka dhahay waa naceebeeyay wiilkaan ,,, Somali ma ceeb baa u dhiman ,,,,,,, waxaan dhigan jirey Maado la dhaho Samhällskunskap ,,, EXEMPLE walba oo xun oo invandarare ku saabsan ,,somali ayuu macalinku u soo qaadin jiray,,,,,, mana dhihi karin why ???,, sababtoo ah Journal uu soo qaadaa saas uu qorey uu dhahaa ,,, ama program

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  30. SOOMALIDOON says:

    JIMCAALE AYANTAN SOMALID ADAABA SD 2 KU NOQDAYE WAX FARXADLE AYAD SOQORIJIRTAYE AYANTAN WARKAAGA LOOMA BOGIN WHAT IS GOIN ON BRO? SOOMAALIYAA HANOOLATO

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. anwar says:

    ayagaaba tuugo bah cida la xaday sabavtoo ah maxaa u keenay saacadii xayle salaase

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  32. ShAdOw says:

    maxaa ulaa yabayeesiin hadii ee somalidaa oo dhaan xaraan u barteen maxaa laa sobiinaa inaa leelahi waa inaa ilayhi rajicuun subxaan alah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. cabdiraxmaan says:

    kkkkkkkkk waxaan la yaabanahay soomaalida qaar oranaya warkaan ma jiro waa been xagee ka keentay, warkaan waa war sax joornaalada oo dhan ayayna ku qornaayeen todobaadkan oo dhan wax la iska alifto ma jiro webkaan ninka qora ee jimcaalena waa masuul sare oo saxafi tababaran ah.Waxuu soo qorayaa warkasta oo soomaali ku saabsan xumaan iyo wanaag kuu doono ha ahaadee iyo waxayaabaha kale ee faaidada u leh bulshadeena ama xaqiiqada ka jirta dalkan aynu ku noolnahay.
    Wararka waxuu ka soo xigta wargaysyada wadanka ugu waaweyn oo wakhti iyo shaqo badan ayuu ku bixiyaa marka ninkaan jimmcaale waxuu mudan abaalmarin sxbyaal ee ka daaya xagxagashada.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

    • doqon dile says:

      Asc waan idin salamay dhman walalaha soomaliyed gar ahan inta jecel samaha iyo sharafta laakin waxan la yabnahay kuw aiska hadlaya oo an ahdlakoodu qimah ku fadhin sida ninka la baxay nin sare uman qalantid magacas waxad tahay nin hose waxan ku oran laha muqdeisho afkaga ha ku taagin doqon habow ah ayad tahe ma ahan ninka xumi inuu ka yimid muqdisho waayo adoo kaleba wa ku jira somali mida kale wiilkan hadii amar ku dhacay ma ahan in lagu digto ilahayna ha ka cafiyo wixi dambi ah wa inan u duceyna in ilahay dambiyauu galay oo dhan ka cafiyo kuna soo hago jidka toosan soomaaliye cebta wlalak aad bananka dhigaysan waxa ku xiga ceebtiina oo beri la soo bandhigo nin walbana nabsigu galo ama isaa ama walalkis ay laga goynaa Jimcalan waqxan leyahy ilahay ka cabso koey shaqadada ayad u cabsane lakin ka daa soomalida dabagalka aad ku hayso sweden iyada ku filan inay raadsato qofkii dambi ka galay lakin mahan adigu inad u sii ifiso wax ay ogyihin waayo taasi anga ayey na dareensiinaysa inadan soomalida ceebteda jeclayn inay qarsoonto dhmaantin alah wanaga dadkiina idin tuso

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. muxamed says:

    jimcaale waxaa tahay nin swedan jooga bal fiiri nacasnimadaada gaaladii ayaa qarineysa
    qofka ceeboobey runtii ma sheegaan magaciisa
    qofka dembilaha ciqaabtiisa uun buu dhameysataa maahee magciisa iyo wadankiisa
    ma sheegaan gaaalada dembiilaha santkiisa ayey shegaan 19jir dahab dahab xadidi lagu tuhunsanyahy ayey dhahaahn marka jimcaale gaalki ayaa kaa fiican ficilkiisa maxaa magciisa u sheegee saas sharaf kuuma aha qoraa waaayo arag maahit

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  35. Somalijecel says:

    sahra iyo ccyoung 2da qof wato. jimcaale wuu saxsan yahay wixii xun ee somalida dhib usoo jiidaayo waa in la cadeeyaa. keenna xun waa inaan qabanaa oo fashilinaa, keenna fiicanna waa inaan amaannaa. wabillaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  36. Somalijecel says:

    wax walbo hadaanan daaha laga qaadin wax hagaagayoo maaha. jimcaalana wuxuu idinla dhaqmooyaa sidi walaal somaliyed waxa uu idin soo qorayana waa wacyi gelin. inteydaan wax iska soo qorin jimcaalena dhalliilin wax fahma oo murtida dhuuxa walaalayaal. Allena kabaqa oo is ceshada kheyrkana is fara.
    Jimcaale kheyr Alle haku siiyo adeeg wacan baad bulshada u haysaaye.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  37. cayni says:

    ilaaha hanuuni cunugaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  38. cumar says:

    maxaa ku baray miyaa wada qadhaaban jirteen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. hiddo says:

    Allah ceebteena ha asturo walaal jimcaale wiilka wuu qaldamay adna waad qaldan tay waayo ma ahan in ad magaciisa sheegto waa mid ceebkale ku ah wiilka waxaay keeni karta in uu ka cararo magaca soomaalida oo dhan ceeb daraadeed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. Khled says:

    Marka hore ninkan odayga ah iyo wiilkan yar maxaa saxiibo ka dhigay isku da\ maba ahee..laga yaabo in wiilkan wax xaday ama xadin laakiin odaygaan wuxuu ula saxiibay wiilka ma is weydiiseen…isdhexgal iyo waxaan sheekada waa ka weyn tahay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  41. Cabdifitax says:

    Asc dhaman dadka somaliyed waxan leyahay allah ha hanuniyo ma ahan nin an somali ahayn inlagu fadexadeyo somali jimcalena waxan leyahay dadka cebtoda hafafin hadu wax xaday asi ayey dhibe

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0