Wiil Soomaali ah oo lagu amaanay caawimaad uu sameeyay

8

Wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Sadiq Elmi ayaa lagu soo qoray wargeyska Aftonbladet sida bani’aadanimada leh ee uu u caawiyay nin oday ah ku dhaawacmay barafka, isagoo dadkii kale oo dhan ay isaga tageen. Dhacdadaan ayaa ka dhacday degmada Märsta habeenkii Arbacada isagoo Sadiq ka soo degay bas, isla markaana doonayay in uu raaco tareenka ugu dambeeyay habeenkaas. Dadkii la socday ayaa dhamaan ku wada yaacay tareenka. Iyadoo  Sadiq uu arkay nin oday ah oo ku kufay barafka oo dhaawac soo gaaray.

“Dadka kale dhamaantood baska ayay ka dageen oo horay ayay u socdeen, laakiin waxaan u istaagay in aan caawiyo, waxaan wacay ambalaaska, anigoo kiciyay oo isteshinka fariisiyay. Markii ay ambalaaska timid tareenkii waa iga tagay” Ayuu Sadiq u sheegay Aftonbladet.

Shaqaalaha ambalaaska ayaa ku amaanay Sadiq sida bani’aadanimada leh ee uu u caawiyay ninka odaga ah balse waa ka diideen in uu raaco maadaama uusan sharciga ogolayn in ambalaaska lala raaco qof aan qaraabo ahayn. Sidiiq ayaa habeenkii 5 saacadood tareenka ku sugayay Märsta. Facebook ayuu ku qoray in cid soo dooni karto balse cidna kama jawaabin fariintiisa maadaama ay ahayd saq dhexe.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here