Wiil Soomaali ah oo lagu dilay xero qaxooti, yaa ka dambeeya dilkiisa?

Shalay waxaa xero qaxooti oo ku taala duleedka degmada Lindesberg ee dhow Örebro lagu dilay wiil Soomaali ah oo da’diisa tahay 20-sano, iyadoo wararku ay sheegayaan in qofka dilka geystay uu ka soo jeedo Itoobiya, halka warar kale oo aan la xaqiijin ay sheegayaan in labada qof ay Soomaali yihiin.

Raggaan ayaa la sheegay in ay isku guri ku noolaayeen, iyadoo middi lagu dilay wiilka Soomaaliga ah. Booliska ayaa soo xiray sadex qof oo ku noolaa guriga uu dilku ka dhacay oo dhamaantood looga shaki-qabo in ay dilka qeyb ka ahaayeen. Raggaan mid ka mid ah ayaa duurka u cararay markii uu dilku dhacay balse saacado ka dib isi soo dhiibay.

Booliska ayaa wali baaritaan ku haya sida wax u dheceen balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ragga uu dagaal dhexmaray. Markii uu dilka dhacay ayaa guriga waxaa ka daarnaa muusik aad u sareeya. Wargeyska Expressen ayaa qoray in qilaafka raggaan uu salka ku xayo xaalada colaadeed ee u dhaxaysa wadamadooda (Somalia iyo Ethiopia).

Waa dilkii sadexaad ee ka dhaca xeryaha qaxootiga, iyadoo bishii Janaayo uu wiil Soomaali ah gabar ku dilay magaalada Möldnal halka nin Afghanistan u dhashay lagu dilay xero ku taala duleedka Söderhamn.

Wixii ku soo kordha dib ayaa ka soo qori doonaa…Haddii aad hayso macluumaad la hubo oo ku saabsan dhacdadaan…fadlan noo soo gudbi!!

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

13 Responses

  1. Barlin says:

    Halke.ka heshay.warbixin ta adigo o rali ah.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  2. Waaa wax laga naxo alle a u nax riisto marxuumka samir iyo iiimaan alle aka wada siiiyo eheladii iyo qarawadiii oo ka gey riyooday

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. laki says:

    subxaanlaahi

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  4. Daahir Yare says:

    Ilaahay ha u naxariisto Ninka dhintay.ka dhintay iyo ka wax dilayba waa Somali labadoodaba anaa aqaana wax itoobiya iyo somaliya colaadeed shaqo ku lehna maaha Ninka dhintay wuxuu ahaa reer hargaysa wuxuuna isku dhiibay kililka shanaad kan uu KU baxayna moqdisho ayuu kasooo jeedaa laga yaabee inay sidaas darteed uga dhigeen dad laba wadan kasoo kala jeeda ilaahay ha u naxariisto Mataan

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 9

  5. duqa magalada says:

    Si wanagsan waa siduu hadalka u dhigaye sxbkey daahir yare wax ethiopia ah ma jiro ee waa isaq ka.la diley ka wax dilayna waa abgaal labaduna waa somali bro marka lindsberg waa magaalo abgaal yarka la dileyna waxa loo yiri waa ethiopian onlf ahaan bu isku dhiibay marka shekada yan la.cusbeenin bro waanan ka xumahay kuna darso midna wuu dilay midna wuu qabtay so 2 abgaala vs hal isaaqa waa sidaan warka aan ku heley waana war huban bro

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 11

  6. Abdifatah says:

    Duqa magaalaa, abgaal ku waalo. Timaha lee abgaal dartiis yeesan kaaga cararin

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 4

  7. abdullahi says:

    abgaal ku dardartay allah u naxariisto

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  8. Abdi says:

    Marxuunka Alle ha unaxariisto Gacan ka xaq daran baa dishay
    Teeda kale kuwaan qabyaalada meel kasta la galaya Waxa leeyahay Alle ka baqa Umada fidno iyo naceeb ha dhex dhigina meesha la joogo ma ahan dhulkii naga badnaa aan kusoo hishiin weeynay
    Qofkii danbi gala isaga maraya ciqaabtiisa qabyaalada ka daaya

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 0

  9. MD says:

    Ilaahay ha u naxariisto wiilka dhintay.

    Intaasi kadib waxa ka codsan lahaa somaliska.com in ay war bixin naga siiyaan iyo sida somalida uga ficil celisay hadalkii sirta ahaa ee laga duubay ninkii daqtarka ahaa kaasi oo yiri dadka somalida waa dadka ugu garaadka yar somalida, calashaan fahankoodu yahay mid hoose.

    Wuxuu warkan ku qornaa shalay wargayska Aftonbladet. wuxuu leeyahay somalida garaadka caqligoodu waa 70 (IQ 70), Halka dadka Swedish-ka ah yahay 102.

    Fadlan arintaasi wax ha laga yiraahdo, ha laga hadlo, waa grupp diskriminering iska cad ( Midab takoorka guruub gaara).

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  10. kabtan lii says:

    alaha unaxariisto samir iyo iimaan alaah naga siiyo hadaa soomali odhan ayuu kabaxay qabyaalada iska daaya dhalinyarooy

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. Sacdiya says:

    Somali hada nahay meel kasta ma isku dileynaa dil wadankena ooga soo cararney iyo qabyaalad ma ahan in wadamada islaameed aan isku dilno ee waa inaan magan galyadaa la helnay tixgalinaa si anan beri naloo dhihin somalida waa dad cun dhexdooda is cuno ilahey ha u naxariisto wiilkas walalkeena ah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. Daahir Yare says:

    Duqa magaalada anigu qabiil kama sheekayn labada gobol ee aan soo qorayna waxaan ula jeeday in sababtaa darteed loogu sheegay Ethiopiaan inay dadku fahmaan Laakin anigu marna qabiil kama hadal e ha ilasoo galin sxb qudhunka kugu jira iyo qabyaalad

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  13. n says:

    Alhu akbar

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0