Wiil Soomaali ah oo loo diiday in uu safro ka dib shaki argagixiso

Wiil Soomaali ah oo doonayay in uu dalxiis ku tago dalkaasi Mexico ayaa loo diiday in uu diyaarada raaco ka dib markii la sheegay in magaciisa uu argagixiso u egyahay.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Abdi Ahmed Mohamed ayaa la socday labo asxaabtiisa ah oo Swedish ah kuwaasoo ka duulayay magaalada Oslo. Markii labada asxaabta ah ay tikitkooda dhiibteen oo aan waxba la oron ayaa Cabdi markii tookadiisa la gaaray ay shaqaalaha u sheegeen in uusan raaci karin diyaarada maadaama uu magaciisa ku jiro liiska argagixisada.

Cabdi oo arintaas ay mucjiso ku noqotay ayaa u waramay wargeyska Aftonbladet dhibaatada ku dhacday. “iima aysan ogolaan in aan diyaarada raaco. Waan jeclahay in aan safro oo wadamada kale aan soo arko. Waxay igu yiraahdeen magacaygu waxa uu la midyahay qof argagixiso looga shakiyay” ayuu u sheegay wargeyska.

Shaqaalaha ayaan warbixin fiican ka siin arinta lagu haysto iyagoo u sheegay in uu la hadlo safaarada maraykanka. Cabdi ayaa sheegay in uu aad uga xanaaqay arinta ku dhacday isla markaana uu dareemay awood la’aan. “Wax badan ayaan qorsheynayay safarkaan aniga iyo asxaabteyda” ayuu yiri.

Abdi ayaa sheegay in aysan dhibaatadaan hada ugu horeyn.

-Asxaabtyada magaca Muslimka aan lahayn horey ayay ka gudbaan halka aniga layla haro. Waxaan ku fikirayaa in aan iska badalo qaybta magaca ee Ahmed maadaama halkaas dhibaatadu ka jirto, ayuu hadalkiisa ku daray.

Safaarada marayknka oo lala xiriiray ayaa sheegtay in aysan war ka hayn arinta ninkaan maadaama uusan maraykanka u socon isla markaana uusan taransit ku ahayn.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. Adow says:

    Wa yaab ilahay ha nag qabto gaalo,

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. caaqliyad dumar says:

    walal ahmed ha iska badalin magacaaga quruxda badan, waa ku baryaa…..
    hadii aad maanta ka tagto magac islaam, barine waxa ee kugu dhihi doonaan kaasne ka tag..midkaan ka tag ilaa ee diinta dhan kaa saaraan.
    Ogoow Muslimka aduun inee imtixaan ku jiraan, hadii ee ku sabraan ee Sadkiisa heli doonaan insha Allh.
    Safarkaas laga yaabay inee qeyr ku aheyn, si walbo, waad dareemi kartaa Mgacaga Mahmed qofkii leh inu dib dareemo markuu safraayo, ayaga oo naceeb u qaba Mahamed oo ah Magaca NABIGEENA CSW.
    Safarka mexico, hadii aad ka baaqato Nolosheeda kuma xerna…
    ee walal samir…samir,….marne haka tanaasulin islaamka astaantiisa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 0

  3. Abdulkadir Abdi says:

    Asc dhamaan walaalaha kadib salaanta anigu ma aanan fahmin dhabahaantii arintan mararka qaarkood way dhaceysaa in qof cunsuri ah uu ku cunsuriyadeeyo qof kale magac midab iyo diin kadibna uu uga faaideysto dhibaatada maanta argagixisadu kuhayaan dunida oo dhan gaar ahaan muslimiinta sida ku cad qoraalkana safaaradii la sheegay in la weydiiyo sababta reebista cabdi waxay sheegeen inaysan ka war hayninanigu waxaan ku talin lahaa cabdi inuu dacwad ku oogo diyaarada hadii shaqaalaha diyaarada aysababta lahaayeen hadii nabadsugida norway ay masuuliyada kareebista diyaarada lahaydna iyaga lagu eedeeyo cunsuriyada ka timid shaqaalahooda laakiin waa fikir aad u liita in magac la iska badalo kumanaan ruux oo loogu yeero maxamed iyo axmed oo ah magacyada rasuulkeena scw ayaa dagan mareykan waxayna haystaan xoriyada dhoofka shaqada iyo qiime kasta oo leeyahay qofkasta oo nool waa inaan dareenaa in dhibaato guud ay jirto laakiin aan raadsanaa xaqeena had iyo jeer waad mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  4. abba says:

    wala cabdi waxn kugu la talaniyaa inaadan magacas kategi wayo berina waxa lagu dhaha islanimada ka tag hadii aad tahay qof iimankiisa dhiman yihiin katag laakiin hadii uu iimankagu dhan yahay ku adkeyso mida kale safarkaas waxa laga yaaba inuusan wax faaido kuu laheyn marka walal samir o o adkeyso walal wad og tahay in magacas iyo kan awowga ineey gaaladu neceb tahay keligana kuguma koobna

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. Ali-burao says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  6. hamsa says:

    a s c walaal magac waxba ma ahan e adiga unba dad ah cunsuri kugu aday wayo tusal ahan aniga passabor key ga waxa ku qoran maxamed ahmed shabaab magaca awow gey aya ah shaab mana badalin xata hadi alshabaab magaci xumeyen o lagu dare liska argagixisada marka walal 3 das magac miyey uga naceb badan yihin galada 3 dada magac ha katagin magaca abaha amasa awowga xata kaga wa iga wano teda kale somalida waxa ay tira wax ad sharey saneyso o qeyrka kugu jiro aya jiro waxa ayadana mac qul ah in lagu imtixanoyo in ad adi sabar ledahay iyo in kale marka walaal sabar magac hadi layira wa laga magac kulul yahay wana la wada wata wana lagu wada safra calamka o idil baryahan iskandanefi aya cunsuri nimada ku so badaney se wanadana qado allaha ka dhigo ki qato amiin asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. fatima says:

    maxaad la baxesaa adaad magacaada aga cararto in laguu garto islaam

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  8. fatima says:

    maxaad la baxesaa hadaad magacaada aga cararto in laguu garto islaam

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. galdile says:

    asckm w w bacdal salaan walal siirooyinka akhrista Asxaabta dhibkaan abdi sheeganaayo waa sahal iyo naruuro waayo asxaabta waxaa jiray ama ku dhacday qayb ka mida in la oron jiray diintiina ka baxa inta lasoo agdhigo digsi wayn oo daamur lagu karkariyey marka nin ka baxayna lama sheegin ama siirooyinku ma xusaan asxaabi diintiiisa uga baxay cabsi uu ka qabo dhimasho ama kadeed lagu sameeyey waad akhridaan siirooyinka , rasuulkeenii suubanaaa {csw} dadkii uu ka dhashay ee quraysheed dhibtay ku hayeeen iyo in uu uga haajiray maka oo dhan marka abdiyoow walal haka yeeelin galadaaasi waxay rabaan magacaaga u dayso mexico meel la tago ma ahan waa wadan qurun ah oo daroogada aduunka lagu kala iibsado mallintii ilaa 5 qof ayaa u dhimata arin daroogo ku salaysan walal :,,,,,,,,,,,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. dhalaankii axanka isku qoonsaday saw maahan sheekadu says:

    george bush la bax marka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. hibaaq says:

    asck walalo cabdi iskasamir khayr ayaad helaysa magacaagana walal habadalin ilaahay baa kuu hiilinaaya walaalo insha aalaah asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Samsam says:

    Waaba sheeko cusub.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0