Wiil Soomaali ah oo maalincad isku dayay in uu gabar kufsado

8

Dhacdadaan la yaabka leh ayaa bishii September waxay ka dhacday bartamaha magaalada Trollhättan ka dib markii wiil Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 21 sano jir uu isku dayay in uu gabar ku kufsado. Gabadha ayaa qaylo dhaan ku dhufatay, iyadoo durbadiiba ay ku soo yaaceen dad goobjoogayaal ah iyagoo u yimid ninkaan oo gabadha dusha ka saaran. Daqiiqado ka dib ayaa boolisku goobta yimadeen iyagoo xiray wiilka.

Ka dib wareysi lala yeeshay ayuu maxkamada ka hor sheegay in uu maqlayo codod, isagoo sheegay in cododkaas mid ka mid ah uu u sheegay in uu kufsado gabadha. Wargeyska TTELA ayaa qoray in ninkaan maalin ka hor laga soo daayay hospitaalka dad waalan isagoo aan wax daawo ah loo qorin.

Bishii hore ayaa ninkaan maxkamadi ku xukuntay in la baaro caafimaadkiisa isagoo hada ay dhaqaatiirtu sheegeen in uusan waalneyn, maxkamada ayaa ku xukuntahay 1 sano oo xabsi ah.

Wiilkaan oo la sheegay in uu wali uusan sharci ku lahayn Sweden, ayaa sidoo kale la sheegay in uu galay dambiyo kale oo ay ka midyihiin dagaal iyo hanjabaado.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here