Wiil soomaali ah oo maalintii ciida lugu dhaawacay Göteborg

6

Maalintii isniinta ee aynu soo aheydna maalin ciid ah, ayaa waxaa dhaawac loogu geeystay  wiil soomaali xaafadda Lövgärdet ee Göteborg. Wiilkan oo da’diisu tahay labaatan jir, ayaa xabad lugu dhiftay gelinkii dambe ee maalintii isniintii. Xaaladda wiilkan ayaa halis ah waloow uusan aheyn mid laga deeyrinayo.

Stefan Gustafsson, oo ah afhayeenka booliska ee Göteborg, ayaa sheegay in baaritaankii ay sameeyeen aan lalal xirririn karin kooxaha hubeeysan ee Göteborg iska soo horjeeda. Wuxuu sheegay in dhac dhacdaadan tahay mid si shaqsi ah ugu dhacday ee aan ku lug laheyn kooxaha hubeeysan. Ugu dambeyntii booliska ayaa ku raad jooga ciddii falkaas ka dambeeysay, mana jirto cid loo soo qabtay. Göteborg ayaa la ciireysa dhibaatooyinka ay geeysanayaan kooxaha hubeeysan ee ay diriritu ka dhaxeeyso.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here