Wiilasha soo galootiga iyo kacsiga xagaaga

14

Waxaa Jira dood weyn oo ka aloosan Sweden taasoo ku saabsan ku xad gudubka taataabashada jirka gabdha ( Sexuella ofredande) xiliyada bandhig faneedyada waaweyn lagu qabto banaanka.

Arintan ayaa waxaa aad loola xariirinayaa qaxootiga sagoolig ah ee ku soo btay wadamada yurub qaasatan Sweden. Waxaa dhacday in joornaalo badan iyo xisbig cunsuriga ah in ay arintan uga faa’ideysteen siyaasadooda ajnabi naceybka ah.

Xafladihii sanadka cusub ee labadii sano ee la soo dhaafay 2015 iyo 2016 waxaa wadamada Yurub ka dhacay diiwaan galin badan oo la xidhiidht dacwada laga gudbiyey dhallinyaro rag ah oo gabdho kula dhaqmay taataabasho aysan raali ka ahayn “sexuella ofredande”

dhacdada noocaan ah ayaa ka dhacday Sweden xagaagii la so dhaafay, xaflada dhallinyarada ee loo yaqaano “we are Stckhlm” oo ah xaflad dhallinyaro oo dhamaadka xagaay kasta lagu qabto Stockholm ayaa waxaa Police.ka dacwad u gudbiyey gabdho badan iyagoo ka ashtakoonaya wiilal ku dhex taatabtay xaflada dhexdeeda.

Warbixin ay soo saartay hay’ada ka hortaga fal-dembiyeedyada ee BRÃ… ayaa lagu sheegay in dacwadihii police-ka loo gudbiyey sanadkii 2014 ay gaaryaan 9000 oo dacwad halka sandkii tagay 2015 ay gaarayaan 7600 dacwad.

Sanadkan ayaa sidoo kale kale waxaa jira dacwado badan oo arinkan la xidhiidha iyadoo lagu guda jiro xiligii xagaayga oo ah xili int badan wadankan lag dhigo bandhig faneedyo waaweyn oo banaanka la isugu soo baxo.

Ururada qaar iyo police wadankan ayaa sheegay inay ka wada shaqeynayan sidii loo sameyn lahaa goob gooni u xiran oo gabdhaha u qaas ah xiliyada ay socdaan bandhig fanneedyada waaweyn si bay yirahdeen loo yareeyo fal dembiyeedkan ka dhanka ah gabdhaha.

Hadaba hadii aad tahay qof dhllinyaro ah oo ku cusub wadankan Sweden ama aad garanayso qof dhallinyaro ah oo wadankan ku cusub fadlan u sheeg qatarta ay leedahay arintan iyo in ay dhallinyaro ka fogaato wax walba oo keeni kara xataa in police-kaaga kaaga shakiyaan ku lug lahaanshaha fal dembiyeed noocaan ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here