Wiilashaan maxkamada Sweden ayaa ku xukuntay xabsi daa’in

Labadaan wiil ee Soomaalida ah ayaa shalay waxaa maxkamada Göteborg waxay ku xukuntahay xabsi daa’in ka dib markii lagu helay dambi ay galeen. Wiilashaan oo lagu kala magacaabo Adam Abdulahi, 28 sano jir, iyo Ahmed Warsame, 25 sano jir ayaa waxay weerar ku qaadeen baar ciyaaro lagu daawanayahay oo ku yaala xaafada Hisingen ee magaalada Göteborg iyagoo halkaasi ku furay rasaas ay ku geeriyoodeen labo qof.

Maxkamada ayaa guud ahaan dambi ku heshay sideed dhalinyaro ah oo inta kale lagu xukumay xabsi u dhexeeya 10 ilaa 14 sano. Labada wiil ee xabsi daa’inka lagu xukumay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa iyagu xabada furay balse kuwa kale ay ka qeyb qaateen qaban-qaabada weerarka. Dhalinyarada kale ee xabsiga lagu xukumay ayaa sadex ay yihiin Soomaali.

Qareenka u doodaya wiilashaan ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka xaakimka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. siraad says:

    Asc walaalken ilmahan wiilka ma mid ah waxa lugu xukumaay 7 sano ee si fiican u aqri meshaad kaso xigataay waraan. Waxan waliidka sonaaliyed Allah uga tugaa ilmaha unu no wAda hadeeyo .iyag

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. luul says:

    asc
    walee waa arin dhibkeeda leh oo culeys weyn ku heysa waalidiinta soomaaliyeed hadii eysan ilmahaagi ku dhageysaneynin ee naftooda bohol ku tuurayaan adigana aad walwaleysid ilaahow noo maciin dhib ayaan ka nimid dhibkalena waa u nimid

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. Bile says:

    Wlhi wa Yaab aniga ilmaha lama yabani ee wxn la yabanahay walidiinta somalida wa yaqanan si ilmo lo dhalo Oo wxy jecel yihiin u siyan lkn ma yaqanan sida ilma lola sxbo Oo ay u ogadan wxy danenayan Maba lagu mash qulo ilmaha markii u dhib galo wa iska cabadayan

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 6

  4. olsson says:

    Asc? dhamaan salaan kabacdi waxan leyahay somaliyeey dhibka iska daaya.

    Hadii aad dhibka iska deey weysaan waa Lagu soo duraa adiga oo faraxsan ayaa

    lagu soo daynaa.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. Mamma says:

    Asc walaalayaal ilmahan dhibka mawadagalin intoodabadan eewaxaan waa kaaxoogbadni. Ee soomaaliye ismaqal. Intee aduunka laguarkay qof laleeyahay 14 sanoo xariga kaliya dilbaad caawisay. Ama xabsidaain waxbaaddishay. Teedakale waa qofkii ugu horeeyey ee intalaxasuusanyahay taariikhda Sweden xabsidaa,in lagurido. Waayo waa Soomaali looma ooyaan aan ayadana israbin. Sababtoo ah maalinkasta dadbaaladilaa Göteborg. Cidkaloo wali looxirey ama loomaxkamadeeyey horey uma arag. Ninka laleeyahay weeydileen asgaba intee buu wiilsoomaaliya diley xitaaqaarkood buu meydahaan ugatagay, laakiin codna maqabsan oo waakaas friga ahaa ilaa uukadhinto.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. mohamed Nuur says:

    Wilal kaligood imaadeen ayaa jiran o wax waalidah an ujoogin sweden balse uma baxno qof laabatan jir ah waalid uma bahno waxa loobahan yahy in u asiga kafikiro mustaqbalkiisa.waa arin aad u foolxun arintan okale.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Faarax says:

    Calaamadaha lagu garto in uu cunuga wado qalad kusocdo ayaa idiin shegayaa. Marka hore wuxuu saxib lanoqonayaa dhalinyaro xun xun, kadibna waxaa ku xigta inuu xashiishada cabo, waxaa kusii xigta inuu kaganacsado xashiishada, kadibna inuu daroogada kasii waaweyn iibinteyda usii gudbo. Waxeyna arinta kusoo dhamaneysaa in uu isaga qofkale dilo mise isaga ladilo. Marka Walidiinta waxaan kula talinlahaa sheekada inta eey bilaaw tahay wax kaqabta oo ka ilaaliya caruurta ineey lasaxibaan caruurta kale xun xun.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. Sahra says:

    Ragani waa rag waween maha caruur

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0