Wiilka Raysal wasaaraha Sweden oo shaqo ka bilaabay McDonald’s

Wiilka uu dhalay Raysal wasaaraha Sweden oo lagu magacaabo Gustaf Reinfeldt ayaa ka mid noqonaya shaqaalaha maqaaxiyada haambeegarka ee McDonald’s Stockholm. Wiilkaan oo ah kan ugu weyn caruurta raysal wasaaraha ayaa ka mid noqonaya shaqaalaha McDonald’s ee cuntada bixinaya.

Maqaaxiyada McDonald’s ayaa markii wax laga waydiiyay faahfaahin ku saabsan shaqada wiilkaan uu dhalay ninka kala wada Sweden waxa ay ku jawaabeen “Macne ma leh cida aad tahay ama waxa laguugu yeero balse wiilkaan waxa uu ka midyahay shaqaalaha maqaaxida”.

Afrikana waxaa lagu waardiyeeyaa tignigo halkaana maqaaxiyaha ayay ka shaqeeyaan. Bal isbarbar dhiga farqiga.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. Somali says:

    Waxa ay mujineesaa sida labada shaqsi ay ukala duwanyihiin. waxaan kawada haduu aabihiis yahay reesul wasaare aabihii kama dhigin ee wa uu shaqeestay wiilkane sidookale inuu shaqeesto ayuu rabaa halka afrika odaga marka uu meesha katagaayo wiilkiisa booska qasab kugaliya.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 2

  2. ifraax ladan says:

    asc waan idin salamay somaliska aad ayaan umahadsantihiin wiilkaan mc donalds inuu ka shaqeeyo waa iska caadi isla ra isul wasaaraha ayaa gurigiisa hufareeyo oo tirtiro marka dadkaan sinaanta ayay heerkaan ku gaareen iyo qofna inuu san qofna kasareen maanta yaa arko kuwa barlemanka somaliya isku sheegayo ilmahooda sidey yihiin oo iskula wayn yihiin ayagoo wax aheen marka somaliska hemsida waad ku mahadsantihiin inaad dadka somaliyeed oo aqoon darada dishay wax kasta oo muhiima usoo bandhigtaan siday aduunka ula qoob qadan ninka somaligaa xoogaa yar haduu lacag isku arko dadka ayuu adoon sadaa bisinka alle ayaan ka magan galnay

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 4

  3. Abdinaasir says:

    Waa wax lala yaabo. Somali hadan nahay waxan dhahnaa wilkeyga miyaa ka shaqeynayo maqayad., Anigoo ah Wasiir ama Suldaan.
    Waxaan qayasi karaa in ay jiraan dad badan oo la yaban dhahayo Sharafta ayuu ugu cayaaray abihisa. Lakin wilkas yar abihis waxuu tusay in uu so dhacsan karo nolol malmeedkiisa. Aad ayana ugu farxay. Waxan rajeynaa kuwa niyada ku hayo in ay abahood kala wareegan xilka. Ha iska iloobab ee wax ha qabsadaan.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  4. faa,id says:

    Waa iskia caadi waxaani naf maleh.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  5. aabbe says:

    lama yaabani waa nooc ka mida ganacsiga waxaana ka dambeeya shirkadda macdonald ujeedadoodana waxaa waaye in ay soo jiitaan macaamiil fara badan waxaana dhici karta iney ku bixiyeen lacag faro badan, raiisal wasaaraha wiilkiisa ayaa shaah iibinaayo iyo rooti logic ma aha, laakiin wax kale ayaa qarsoon, dhinaca amaanka waa macquul iney africa looga horeeyo.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  6. cabdiasiis says:

    walal waxaas waa ceeb ayaan ucarkaa anigaa waayoo raysal wasari oo dhaan wilkesa oo kasheqeynaayo muqayaad waa ceeb anigaba waxan nejaab naga ridey shaqa laantaa wadaankaa taala camal miyaa lagaawadaa tas taas ayan ucarkaa nigaa birsanaal ahaanteey

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  7. Ahmed says:

    Waxa halkaan na dhigay waa (ceeb) maxaa ceeb ah ? wiilkaan aabihiis hadduu raísal wasaare yahay uusan u baahneyn inuu aabihiis ku hoos noolaado, oo uu rabo inuu shaqeysto oo wax qabsado waa wax fiican oo ku dayasho leh. Marka dadkeena hadey sidaan u dhaqmaan wax weyn ayaa is badali lahaa. Dalkeena hadduu qof raísal wasaare noqdo qaraabadiisa kore xitaa iney shaqeystaan lagama yaabo.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  8. wasaaye says:

    sxb arintaan waxaan leeyahey waa arin horumar ah marka laga eego shaqada uu hayo wiilkaasi waayo waxaa jira soomali badan oo kafaana shaqooyinka qaar sida shaqadaasoo kale marka waxaan leeyahey somaliyey wax kuqaata arintaan hadaa tihiin madax iyo majoba insha,alah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  9. Abshir says:

    Walaalaha waan idin wada salaamay, Run ahaantii Waxaan u maleynayaa in aan idinka fikir duwanahay, Wadanka aan ku nool nahay waxaa lagu dhaqmaa hab siyaasad iyo hab is xigsi ah, shaqooyinka waxa lagu helo badanaaba waa labadaas, Runtii Aniga uma arko mana aha wiilka inuu rabo inuu shaqeysto ee waxaa ka dambeysa siyaasad ah bal fiiriya wiilkeyga ayaa ka shaqeynaaya MC donald, MC dolnald waad ogtihiin waa meelaha ay badanaaba leysku xirin wax xirfad ah, marka waxaan iska dhaadhicinaa wiilkaan mustaqbalkiisa wuxuu rabaa inuu shaqeysto oo uu ka shaqeeyo Maqaayad, waxaasi waa riyo wayna iskala weyn yihiin Qaasatan dadka ka tirsan xisbiga wadanka haya, Ma idinla tahay raiseylwqasaaraha inuu wiilkiisa ku aaminaayo waardiye la,aan maqaayad ? wax dhici karo ma aha,Caruurtooda waxa ay wax ka bartaan jaamacadaha dibeda oo ugu qaalisan, Marka walaalayaal waxna yaynaan iska dhaadhicinin, waxyaabaha aan wada qornay, waad og tihiin shaqooyinka waxaa leysku geeyaa is garad ama garabeeshin, laakiin xafiiska shaqada shaqo lagama helo. Hadii aan idinka qaldamay iga raali ahaada. waadna mahadsan Tihiin.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  10. sihaam says:

    wlh waa arin layb leh faryaana u dhao afrika iyo halkaan lkn waxaan raeeynyaa in eey afrikaa isla weeyninta iska dayaan oo dandooda gartaan waa laka fiicanyahay in eey dhahaan ania resal wasaare aa i dhalay ee sideeba dhulka u soconayaa marka waan ku faraxsanahay reesal wasaarha swedhan in uu dadka siku mit ka dhiko

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  11. Hassan says:

    Salaama calykum marka hore dhamaantiin marka xiga ramadaan kariim intaa ka dib hadaan ka dhiibto fikradayda arintan waxaan u arkaa inuu inankan yari doonayo oo kaliya in uu yeesho magac ka aabihii oo kale ah ee umuu tagin meesha inuu ka shaqaysto waayo sidaan filayo lacag haduu u baahdo wuu helayaa waa siday aniga ila tahay salama calakum.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. caaqil says:

    Ramadaan kariim shaqa waa raganimo ninkii qadanaya ceyr ayaa dhibqaba marka waxdhib ah malaha ninkaan in ow ka shqeeyo maqaxi mideda kale Africa waxa keenaya in wilasha ay dhaleen madaxweynayaasha in lagu wardiyeeyo DHashiikayaal iyo qorifarabadan cidlaxisaabtanta ayana jirin sidaa tarteen ayaa u sahleysa in lagu wardiyeeyo tigniko laakin meshan Ra isul wasaaraha xitaa ayaa wixii ow qabanayo sanadka dhan looxisaabiyay sidaa ayaa keeneysa ninkaan in ow ka sheqeeya maqaaxi

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. Kaze says:

    kkkkk Waxaan xasuustay xigmadii soomali yeed oo ahayd (Dibiga gawrac wayshu ahaku quusqaadatee)

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. Daacad says:

    Asc walaalayaa bacda salaan. Aniga waxaan u,arkaa in wiilkaan uu ka shaqeysto maqaayad waa arin aad ufiican oo markaad fiirisana kutusineysa cadaalad.Waan aragnaa anaga maanta meesha aan taagan nahay waxaa nakeenay cadaalad daro
    hadii aan dowlad cadaalad wax ku maamusha qabi laheyn maba noqon laheyn qaxooti.
    marka cadaalad iilaahey hainoo keenoo.
    Aamiin aamiin aamiin.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  15. DEEQO says:

    WAAN LA YAABANAHAY ANIGA WAAYO ANOO SOOMAALIYA HADEEYSAN DURUUF II GEENIN SHAQOOYINKAASOO KALE WAAN NECBAHAY DAD BADANA WEY ILA QABAAN DABCAN WAXAAN ISKA BARTAA SI AAN HADHOW UGA SHAQEYSTO SHAQO SHARAF LAAKIIN WAXAA DHICI KARTA WIILKAAN INUU LACAG U BAAHDEY INTA WAXBARASHOOYINKA XIRAN YIHIIN OO FASAXYADA LAGU JIRO SIDAAN OGNAHAY CIDAAN QOF WALBA WIXIISA ASAA ISKA LEH WAXBA ISMA SIIYAAN SIDA SOOMAALIDOO KALE HADUU AABIHIIS LACAG LEEYAHAY OO UU MADAX YAHAY WAXA DHICI KARTA WIILKA INUU SHIID YAHAY

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0