Wiilkaan waxaa lagu haystaa da’diisa oo Sweden waa laga musaafurinayaa

Wiilka lagu magacaabo  Sharmaki Abubakar oo aan sanadkii hore soo qornay in laga musaafurinayo Sweden ayay xitaa maxkamada sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) diidmo siisay. ka dib markii ay Laanta Socdaalku (Migrationsverket) sheegtay in uusan 15 sano jir ahayn balse uu 21 jir yahay. Wiilkaan ayaa loo celinayaa Talyaaniga oo faro ka soo qaaday, sida uu qoray SVT.

Balse mid ka mid ah dhaqaatiirta baaritaanka ku samaysay wiilkaan oo lagu magacaabo Barbro Westerberg ayaa sheegtay in aysan macquul ahayn in wiilkaan uu 21-sano jiro isla markaana qiyaasteeda ay tahay in uu 15 ama 16-sano jir yahay oo uusan wali qaarngaar ahayn. Haweeneyda lagu magacaabo Erika Johannesson oo ahayd masuulka wiilkaan ayaa sanadkii hore laga wareejiyay masuuliyadaas ka dib markii Migrationsverket ay go’aamiyeen in uu wiilkaan yahay qaangaar aan u baahnayn masuul.

Balse Erika Johannesson oo wali caawimaad siisa Sharmake ayaa ku doodaysa in haddii Sharmarke lagu celiyo Talyaaniga uu ka midnoqonayo ciyaalka dariiqada ku nool isla markaana uusan awoodin in uu isdabaro. Markii go’aanka ay ka gaareen Migrationsverket ayaa Sharmake laga saaray gurigii uu deganaa ee dhalinyarada lagu hayo. Ka dib ayaa la geeyay guri ku meel gaar ah oo dadka waaweyn ku noolyahay balse halkaasi ayuu la qabsan waayay.

Sharmake oo hadda ku nool degmada Mellerud ayaa dhigta fasalka 8-aad ee dugsiga lagu diyaariyo caruurta qaxootiga ah, iyadoo ay iska muuqato in uusan ahayn nin 21-sano jir ah balse Migrationsverket iyo maxkamada sare ee Socdaalka ayaa sheegay in aysan kiiskiisa dib u eegeyn maadaama uu sharci ku leeyahay Talyaaniga isla markaana ay horey u qiimeeyeen da’diisa. Markii uu soo galay Talyaaniga ayaa Sharmake waxay u qoreen in uu dashay 1995 taasoo keentay in diidmo laga siiyo Sweden. Inkastoo sadex dhaqtar ay cadeeyeen in uu wali yahay caruur.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. cadnan says:

    Illahey hau cabidiyo galada illahey kagasoqadikaro sharci iyo sidad jeceshahay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. Ahmed bali says:

    anaa aqaan wiilkan waa wiil aad u yar sharmaarke

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  3. Ibrahim says:

    Asa somalida dhaman weybkan kuxiran.walaalayaal arin igu dhacday ayan aad oga murugsanahay. Ilataliya hadaad wax igu dhaantaan waxan ahay walalkiin. Arinta igu dhacday waa noocaan. Waxan wadanka sogalay bilowgi 2015 waxan kamid ahay dadka qaxotiga kenya laga soqaaday.markaan wadanka laba bilood joogay ayan onlinka dacwad uga xareeyay xaaskayga iyo wilkayga yar. Intaa kadib interview iyo dna ayaga way mareen anigana waan maray.shalay ayay jawaab diidmo ah isodhacday. Waxay igu dhaheen dna wa sax cunuga labadiina ayaa dhasheen. Lakiin marki mudnaan aad uheshay in wadankaan lagu soqaado maxaad reerkada usheegan weysay maxaad beenta unhcr iyo migrationka ogu sheegtay .walaalayaal shaqsigi wax igu dhaamo haila taliya. Ma,aqaano waxan sameeyo Waxadna igala soxariiraysan 0764473422 waad mahafsantihiin dhaman.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  4. Quman says:

    Ilaahoow ucabiidi ugana soo qaad

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. ifka says:

    to Ibrahim walalo waa ruuntod ee maxaad markii hore aad joogtay kenya u sheegi waayday reerkaga waayo sweden beenta ma jecla hadana waxad leedahay rabiigaga

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  6. saleh ahmed says:

    😦😦😦😦😦😦

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Ibrahim says:

    Waad mahadsantahay ifka sidan miyan oga haraa maxa sameeyaa hada haila taliya ninki wax igu dhaamo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Abduljabber says:

    ibraahim u sheeg sxb inaad cabsi qabtay cml. oo inaad dhoofka ka harto haddii aad reerkaaga sheegato. sxb lana xiriir Röda-kors-ka(laanqeybta cas). ayaga ayaa laga yaba iney kaa cawiyaa. sidoo kale qofka kuu ah gacan yaraha ka codso inuu ku caawiyo oo uu kula hadlo qofka kiiskaaga gacanta ku haayo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Ibrahim says:

    Mahadsanid abduljabber. Xageen kalaxariiri karaa laanqeyrta cas saxb maiso wici kartaa siaad faalo dheer kaga helo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. ismaqiiq says:

    ASC ibraahim marka hore waan ku salamay bacda slaan markaan rayigayga cabiray sidaad ay ku soo qortay laanta socdalka waa runtood balse waxaad qoran kartaa codsi aad ku cadaynayso inay beentan aad sheegtay ay daruufi kugu kaliftay illahayna talada saarso haday uqorantahay inay kula midobaan qarabadada waay ku imaan si sahlan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. Ibrahim says:

    Ws ismaqiiq waad kumahadsantahay talada wanaagsan aad isiisay.hadan qorto codsi o aan ugudbiyo qayaas ahaan waqti intee dhan ayay qaadataa in jawaab labaad laguhelo. iiga jawaab walal siday kulatahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0