Xaalada amaanka Malmö oo sii xumaatay

Xaalada amaanka magaalada Malmö ayaa bilihii la soo dhaafay aad u soo xumaatay iyadoo ay ka dheceen dilal is daba joog ah. Xalay ayaa waxaa wiil labaatan jir ah lagu dilay maqaaxi ku taala magaalada. Wasiirka arimaha gudaha Sweden oo maanta booqanaya magaalada Malmö ayaa sheegay in loo baahanyahay in la sameeyo sharciyo adag oo lagula dagaalamo kooxaha amaan darada ka wada magaalada.

“Waa in aan samaynaa sharciyo adag oo si xoog leh loo dhaqan galin karo, tirada ciidanka booliska waa in la badiyaa si loo xaqiijiyo in gaangiistaradaan xabsiga la soo dhigo” ayuu yiri Anders Ygeman, wasiirka arimaha dibada Sweden.

Taliyaha ciidanka booliska Malmö ayaa wareysi ku sheegay in uu ka cabsi qabo in ay siyaado dagaalka u dhexeeya gaangiistarada ka shaqeeya Malmö. Isagoo intaasi ku daray in xaalad midaam la mid ah ay horey u soo arkeen oo ay aad uga walwalsan yihiin soo noqoshada amaan darada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

1 Response

  1. JAAMAC says:

    Waligay waxa maqli jiray qofkan waa caajis ☺️ Lakin waxaaba arkaa web caajis ah waana webkan hal maalin ayaa news soo galinaysiin bil buu hurdayaa qofka soo galiyay hadana hal news uu soo galinaa bil kale uu hurdaa kkk war web Ka iska xir

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *