Xaalada dilalka Malmö oo faraha ka sii baxaysa

5

Magaalada Malmö ayaa mugdi sii galeysa ka dib markii dilal isdaba joog ah ay ka socdeen bilihii la soo dhaafay. Hal bil gudaheed ayaa waxaa lagu dilay magaalada 5 qof oo kii ugu dambeeyay uu ahaa nin 40 jir ah oo shalay wada cad lagu dilay.

Isbuucii la soo dhaafay ayaa sidoo kale lagu dilay wiil 15 sano jir ah oo madaxa laga toogtay. Booliska ayaa arintaan ku eedeynaya in magaalada ay ku soo siyaaday ka ganacsiga hubka sharci darada ah kuwaasoo gacanta u galay gaangiistarada ka jira magaalada.

Sababta lagu dilay wiilka 15 sano jirka ah ayaan ilaa hada cadeyn iyadoo la sheegay in uu ka mid ahaa caruurta caadiga ah oo uusan wax dhibaato ah geysan. Ninka shalay lagu dilay ayaa sidoo kale boolisku sheegeen in uusan diiwaanka jirin.

Booliska ayaa hada walwal ka muujiyay xaalada iyaga oo caawimaad ka dalbaday booliska qaranka isla markaana sheegay in ay siyaadinayaan baaritaanada magaalada.

Bilowgii hore waxay u badnaayeen dadka gaangiistarada waxa isdilayay balse hada ayaa muuqata xitaa shacabku in ay bartilmaameedyihiin.

Guud ahaan magaalada Malmö oo ay aad ugu badanyihiin soo galootiga ayaa lagu yaqaan meel amaan daro ay ka jirto iyo qalalaase kale. Sanadkii 2010 ayay ahayd markii nin cunsuri ah uu dad badan oo soo galooti ah ugaarsi ku dilay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here