Xaflad loo dhigay barnaamijka Somali Idol oo ka dhacday Västerås

Magaalada Västerås ee dalka Sweden waxaa ka dhacday xaflad qurux badan oo aad loo soo agaasimay laguna daahfurayey Ururka Horumarinta Dhaqanka, Suugaanta iyo Saxaafadda Soomaaliyeed, waxaana ujeedada ururkaasi loo aas aasay ugu weynaa in lagu dhiiragaliyo kobcinta barnaamijka heesaha hirgalay ”Somali Idol ” oo dhawaan laga anbaqaadi doono Europé dacalladeeda.

Waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha ururka ( fardowsa Sh xasan Kuriya ), Abwaan Mustafe sh. Cilmi, Mudane C/raxmaan Diinaari, C/salaan Axmed Jimcaale, C/qaadir Walaayo, Bashiir Cali Xuseen, Abwaan C/llaahi Bashiir Nuur, C/llaahii Iimaan, guddoomiyaha jaaliyadda katarinholm iyo qaar kale oo ururka ka mid ah.

Waxaa haalkaasi heeso cajiib ah ka qaaday fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Xabiib Sharaabi, Bashiir cali xuseen Feysal C/raxmaan C/casiiss iyo Maxamed yare iyo weliba DJ, Bashiir Maxamed Cusmaan (Bashka ) sidoo kale waxaa halkaasi ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ku soo bandhigay kooxda Banadir Midnimo ee magaalada Goteberg..

Somali Idol, wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa kor u qaadidda iyo soo nooleynta afka hooyo, waxaana loogu baaqayaa dhamaan rag iyo dumarba gaar ahaan dhallinyarada in ay kasoo wada qeybgalaan tartanka ama baratanka heesaha hirgalay ( Somali Idol ) oo ka billaaban doono dalka sweden magaala madaxdiisa Stockholm.

Barnaamijkan oo wada gaari doona yurub daafaheeda, waxaa lagu soo gebe gebeyn doonaa geeska afrika gaar ahaan dalka jabuuti oo tartanka kama dambeysta ah lagu qaban doono hadduu eebbe yiraa.

Ugu dambeystii qof walba oo daneynaya ama xiiseynaya in uu ka qeybgalo barnaamijkan Somali Idol Europé 2012 waxa uu araajiyadiisa ku soo hagaajin karaa emailkan hoos kaaga muuqda
somali-idol@hotmail.com.

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. Axyaa Wadani says:

    Allaah, Haöaga Baqo Dadoow ,…,. qof walba jidka uu falo ee gadaashii la qaado camalkeeda ayuu leeya —- qofkii wanaag fala ee looga daysadana ajirkeeda Alle waa siinaa ,

    qofkii Macsi iyo fasahaad Ummada kusoo kordhiyana isna sidoo kale Danbigeeda ayuu leeya , xitaa isagoo qabrigiisa ku jira hadoow dhinto.

    Allaah …Allaah–Allaah , Alloow Awlaadeena ka yeel , kuwa Khayrka iyo Diinta ku Tarbiyooba ,

    Codkoodana ugu luuqeeya Quraanka –

    Miyaysan dadkaan Ogayn ineey jiraan Milyan dhalinyaro ah oo aanba Hadli karin ineey Heesaan iska daaye , maxaa adinka Codkiinaa Alle idin siiyay Macsi Ugu qaylinaysaan.

    Idol- waa qayb ka mida Camaadaha Qiyaamo , Maxaa yeelay –

    Rasuulka Naxariis dushiisa ha ahaatee , wuxuu yiri , Calaamadaha waxaa ka mida Marka Dumarku Heesayaal noqdaan oo batan dumar HEESA –

    Miyaanan maanta arag midaa , haddaba IDOL-ka waxaa lagu soo saaraa waa DHALINYARO WIILAL iyo gabdho ah oo HEESA.

    Dardaarankaygu waa Allaah Hala baqo, Qabrigana Yaan la Hilmaamin-

    Fikrad lala dhacay Thumb up 21 Thumb down 1

  2. Hamdi says:

    Asalaamu caleykum walaalaheyga qaaliga ohoow waan idin salaamayaa salaan kadib walaalayaal aaan Allah oo yaanan la ilaabin in la dhimanaayo oo aduunyadan laga tagaayo meeshii aad qeyr na fari laheydeen hadaad shar inoo horseedaan waa dhibaato.ula dardaarmayaa in Allaah laga baqo oo aanan la ilaabin geerida iyo xanuunkeeda qof waliba waxaa sugaayo gudkii cidlada aey oo aaney jirin cid wehel kuu noqoneyso Calkaada mooyaane.Ninwalboow dhimo adaa wax arki doontide nin walboow dhimo adaa wax arki doontide

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  3. qeer jecel says:

    A,S,C waxan salaamayaa dhamaan inta webkaan ku tixan. Waxana leeyahay walaalayaal Hailaabine in aay xisaabo jirto oo aduunyadaan laga tagayo. War ha hilmaamine geeri iyo xisaab ayaa ina sugeysee. Maxaa qeyrka isku fari la,nahay oo sharta inoo fududeeyay. Mar waliba waxa dhacaya waan maqalnaaye maxaa dhagaha daarka loo gashaday. Walaalayaal wax badan ayaa ina sugaya e qof walboow ha dhayalsan. Ugudambeystii waxan idinleeyahay Allaaah aan ka baqno oo yaanan la ilaabin maalinta AKhIRO.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  4. Cabdi says:

    Maashaa Allaah wax fiican ayaad soo qorteen ra,yigiina aan ku daro gaaladu waa ay ka helaan oo qandaraas ayey ku bixiyaan wixii umadda lagu fasahadinayo waxaanse Alle ka baryeynaa inuu na hanuuniyo oo aan towbad keeno towbaduna waa u furan tahay qofkastaba oo danbi badan iyo mid weynba galey, Allaahuma ikhfirlii waliwaalidaya iyo dhamaan muslimiinta oo dhan.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. Lil messi. says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 3 Thumb down 12

    • Abdullah says:

      ASC WALAAL MARKA HORE,adiga oon xanaaqin ma ogtahay in waalidkaa ku siiyeen magac wanaagsan,maxaa kuu diiday inaad isticmasho magacaagii runta ahaa?ogow in la barto waxaan islaamka diidayn qofku waa baran karaa,laakiin maanta oo dunidii u jihaysatay waxbarsho qofka leh heesaa hirgalay ayaan qabanqaabin waa la yaab!dhalinyaradda ha laga caawiyo waxay kula tartamaan dadka halkan yimid iyo kwa kaleba,Ugu dambeyn qof walba qofka uu jecelyahay ayuu aakhiro saaxiib la noqon ee ha jeclaan MESSI IYO WAXII LA MID AH.

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. cigal says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 8

  7. Abdullah says:

    ASC dhamaantiin,walaalayaal Ilaah aan ka baqno oo aan garano waxa dunida aan u joogno,Tan xigta dhalinyarada ha ku tartamaan wax aqoontooda kordhinaya , sida barnaamijkii kedis ee Soomaliya ka jiray berrisamaadkii.TAA HADDII LA SAMEEYO KOR AYEY U KACAYSAA AQOONTA DHALINYARADA,Ee maaha in la yiraahdo heesaa hirgalay iyo maanta oo aqoon lagu tartamayo oo meeshii shaqo loo raadsaba lagu leeyahay maxaad taqaan?maxaad soo baratay?khibrad intee ah ayaad leedahay? oo mujtamaca aan la noolnahay waxa uu noo heystaa inaan nahay dadka ugu liita dhan kasta.Nagaag ayaa maalin i weydiisay suaal aan ka jawaabi waayey!oo ahayd soomaalida maxay u baran waayeen luqadda wadankan?maxay sannado badan ugu lumiyaan barashadeeda?Aamusnaan dheer ayaan ugu jawaabay naagtii soomaalida oo dhan ha dhihin,aniga lix bilood ayaan ku dhameeyay sfi ,waan ogahay naagtu inay run sheegayso laakiin waa iska riix arrinkaygu.Marka aqoonta halagu dedaalo diin iyo aduunba.Dadka magacyada gaalada ku dhiibta fikirkooda waxaan dhihi lahaa magaciina haddii aydan isticmaalayn oo aadan ku qanacsaneyn ,isticmaal mid muslin halkii aad isticmaali lahayd mid kale sida walaalkey labaxay lil messi.Halayska ilaaliyo jaceylka loo hayo qofka aan muslinka ahayn oo magciisa la jeclaado,

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. cigal says:

    asc wr wb waxaan ku soo laabtay dooda meeshaan ka socota mar labaad laakiin si gaar ah waxaan ula hadlayaa dadka marka ey qurbaha yimadan ee dhowr eyerey oo afka kale ah soo dhigo isu qaata in ey cilmi soo dhameyeen, walaal waa ognahay in diintu tahay qodobka kowaad ee adunka iyo akhiraba, laakiin dadku in ey afkooda ku hadlaan ama ey faraxadooda ku soo badan dhigaan ama sugaan ku curuyaan diintu ma xayin sidaa daryeed afka hooyo kuwa isku howlay in la baro carurta ama sugaanta burburtay in ey wax qabtaan waxaan leeyahay hanbalyo, sidoo kale waxaan ka codsanaya dadka ku faanaya af afka kale in ey soo barteen oo ii ey u dhasheen hoos u dhiya in ka xishoodan arrintaa, waxaanu akarnay dad waaweyn oo markii ey qurbaha 2 sano joogen ku oranay afkii somaliga ayaan ilaaway ama ku hadli karo, arrintaa waxaa sababay labo arrimood 1 in aqoon xumo heyso iyo in ey isku qaateen wax eyan ahay, waayo afkii hooyada kugu soo korisay haddi aad 2-4 ku ilowdo dee maxkaxin ayaad u jirantahay sidoo kale haddi aad afkale ku fanto dee aqoon daro ayaa ku heysa oo waxaad garan ladahy qeymaha afkaagu leehay. marka inta samaha jecel ha nooladen

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  9. mursal says:

    waxaan jeclaan lahaa aniigo ka qayb galaa soomaali Idol iyo niikodedii caanka aheeyd Woooow alt är somaliska välkommen på niiko,………………………………dhamaan waxaan ogeysiinaya dhalinyarada jecel niikada iney ku biraan Bästa niiko Somaliska

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1