Xagee marayaa mooshinka ku saabsan in Soomaalida lagu siiyo baasaboorka 5 sano?

Sidii aan soo qornay bishii hore, markii aan wareysi la yeelanahay Xildhibaan Mubarak Abdirahman oo ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Malmö, waxaa uu diyaariyay mooshin ku saabsan in baasaborka Soomaalida lagu siiyo 5 sano. Iyadoo xiligaas ay mooshinka ansixiyeen xisbiga Socialdemokraterna (S) ee Malmo.

Dadka soogalootiga ah ee ku dhaqan dalkan Iswiidhan badankood, waxa ay dhalashada iswiidhan ku qaatan muddo shan sano ah. Balse dadka soomaalida ah, ayaan loo ogolayn in ay muddo intaa la’eg ku qaataan. Waxaana sabab looga dhigaa, iyaga oo aanan haysan aqoonsiyo ay dowladda Iswiidhan aqoonsan tahay, isla markaana aayan jirin si kale oo ay isku cadeyn karaan. Waxa uu qofka soomaaliga ah dalban karaa dhalashada marka uu joogo dalka muddo siddeed sano ah. Tani waxa ay ka dhigan tahay soocid iyo takoor u gaar ah soomaalida.

Waxaana dhibkan la wadaaga oo keliya dadka ka yimid dalka Afgaanistaan. Waxaa arrintan ka dhiidhiyay Xildhibaan Mubarik Abdirahman, Peter Johanssan iyo Abdulkhadir Mohamed Future oo xubno ka ah xisbiga shaqaalaha ”socialdemkraterna” oo ah xisbiga ugu weyn dalka Iswiidhan, isla markaana hadda ahaya hogaanka dalka. Waxay Mubarik iyo Abdulkhadir diyaariyeen mooshin ay ku dalbanayaan in arrintaas wax laga beddelo oo soomaalida laga daayo takoorka, isla markaana lagu siyo dhalashada muddo shan sano ah.

Mooshinka waxa ay markii ugu horaysay hordhigeen shirweyna xisbiga shaqaalaha ee degmada Malmö. Dabadeedna waxaa mooshinka la horgeeyay shirweynaha xisbiga shaqaalaha ee heer gobolka Skåne. Halkaas oo haddana lagu ansixiyay. Waxaana la filayaa in loo gudbiyo shirweyna xisbiga ee heerka qaran oo dhici doona dabayaaqada bisha shanaad ee May.

Haddii shirka heer qaran lagu ansixiyo mooshinka waxaa la filayaa in golaha sare iyo siyaasiyiinta golaha shacabka ugu jirta xisbiga in ay ka shaqeeyaan meel marinta mooshinka, iyaga oo kaashanaya dowladda hadda jirta. Tani waxa ay ka dhigan hirgalinta go’aanka shirweynaha xisbiga oo ah in soomaalida lagu siyo dhalashada muddo shan sano ah, halka maanta lagu siyo muddo 8 sano ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. Wiilwaal says:

    Jimcale mahadsanid qaabka aad udabagashe mawduucan,Mubarak na arinta uuso qade ilahay haka abalmariyo sida somali ugu dadaleyo waxa ushegaya in waxwalba aan lagarab taganahay oo Hadi lo baahdo aanu banaanka uso baxayno mudaharadyo waa waeyna dhigayno,guul insha Allah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 21 Thumb down 0

  2. Ibrahim says:

    Waa Arin Wanagsan Ee Horay Haloo Dhaqaajiyo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 1

  3. hassan says:

    Jimcaale noloow waa arin wanagsan oo u bahan xooga la saro

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 1

  4. holac says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 26

  5. Abaas says:

    Masha alaha qeer alaha kadhigo jimcaale waad mahad santahay nala socod sii kulanka dambe ee bisha May

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  6. Suad Osman says:

    Msha Alh qeer alha ka dhigo,jimcaale waa wax aad looga baahanyahay,alha fududeeyo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  7. xaamdi says:

    maansha allah allehi inoo saahlay baa mahadas iska leh

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  8. Muumin says:

    Waa arin wanaagsan waxaan rajeeynayaa ineey horay u sii wadaan insha Allah.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  9. dahir says:

    8 da sano noogu daya wayo somaalidu wa reer gura oo socod baa warerin iyo guritaan . Dadka somalida ah 8 da sano luqad ma bartab wandakana waxkama qabsadaan 5 sano marka basbor lagu siyana way ka sii daran doonta waxayna arintasi u darantahay caruurta somalida oo kolba wadan sida logu raraayo waxbarasho wayi donta

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 7

  10. dahir says:

    Dhibta somalida haysata ma ahan ta basboorka ee mudnaanta hala siyo waxbarasha,isdhexgalka iyo isku xidhnaanta bulshawaynta somaliyeed ee sweden

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  11. Roda says:

    ilahay ha noo ga soo qaado amiiiin

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  12. AbdikamiL says:

    Arintii 2 sano yaa war ka haayo kkkkkkk

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  13. goob says:

    asc walahay somaliya , maar dhawayd niin siyasi ah oo yimid magalada aan daganahay isago kaa jedinaya konferense is dhexgalka ayan waydiyey somalida maxa sharciga logu rajiya , waxana uu igu jawabay maa wataan cadayn , marka waxaan ku yidhi kadib 8 sano maxa cadanaya? ,8 sano kadib maxa so biraya ? 8 sano marka dalkan la joogo somali maa lagu noqdaa ? somalinimada 8 sano maa ugu ogalatan iin qofku somali ku noqdo ? aya so sameyay cilmigaa 8da sano marka laa daganado ii somali lagu noqdo ? 8 sano maxa so biraya ? marka aad ugu qortay sharciga daganashaha magalada uu ka yimid iyo iin u somali yahay , oo aa basaborka aad ugu qori waydayn ? sharcigi iyo qanunku ibn adanimo waad kaa baxdeen , takoriid iyo cunsuriyad caad oo xuriyadi dhakaq, dhaqaq , xaaqi uu somali laha waad ku tumateen , 8 sano xabsi ah ayaad ku xakunteen ciid walba oo somali ah
    walahi waa uu ii jawabi wayey

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. goob says:

    walahi waa uu ii jawabi wayey , walahi hadi aad ogtihin muhimada sharciga wayn ciid somali ah oo bila shaqo ah ma jireen , shaqo inta ugu badan waxa aay ku xidhan yihiin basaborka wayn , ururada , xeerka , xuquqda , dhamaan waxa so dhaan aya ku xidhaan , waxa waye hada iin somali oo dhaan qaylada laa gadhsiyo oo stockholm xarunta FN lagu mudaharado , wayo waxa waye ragani way ku talo kaleyn iin ay waxaba somali ay u ogolaan eeh calamka aan tusno iin u svensks model khayali yahay , qowmiyadi kaa dhidhida waa laa ixtirama

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. yahye says:

    Waxaan rabaa inad iga cawisan qof wax ka og diidmo ayaa la igu siiyey aqoonsigaaga ma cada DNA iyo wax wal oo kalena waa sax midaas ayaa diidmada la igu siiyey fadlan arintas qof ay ku dhacday ma jiraa …mida kale talo ayaan idinka rabaaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. ustaad says:

    Aboow aboow waar waa maxay waxaas oo diidmo ah Ee ninkan aad Ku qabateen maba maqli Kartaan Somaliland magaceeda ma isagaa Caytamayba’ waar xishooda dad aan idin rabin oo tashadayna ha isku dhadhajinina Ee hagaajista dalkiina qarxaya anaku waan hagaajisanee. Viva Somaliland

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. abdi says:

    yahye sxb numbarkaga isee aniga talo kuhaya ye aan kusowici

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. yahye says:

    Abdi sxb wad mahad san tahay mi num 00252659090941 ama adigu kaga so sheg ana kuso wiciye or miss call me insha allah..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. abdi says:

    0027781360048

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Osman says:

    Falange him ale soo bud iyo waqtiga shirka dhacaayo. Si wargeysyada loogosooqoro oo Somalians wax worth ee u Quran mida kale halasameeyo olalale lago kordhinaayo arintaan o fn halagoqabto banana baca hire halo wadi arintaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. mohamed says:

    asc dhaamntiin wan idin salaaamayaaa umada somaliyed meelkasat oo aad jogtan
    intaasi ka dib waxan codsan lahaa mubarak iyo qolada la shaqaynaysa cid telefonkoda haysa in ay hadii ay jiro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. mohamed says:

    aniga laftaydu waxan ololahaas ka wadaan degmada aan ku noolahay waxan uga baahanahay macluumad dheri ah dadka somaliyedna degma walba ha ka bilaban arinta
    waayo 5 sano wa sax balse 8 sano ka dib wax cadayn ah oo laguu hayaa ma jirto in aad somali tahay maxay soo kordhin aan ka ahayn ganaax in ay tahay 3 sano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0