Xagee marayaan dadaalada Soomaalida

5

Sidii aan idiin soo bandhignay dhowr isbuuc ka hor dhalinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood ka ka mida bahda boggan Somaliska ayaa u istaagay abaabulka iyo isku xirka dadaalada Soomaalida ee wax looga qabanayo shuruuda adag ee Sweden ay hordhigtay Bulshada Soomaalida.

Hadaba Siciid Cabdi Cusmaan oo ka tirsan dhalinyaradaas ahna wakiilka Somaliska.com ee magaalada Uppsala ayaa idaacada Sveriges Radio qeybteeda Afka Soomaaliga uga waramay dadaaladaas iyo halka ay maraykaan.

“Dadaalkii aan bilawnay waa la soo dhaweeyey, laakin wali waraaqihii sidii la rabay loogama qayb qaadan waqtiguna waa dhamaad” ayuu u sheegay Siciid idaacada

Bulshada Sweden ku nool ee Soomaaliyeed ayaa horey looga codsaday in ay dhamaantood ka qayb qaataan dadaalada socda oo ay magacyadoodana ku qoraan foomam loogu talagay in dadku uga wada qaybqaataan wax ka qabashada qoysaska laka xayiray, walow dadaalka uu dad badan gaaray oo qaarkood ay soo gudbiyeen warbixinta ayaa hadana dadaalka uu ku socdaa si gaabis ah.
Halkaan ka dhageyso wareysiga Siciid uu siiyay SR.
Halkaan ka aqriso mowduucii hore een ka qornay arintaan adigoo sidoo kale kala bixi kara foomka iyo adreeska lagala xiriirayo ikhyaarta dadaalada wada.

Adreeska Qareenka: Juristbyrån Wallnerström & Göthe AB
Osbyringen 22, 16373 SPÃ…NGA (Stockholm)

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here